Ogaysiis: Diwaangalinta Somaliland Community Achievement Award 2013
 

 

Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu sanad walba qabanqaabiyaa (laga bilaabo 2009-kii) munaasibad lagu xuso laguna dhiiri galiyo dadka reer Somaliland ee horumar fiican naftooda u gaadha amma umadda reer Somaliland horumarkooda iyo muuqa shadooda qayb libaax ka qaata. Ururku wuxu si gaar ah u dhiiri galliya ardayda reer Somalil and ee xagga tacliinta, siiba GCSE-ka iyo A-Levels-ka, darajooyin sare ka keena.

Hadaba ururku wuxu qorshaynayaa qabashada munaasibaddii sanadleyda aheyd ee dadka as lagu xusayay laguna abaal marinayay oo qabsoomi doonta bisha December 7-deeda. Sidaa daraadeed waxaanu dadwaynaha reer Somaliland ka codsanaynaa inay soo diwaan galiyaan caruurahooda imtixaanadda GCSE iyo A-Levels-ka darajooyin-ka sare ka keenay ( A* to B). Sidoo kale waxaanu jaaliyada reer Somaliland ee dalkan Ingiriis-ka daggan ka cod sanaynaa inay magaalooyinka iyo xaafadaha ay daggan yiin kasoo xullaan muwaadinka am ma urur samafal (rag iyo dumarba) ee ay isleeyiin umaddiisa Somaliland ayuu u hagar baxa a, hadday noqoto gacan qabad iyo mashaariic horumarineed, hadday noqoto qabyaalad na cayb iyo ahaan-shaha Somaliland oo uu muujiyo dadkiisana ku dhiiri galiyo inay Somaliland-nimmadda hoos uga daadaggin, hadday noqoto u olalaynta daacaddaa ee qadiyada Somalil and iyo hadday noqoto maal gashi faa'ido leh oo dalkeenii hooyo muwaadinku ku sameeya y-ba. Sidoo kale waxa abaalmarintan ururku siiya dadka aan reer Somaliland ahayn ee laaki in wax u qabta dadka iyo dalka Somaliland oo iyagana lasoo diwaan gallin karo.

Diwaan galintaada waxaad usoo diri kartaa info@wlsomalilandcommunity.org.uk amma waxa ad lasoo hadli kartaa xarunta urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community oo numbarkeedu yahay 0208 848 1180.

Mudada ururku diwaan galinayo shaqsiyaad-ka amma ururada sanadkan mutaysan kara ab aal marinta Somaliland Community Achievement Award 2013 waxay ku eegtay 15-ka Nove mber 2013-ka.
 

 


Guul iyo gobanimmo,

Maamulka West London Somaliland Community