Doobirta
Dagaaladii Geeska Afrika
By: Hamud Duale
Dagaalkasta
oo la galaa doobir iyo digo gub ayuu leeyahay, inkasta oo ay kala
baaxad weyn yihiin oo aan la isbarbardhigi Karin. Badh iyo waax
toona isku ma laha, aniguna xaashaa isku dhererin maayo, laakiin
dagaalada qadhaahdhi, waa si dacarta qadhaadh ee malabka dhasha oo
ma doobir la’ oo cid ayuunbay duxi ka raacdaa. Doobirtiisa ugu weyni
waa ta waayo aragni mo ee danbaskiisa lagaga baydho, nabad
waartana lagaga arrimiyo.
Cidda doobirtu raacdaana waa cidda dalka iyo dadkaba dabaqabataysa,
ee dib u yagleela, oo muruq iyo maalba u hura, si burburka dib u
dhis loogu bedelo.
Qarankasta oo dagaal burburiyana waxaa dib u yabyaba oo nabada ku
soo dabaala intay duxi ka raacday oo u guntada in sidii looga soo
kaban lahaa fallawgeed qabtaan, islamarkaana la helo sharci iyo kal
danbay, si uu u badbaado wixii ay kasbadeen, uu deganaasho iyo
ummado oda oo nabad ah ugu dhex kadbadaan, oo ay calfadaan.
Qarankii dumey iyo dagaaladii geeska Afrika ayay duxi ka raacday?
Kuwaasi weli ma u guntad een, oo ma dhisayaan nidaam
hantidooda difaaca, oo dadka iyo dalkaba waxtara? Ma dalal shidheeya
ah ayay maalgeliyaan oo miciin moodayaan in koodi baaba’san,
hantidooduna dal kale iyo dawlada kale u ilaaliyaan? Ma kuwa
siyaasiyiinta sheegta iyo kooxaha qaldhabaya ee kala aragtiyaha
duwan ayuunbuu xilka saaran yahay in ay dawlad soo dhisaan, oo lala
kala safto? Su’aalahaa iyo kuwa kale oo soo socdaba idinkaan idiin
dhaafayaa.
Dagaalkasta dhinacyada isku haleela, heer ku doonaba ah ahaado,
ciddina lib iyo guul lama hoyato oo waa la wada ogyahay in aan
dagaal wiil ku dhinta mooye, wiil caga bidhyaynaya ku dhallan. Waa
lagu if iyo aakhiroba seegaa oo weligii laguma aflaxo, adduun baa ku
besbeela mood iyo noolba leh. Hasayeeshee laguma waaro ee nabad
waarta ayuun baa ka danbaysa.
Haddaba dagaaladii beelaha geeska afrika, wixii mooraduug , qarankii
dunburush yidhi, qaxii iyo qalaasihii, balaayadii dhacday qaar bay
barkhadooda ahayd.
Teer iyo Siyaad Barre wixii gaadhba, gaadh naga bedely , ee haadba
haad kiciyey, ‘Qul hu wa laah axad’ ayaa ka danbeysey. Kaas oo
higaad looga dhigay fiqi tolkii kama janno tago, dab wax guba iyo
dollar. Waxaa shad iyo med looga dhigay habartii iyo habeenkii
baasaa ee hayb haybta, foodsaar waxaa looga dhigay dariiqooyin diini
ah oo lagu raadgadanayo. Waxaa lagu xarakeeyey oo loogu dhawaaqay
sida tan: hubaa laba kordheban, hiilbaa laba hoos dheban, hoog baa
laba godan. Bombaa laba kordhaban, biimaa laba hoos dhaban, burdaa
baaruud lagu reebay. Iyo qayb kale weli ku luuqaynaysa: “wankii
badhi leh ayaa balaayada kaa dabaalee, riyo buurbuurano orgi waa
baalaay”.
