War Deg Deg Ah:Xukuumadda Somaliland oo Gacanta ku dhigtay Diyaarad Saanad Milatari u sida Puntland

 

 

Hargeysa (TNN)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta Gacanta ku dhigtay Diyaarad Nooca Xamuulka qaada ah oo Maamul Goboleedka Puntland u sida Saanad Ciidamadda .

Diyaaradan oo ka timi Dalka UGANDA oo ay wataan Ciidamo Calooshood u shaqaystayaal  Ko onfur Afrikaan ah ayaa lagu qabtay Madaarka Hargeysa kadib markii ay si qalad ah uga soo Degtay Madaarka Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhamaan shaqaalihii saarnaa Diyaaradaasi dhulka u soo  dajiy ay, waxaana guud ahaanba isugu tagay Madaarka Hargeysa madax badan oo ka mid ah  Xu kuumadda, waxaana la filayaa inay goor dhaw jawaab cad ka bixiyaan falkaasi ay dawladda Puntland wado ee daan-daansiga ah ee ay Hubka ku Urursanayso.

maalmahanba waxa jiray dhaqdhaqaaqyo Milatari oo ay Maamulka Puntland ka wado dhulka Somaliland ee bariga Sanaag oo ay ku soo daad guraynaysay Ciidamo Calooshood u  shaqay stayaal ah oo ilaalin doona Shirkado Maamulkaasi wataan oo doonaya inay Macdan ka qota an dhulkaasi.

tan iyo intii ay Puntland bilowday dhaqdhaqaaqaasi waxa isa soo taraya walaaca aay  xuku umadda Somaliland ka qabto Puntland, waxaanay Xukuumadda Somaliland ku hanjabtay inay talaabo ka qaadi doonto, iyadoo talaabadani ay tahay tii ugu horeysay ee dhex marta labad dhinac.

Source:Waaheen