Dood furan:yaa ka Masuul ah Shaqaaqada iyo Dhibaatada Dib u soo Cusboonaatay ee Ceelbardaale?

 

 

Dood furan:- yaa ka Masuul ah Shaqaaqada iyo Dhibaata da Dib usoo Cusboonaatay ee Ceelbardaale? Sidee ugu  ha boon ee Xal looga gaadhi karaa?, Saamayn intee leeg ayay ku yeelan kartaa Nabad Galyada iyo Xasiloonida ay Somal iland ku Caano Maashay? Prepared by: Mustafe Future

Waxaan jecelahay inaan furo doodan oo cidwalba u furan oo aynu isku weydaarsano fikirkeena iyo Cida Masuulka ka ah Shaqaaqadaasi soo cusboonaatay ee Deegaanka  Ceel bardaale ee ay ku muransanyihiin Beelaha Walaalaha ah ee Gabiley iyo Awdal iyo sida ugu haboon ee Xal looga Gaadhi karo Dhibaatadaasi soo noqnoqotay ee Dhimashada iyo dhawaacaba horseeday.

Sida aad la socotaan Waxaa Xiisad ba,ani ka taagantahay Deegaanka Ceelbardaale oo Murankeedu taagnaa tan iyo intii dalka lagu soo noqday iyada oo marar badan laga garnaqay muranka dhulkaasi, iyada oo laba jeer Guddi ka tirsan Golaha Guurtidu go,aamo ka soo saartay wali aan la fulin arintaasi, muranka dhulkaasi oo keenay dhimasho, barakac,dhaawac iyo dhibaatooyin kale oo bani aadanimo.

Ugu horeyn waxaa ka afeefdhiganayaa kana codsanayaa dhamaan dadka ka qaybgelidoona doodan inay ka dheeraadaan cayda, aflagaadada iyo been abuurka.
Qof waliba fikirkiisa waa u xor laakiin doodu waa inay ahaato mid hufan, cilmiyeysan oo aan ahayn Mid dhibaato horseeda.

Doodadaha iyo fikiradaha waxaynu isku weydaarsan Doonaa Shabakada wararka ee LongliveSomaliland News oo daadihin doonta Doodan aan Ciwaankeeda kor ku soo xusnay iyada oo aynu gun dhig uga dhigi doono Su,aalaha kala ah:-

1-Yaa ka masuul ah Shaqaaqada Ceelbardaale ee Dib usoo cusboonaatay?

2-sidee ugu haboon ee lagu xalin karaa dhibaatadaasi?

3- Saamayn intee leeg ayay ku yeelan kartaa Nabadgalyada iyo Xasiloonida Somalialand?

4-Maxaad kula talinaysaa Masuuliyiinta iyo Dhinacyada ay khusayso Arintaasi?


Ujeedada aan ka leeyahay doodanina waxaa ka mid ah:-

1.xaqiiqa raadin iyo in aan helno meesha ay sartu ka qudhuntay?.

2.Inaan helno fakir midaysan oo taabanaya cidda dusha ku qaadaysa Masuuliyada Arintaasi, si aanay dib udhicin arin danbe oo soo noqotay oo horseeda Dhibaato.

3.talo soo jeedin cid kasta oo masuuliyadi ka saarantahay Somaliland iyo Dhibaatooyinka noocan oo kale ah.

Waxaana aad ogaataa fikirkaasi, haddii uu ilaahay ka dhigo waxa uu noqon doona wax la uruuriyo uu loo soo badhigo cidda ay khuseeyaan, isla markaana document-teri ahaan loo kaydin doono.

Ugu danbayntii waxaan ku adkaynayaa mar labaad ka qayb galeyaasha dooda inay ka reebantahay cayda, aflagaadada iyo wax kasta oo wax udhimi kara qaranimada Jamhuuriyada Somaliland Dhibaatona ukeeni kara beelaha walaalaha ah ee dirirtu ka dhaxayso.

qoraalkaagana ha ka soo ilaabin in aad soo raaciso arrimahan hoos ku xusan:-

1. Magacaaca oo saddexan ………………
2. Goobta aad joogto ama degantahay ……………..
3. Kaalinta bulshada aad kaga jirto: Ma Arday baad tahay, Ma masuul baad tahay, iyo wixii la mid ah ………………

Waxa aad ku soo hagaajin doontaa Email: webmaster@longlivesomaliland.com


 

 

 

 Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
Longlivesomaliland News Reporter
Hargeysa Somaliland