Dadka waxay ku baqamaalayaan buruud iyo awood ruuxi ah ayaanu
leenahay.
Culimada midwalba kitaab qumane ah ayaa qoorta loo soo sudhay. Mid
waliba kitaabkiisa qiil uu ku jahaado iyo cid uu la jahaado wuu ka
helay, waxse laga waayey qiil lagu kala bogsado oo lagu heshiiyo oo
nabada u adeegya. Taana waxaa keenaya danahooda kala gaarka iyo cida
ay la kaashanaya damacooda qaladka ah oo kala afkaar duwan, marar
badana waxaa garsiinaya oo dad badani ugu garaabayaan falalka ay ku
kacayaan iyo faragelinta ay ku hayaan qabqab layaasha dagaalka
ee adduun weynuhu ee reer galbeedka iyo kuwa adeegsadaan oo aad isku
diir iyo dub tihiin. Si kastaba ha ahaatee balaayada ay shidayaan
iyaga waa barkhadooda, oo shirkado iyo dariiqooyin diini diini ah
weeyi. Waxay kumayaal ku dhimanayaan Alif waxbuu lee yahay iyo
ma laha, Nabigu xus buu leeyahay iyo malaha ee xusuus buu leeyahay.
Araartii ayaa ila durugtaye oo waan qardo jeexaye aan dib ugu soo
laabto booygii ii qorshays naa ee aan ku talogalay in maanta
shiineeyo. ( halka booy waa 1 column , qoodiguna waa 4 columns).
Waxaan shinaynayaa afar qoodi oo ka mid aha baraha Internetka, gaar
ahaan kuwa naxliga, sardida iyo burxaanta laga dhameeyey ee aabahay
goblin ka gudbey, ee aragtiyaha kala duwan daabaca ee aan qaarna
daadufeen, qaarna xardhin.
Shirkadaha ganacsiga ee la unkamay burburkii qaranka, waxaa ka mid
ah kooxaha iyo maamul ada ku qadhaabta magacyada kala duwan ee
dalku u qaybsan yahay, ee uu ugu weyn yahay ka ku qadhaabta magacii
Jamhuuriyadii Somaliya, haddana ugu yar ee xuduudiisu ku ektahay
gurigii madaxtooyada la odhan jirey.
Kuwaasi iyo qadhaabkoodu ha ii dnabeeyaane, qormadan maanta waxaan
ka bilaabi doona sh irkadaha ganacsiga ee balaayadii dhacday,
barkhadooda ahayd oo ka mid ah doobirtii dagaa lada. Waa
dhabaqii dacartii dagaaladu dhashay ee aan weli laga muudsan
malabkii iyo macaa nkii nabada iyo taakulayntii, laga ulanayey.
Awoodii iyo masgaxdii dadka lagu badbaadin lahaa maanta way
leeyihiin, haddii ay ka gaabsadaan maalgelinta ay ku samaynayaan
degalada shisheeyaha, iyaga oo kheyraadkii badooda iyo berigooda
shirkado asaagood ih guranayaan.
Shirkadaha xawaaladaha, Isgaarsiinta iyo ganacsiga digital-ka.
Bal dhugo iidhehdan laga baahiyo TV-ga Universal ee ku saabsan mid
ka mid ah xawaaladaha.
· Dire: “Lacagtaan Xawaaladda kuu soo dhigay ma heshay.”
· Loo dire: “Maya, shinmaad soo dirtay”
· Dire: “Haddaan soo diray, hadduu qaadanayaana waa la igu yidhi.”
· Loo dire: “Waa tanaa. Waaba socotaaba. Weligee lacag sidan u
buubaysa ma arag. Jeebkay hadda geleysaaba. Waa ku ururtaba,
express-kii la sheegayeyba waa kan.”
Dire:Qax,qax,qax,qaxqaxqaxqaxqaxqaxqaxqaxqaxqax......
