Waxaa baryahan danbe ka socday gobalada boqortooyada Sacuudiga ee Riyadh Jeddah & Dhahraan dhaq dhaqaaq balaadhan oo loogu diraay garoobayo daah furka xafiiska urur siy aasadeedka Xaqsoor kaas oo sida lagu talo jiro in laga furo dhamaan gobalada boqortooy ada, hadaba mar aanu wakiilka ururka guud ee wadama khalijak Mudana Axmad Maxamad Saciid oo baryahan ba isugu gaalaa bixinayeey gobolada Sacuudiga safaro joogto ah ayaa nu wax ka weeydiinay halka ay hoos u marayso iyo hadal haaynta ururka oo aad moodo ka ugu taageerada balaadhan wadamada carabta waxuu noo sheegay in Ilaahay hosha u fud eediyay taas oo uu ku sababay in ururka Xaqsoor uu yahay urur aan u baahneen suuq ge en waayn iyo dadka sidii loogu qancin karo oo dadku uu aad ugu kalsoonyahay hogaanka ururka Xaqsoor kuna wada dharagsan yihiin taariikh dooda, isaga oo hadalkiisa sii watana waxuu yiri : umadda reer Somaliland aay maanta ogaatay in beelaha mansibyo loogu balan qaado oo sidaas cod lagaga doonaa aay tahay arin dhibtiisa leh oo madhalees ah taasina aay ka mid tahay arimaha quluubta shacabka Somaliland u soo jeediyay ururka Xaqsoor, h adaba waxaa la filayaa in maalimaha soo socda laga furo Xafiisyadii ururka dhamaan gobol ada boqortooyada.
 


Hadaba waxaa xusid mudan in dadwayna jaaliayada magaalo madaxda Riyadh aay aad ugu riyaaqeen kalmad uu Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor Muj. Xasan Ciise Jaamac ugu jeediyay si Jaaliyada manaasabadii 18ka May ee ka dhacday Magaalada Riyadh taas oo si toos ah uu dadka kula hadlayeey cod baahiyaasha.
 

 



Mustafe Cali Xasan


Xidhiidhiyaha ururka Xaqsoor-KSA