Iidhehdan waxaa iska kaashaday sedex shirkadood oo kala ah
xawaaladaha, Isgaarsiinta dig italka (telefoonka gacanta) iyo
warbaahinta digitalka (Tv-ga). Waa doobirtii dagaalada.
Ereyga Qax mar waa qasab ku barakac( waar qax oo iga hortag), marna
waa dhawaaqa qos olka iyo raynraynta, oo ka soo yeedha kii
kelifey qaxa. Loo diruhu waa qax, diruhuna wuu qax qax laynayaa. Waa
laba erey oo macnahoodu kaaf iyo kala dheeri yahay. Doobirtu waa
laba daa dhexdooda.
Shirkadaha xawaaladuhu waa shirkadaha dadweynahii kala guuray ee
barakacay ay adeego oda mahadiyeen. Waa shirkadaha Balaayadii
ku habsatay shacbiga barkhadooda ahayd.
Shirkadaha Xawaaladuhu waxay unkameen markii dadweynihii barakacay,
maamulkiina burbu ray, mid bedelana la waayey. Waxay
xidhiidhiyeen loo diraha iyo diraha u kala firdhaday daafaha
adduunyada.
Waxay aasaasmeen xilli maalqabeenkii hore naxdintii, argagixii,
baasuukuhii iyo baaruudii qii qaysey cagtii horaba ay ku
haftay, oo ay dhabanka iyo gacmuhu isku wada dhegeen. Waxaa kale oo
ay nasiib u yeesheen xilli caalamku u gudbey ganacsiga digitalka iyo
online, kaas oo fududeeyey adeegoodii, macaashkoodiina si xawliya
ugu tarmay.
Waxay ku guuleysteen, mahadi ha ka gaadhey, in ay hawgeliyaan dad
badan oo somaliyeed, inkasta oo aan loo sinnayn oo ay haweenka
deyriyeen, oo xitaa aanay shaqaalayn hablaha shaqlan, ee shareeran,
ee shuuko iyo shaadir ku abaadey. Waxaa kale oo aan u sinnayn
saa miga hawlgelinta beelaha waaweyn iyo beelaha laga tira badan
yahay, oo ay ugu wacan tah ay in ay aamineyn in aan beelaha
yaryari difaaci Karin danahooda ganacsi ee ay ka leeyihiin goobkasta
oo dalka ka mid ah.
Xawaaladuhu ma laha xuduud, goobkasta oo dalka ka mid ah way joogaan,
ab iyo isir meela kama horjoogsado. Tiradoodu sannad walba way sii
kordheysa. Badnidooda marmar baan is idhaa, dagaalada xusbul islaam
kadib, armuu dagaal dhexdooda ka qarxadaa. Waayo waxay adeegsadaan
habkii Aabbaanada ee uu qarni ka hor uga dhacay Berbera dagaalkii la
magac baxay “Dagaalkii Abbaanada”.
Goobkasta oo ay degaan waxay u magacaabaan Abbaano ka soo jeeda
beelaha ugu waaw eyn, si ay u difaacdo danaha shirkada.
Taasina waxba kama duwana beelaha waaweyn oo wasiiro lagu dhigo, si
ay u taageeraan maamuladii inna soo maray iyo kuwa aan la
ictiraafsanayn ee immika jiraba. Markay Xawaaladuhu sii bataanba,
waxaa sii badanaya tirade abaanada ee tuulada oo u dhigma wasiirada
beelaha maamulada siyaasadu magacaabaan.
Shaqaalaynta haweenka iyo raggu umma sinna. Sobobtuna ma ah arrin
diini ah, hadday diini ahaan lahayd xafiisyada xawaalada in ay
yimaadaan haweenku oo lacag ku shubaan lama ogolaadeen, oo waxaa
khasab laga dhigi lahaa in ay raga lacagta u soo dhiibaan. Mana
dhicin taasi oo xafiiskaad aragtaba haween baa saf ugu jira, oo
wiilashii shaqaalaha hor tuban.
Waxaa marwooyinkana deyriyey habka beelnimo ee siyaasiyiinta iyo
maalqabeenadu adeegsanayaan, oo haweenku cod kuma laha beesha ay ka
tirsan yihiin oo dhaqan diidan ayaa jira.
Dadka qaar waxay yidhaahdaan lacagta xawaaladuhu maamulaan inta
badan waxay ka timaa daa haweenka gedisleyda ah iyo kuwa qurba
joogta. Haddana waxaa ka reeban in ay ka shaqeeyaan amma saami ku
yeeshaan.
Kuwa shaqlan ee shaadirka hogoogan ee shareeran xitaa looma ogola in
ay xawaaladaha ka shaqeeyaan. Waxay aaminsan yihiin maamulada
xawaaladuhu sheekadii sula. Waxay aaminsan yihiin in haweenku wada
Muunisooyin yihiin. Waxay ka duulaan: “Aamin dumar ma yeeshoo
Muunisoo aqoon leh, shaydaan Afuufee.”
Muunisa waxay ahayd baa la yidhi haweeney alla ka cabsi badan,
saahid ah oo noolayd waagii asaxaabihii, oo maalin shaydaan
khiyaameeyey oo weyso jebiyey, iyada oo masaajidka ku kal
ahaysa. Ma garbaa in gabdhoo idil loo ciqaabo, gefkii muunisa. Waa
maan guracan iyo garasho jaan.
Xawaaladuhu waa in ay habkan wax ka bedelaan oo bandooda ka qaadaan
dadka laga tiro badan yahay iyo haweenkaba. Waa in aanay dhiirigelin
habka xaqdarada maamulada guracan adeegsadaan ee qarankii dumiyey.
Dadku waydin Aaminaye Dawlad maad u noqotaan
Hantida ay maamulaan shirkadahani waxay ka soo gashaa macaamiisha
Somaliyeed rag iyo dumarba, waana tan lacagtay maamulaan ilaha ay ka
timaado.
· 1. Jalka loo dirayo qof jibaadaya oo hunguri jabay, qof dhaawac
ah, iyo qof meel duni ka mid ah ku go’adoomey oo qaylan u kala diray
tolkii, gacalkii, cashiiradii, xididkii iyo xigaalkii.
· 2. Masaariif joogta ah oo ay isku dirayaan ma huraan walaala ah
iyo waalidiini.
· 3. Lacag loo dirayo oo lagu maalgelinayo dagaal ay oogeen beelo
faaqey oo isku dhacay, qaarna mashruuc ka dayayaan. Waa lacagta lagu
difaacayo qabka qabyaalada ee xawaalad laha aan bixini guumoobayo.
· 3.Deeq iyo macaawino loo fidinayo qaxii iyo barakacii ka dhashay
dagaalka isla beelihii faaqey ay oogeen oo heer qofeed iyo heer
beeleedba loo ururiyo.
· Lacagta loo fidinayo dib-u-hesheesinta isla beelihii faaqey ee
isku dhacay oo la guddoonsiinayo madax dhaqameedka ee dab demiska
ah.
· Lacago ay lunsanayaan madaxda beelaha iyo maamulada kala duwan ee
dalku, wasiiro, agaasimayaal, madaxweynayaal bal eh, shaalkay
doonaanba ha siteene.
· Lacagta gedisleyda muwaadinaanta iyo qurba joogba leh ee u kala
gooshta qaradaha caalamka, ee badeecadana kala rogaa.
· Lacagta ururada adeegyada samafalka iyo kuwa waxyeeladaba. Labada
iyaga ayuubaa u adeega. Ururadani shisheeye (foreign NGOS) iyo
sokeeye (local NGOs) ayay iskugu jiraan.
· Lacagaha loo ururiyo wadaad iyo wabiin, abwaan iyo alla u sahal,
siyaasi iyo madax dhaqameed. Oo dadweynaha deeqsiga ahay goor walba
la diyaarka yihiin.
· Qaarkood kama reebana u adeegista shirkadaha Budhcad badeeda iyo
argagixisada
Markaad eegto liiska kor ku xusan, ilaha dhaqaale ee xawaaladaha loo
furanayaa waa habkaa. Haddii aad xawaalad leh ahaan lahayd ma
jeclaan lahayd in reerku dego oo dagaaladu dhammaadaan, mise qaar
kale ayaa soo dhiirigelin lahayd? ma jeclaan lahayd in Al-shabaab
hubka dhigto, mise wad badhi taageeri lahayd, oo Al-sunna wal
jamaacaha ayaad dhabarka ka dhirbaaxi lahayd? Mise waxaad jeclaan
lahayd si uu macaashkaagu u sii bato, in la sii kala guuro, oo
maalin walba buuko, buuko wareento, oo beeliba, beel weerarto, Ma
jeclaan lahayd in shirkada madaxdhaqameedka aad laaluushto si ay dab
u shidaan, haddana u damiyaan oo sidaa meherad ka dhigtaan, oo ay
laba lisaan kicinta beesha iyo dejinta?
Ilaha dhaqaalaha ee afarta beeni garjo ee caalam ka kaga soo ququlaa
xawaaladuhu waxay u badan yihiin intaa kor ku xusan oo xaraan iyo
xalaalba.
Shirkadan dantoodu gaabani waxay ku jirtaa kala daadsanaantay, kala
maqnaanshaha macaariif isjecel, maamul la’aanta, hasayeeshee
dantooda fogi waa in ay helaan maamul difaaca hantidooda, ta ummadda
iyo guud ahaanba kheyraadka qaranka bad iyo berriba leh. Kala
danbayn iyo sharci kala haga ummadda.
Ummad kasta oo burburta, waxaa dib u soo nooleeye, inta dabkii
dagaalada ka badbaada masgax ahaan, maal ahaan iyo muruq ahaanba, oo
ka talisay in aan danbaskiisa lagu guban. Inta immika ku loolamaysaa
jn ay hogaamiyaan qaranka ee qoriga sidataa waa danbaskii ka hadhay
iyo digidii dagaalada sokeeye.
Maanta waxaa la joogaa marxaladdii ay dadka u hiilan lahaayeen ee ay
u ololahaayeen qaran nabada iyo maamul lagu nasto, ee ay maalgeli
lahaayeen.
Waxaan leeyahay dadku waydin aaminaye dawlad maad u noqotaan amma
kooxahan isbarbar yaacay midkood geesi ka yeeshaan oo aad inta kale
burisaan.
Dhalanteed run ha moodina. Dheg xumo ayay idin raacin. Noqda ubadsan
ifka aayo leh oo intifaac ka taga. Dadkan haadka iyo waraabuhu ka
dhergey waa dadkiinii, waa macaamiishiinii. Badan kuleenkii la iska
dhuranayaa waa badiinii. Badan Nuclear waste Products lagu aasayaa
waa badiinii. Suntaasi waxay dishaa iyo waxay dili doontaaba waa
macaamiishiinii. Yaa idin ka xiga ee idinka xoog weyn ee aad ku
halaynaysaan. Yaad idinka caqli iyo cilmi badan ee aad ku
halaynaysaan in ay gufeeyaan, godaloolooyinka muuqda.
Haddii kale magaligaad afaysaan iyo kooxaha kala duwan ee aad la
kala safan tihiin ayaa Aaakhirka muruqa idin Jari. Dadka ha ku
dhiirigelinina in aad xeebaha dalal kale guryo ugu dhistaan oo aad
maalgelinta dalalka shisheeyaha iskugu faantaan. Taa waxaa idiinka
roon in aad maalgelisaan dawlad iyo maamul aad idinku ka mid tihiin
oo sharciga iyo shareecada innagu soo dabaala.
Shirkada dhoofinta, daad guraynta iyo taakulaynta tahriibayaasha
“Yaa duulayow soconaya Waar dalkan yaa ka cararaayaa yaa dibada
aadaya” Waa ereyadii Cabdi Muxumad Aamiin
Shirkadani waxaa sawir fiican ka bixiyey alla ha naxariistee
Abwaankii Cabdi Muxumed Amiin oo tiriyey hees ay ka mid ahaayeen
erayada kor ku xusani.
Shirkadahan inkasta oo macaamiishoodii soo gabaabsiyooso, oo
tahriibayaashii dhinaca budhcadbadeeda iyo shirkadaha Islaamiga ah
ku kala biirayaan, haddana weli ganacsigoodu waa dhereg, oo waa
garbo diiri koley nin daguugan ma weydo.
Shirkadani waxay sheegataa oo ay ku faantaa in ay ahayd gurmad eebbe
dadka u soo diray. Malaayiin somaliyeedna ay badbaadisey.
Waxyeeladeedana waxtarkeedu ka badnaa, waxase hubaal ah in aannu
adeegeedu dar Ilaahay ku imman, waqfina ahayn ee xoogsi ahayd,
jabkii iyo halaagiina, barkhadooda iyo doobirtooda ahaa.
Shirkadani waxay ka mid tahay, shirkadihii ka unkamay colkii iyo
abaartii ku habsatey dadweynihii Somaliyeed meelkasta oo ay
joogeenba. Waxay adeegsatey doonyo, diyaarada iyo dokomenti dhab iyo
dhalanteedba lahaa, si ay dadka uga daadgurayso holaca iyo halista
dagaalada.
Dadweynuhu waxay kala dooranayeyn laba daran oo ahaa in ay dooni
kula qaraqanto badweynta Indiya ama bada cas iyo in uu dhagaroobo
ama lagu dhagaroobo oo uu if iyo aakhiraba seego. Labadaa waxaan
ahayn oo meesha yaaley ma jirin.
Inkasta oo qoysas badan badaha ku haligmeyn, haddan in badan oo
maanta lagu nastay ayay qurbaha soo gaadhsiiyeen.
Shirkadani baahi loo qabi awgeed markii hore waxay u muuqdeen in ay
fulineyso adeeg aan ka madhnayn samafal, laakiin maanta markaad
wararka tahriibayaasha maqasho waxaad moodaa in ay yihiin dhagar
qarsoodi ah. Eedaa, markaad dhab ugu fiirsato, shirkadu keligeed ma
laha. Waa lala wadaagaa. Dhallinyarta tahriibeysaa waxba kama duwana
kuwa isqaraxinaya ee shirkadaha islaamiga ee hubaysani
shaqaaleeyaan. Ka isqarxinaya iyo ka tahriibaya, labaduba waa
ismiidaamis. Labaduba waxay quus ka joogaan nolosha, dawlad la’aanta
iyo shaqala’aanta ku habsatey. Wax ka furta ayay waayeen in
qudhgooyo u badheedhaan. Waa dhallinyaro haad iyo waraabe ka
dhergey. If iyo aakhiroba waa la seejiyey oo arrin iyo adduun midna
looma hanbayn, abkuu doonaba ha ka soo jeedee.
Kuwa tahriibaa waa kuwa awoodey kharashkii shirkada daadguraynta.
Kuwa la saftay kooxaha islaamiga ah ee hubaysanina waa kuwa tahli
waayey nooligii doonida. Duruuf isku mid ah oo saamaysay ayay labadu
xal u raadinayaan, wax lagula yaabaana ma jiro. Mar haddaan cidina u
maqnaan ceelna u qodnayn dhallinyarada waxaa iyo wax ka daranba waa
looga fadhiyaa.
Waa socotaa, qaybtii 1aad.
|