Diiwaanka Taariikhdii madoobeyd ee Riyaale iyo kooxdii NSS ta, Han gashtii iyo damiir laawayaashu badeen shacabka iyo Qaranka Somaliland iyo mahadhooyinkii laga reebay



 

 

Guul darradiini horiyo,qoomamo la'aantiinan danbe,waxay la xaajo tahay,"Hooyooy laba jeer dhintaye, god kiyo , iilka igu rida."




Waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh,aan u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer S omaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan Allaha awoodda leh weydiisanaya , inuu innaga yeelo ku wii if iyo aakhiraba liibaa na, xaqa ku adima, dulmigana ka fogaada.


Allah waa ii dhaliyey raganimo,ina baray qalinka ,hibana ii siiyey afka iyo luqada lagula hadlo kuwa xaqa bal maarsan ee wanaaga iyo walaaltinimada aan xeerin.Waxaad in badan maqasheen amaba akhrisate en in M adxweynaha Qarankeenna , ee aqlabiyadda weyn lagu doorty , tan iyo maalintii kursiga loo dha ariyey afla gadooyin,ceebeyn,caadifadnimo, curfinimo, beelaysi, qabyaalad ,xaasidnimo , hanjabaad iyo kala fogayn, ay ka soo burqaneysay shaqsiyaad:



1-Wax yeello mooye aan waxtar u yeelan shacabka iyo Qaranimada Somaliland
2-Halgankii iyo taarikhdana aan waxba ku lahayn,baal madawna kaga qoran
3-Ma guurtadii iyo Qasanadii Qarankana dhaxal wareejiyey
4-Sidii Gofanaha dhiiggii umadda nuugay,lafihii iyo tacabkii ummadana baa bah ka yeelay



Iyagoo intaa iyo in ka badan dalkan u geystay,darxumo iyo leel leelnna baday in badan oo innaga mid ah,a yaa markii uu talada Dalka la wareegay Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), wuxuu ku dhawaa qay inaan cidnna la daba galayn,waxnna loo raaceyn,wanaagana iyo wada jirkana uu ka hor ma riyey wax walbba ........ Billaa caleeg , Gobanimo waa u dhalasho iga dheh.



Somalidu waxay ku maah maahdaa,"Ninna caadii ma baajo,bahalnna qaydhiin ma daayo." Nimankii intaa s oo wanaaga loo galay,ee magacoodii la dhawray,la asturay,ee wixii ay galeen,aynu duu duubka ku liqnay,ayaa iyaba waa cibaaro adduune , maanta sidii Tukihii geed walbba dushiisa ka waaqlaynaya !!!
Cakuye miyaanay ahayn, adduun sii gabaabsiya iyo wanaagii oo fool xumadu ka magac roonaatay.


In badan buu Madaxweynhu u dulqaatay,u samray,kaadi badane waa loo gogol badiyaana ku dhaafay tawa awcooda,laakiin wuxuu arrinkeedu ku biyo shubtay maah maahdii ahayd,"Doqoni xin mooyee, xisaab ma og a."... Markaa inuu cawda u gooyaa , oo laba kalmadood oo waafiya hawada u mariyaa, sow  da w  maaha, ileyn horaa loo yidhi "Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa, haday garan waydana, goshaa loo geshaaye." Taana waxaan leeyahay Madaxweyne waad asiibtay,bilaa caleeg tu labaad ha u celin.


Bal aan dib u xasuusiyo Mahadhooyinkii laga reebay kooxdii Riyaale, ee NSS ta,hangashta,damiir laawayash a, ka dib markay ogaadeen inay guuli ka dheer tahay,waqtigiina ku soo yaraaday,calaa calkoodii iyo tiirany adoodiina waxaa ka mid ahaa:



"Waxaan dalka u imid inuusan Siilaanyo madaxweyne ka noqon Somaliland oo ragbaa igu ballamiyey,"  Ca wil ,Wasiirkii Maaliyadda


"Siilaanyo waa inuu cafis soo weydiistaa Riyaale ,haddii kale dalka kuma soo noqon karo,"Wasiir ku xigee nkii hore a Arrimaha Dibadda,Kayse Aadan Ismaaciil


"Riyaale dhab libaax buu ku hurdaa,cidna kama qaadi karto kursiga,"...Waa mala awalkii iyo khayaaligii Ri yaale lagu seexin jiray........Waxaase maanta dhab ah inuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku hurdo idan All eh iyo shacabkii codka aqlabiyadda siiyey ........ Eash qiyaasak.


"Distoorka Somaliland dib ha loo furo si uu madaxweyne Riyaale dalka taladiisa uu hayo," Cali Maxamed W arancade



Yaan tawaadu iga idlaane ,aan soo xakameeyo qormadan kooban,ee aan ku iftiiminayey,Diiwaanka Taariikh dii madoobeyd ee Riyaale iyo kooxdii NSS ta, Hangashtii iyo damiir laawayaashu, badeen shacabka iyo Qara nka Somaliland iyo mah adhooyinkii laga reebay ....


Waxaan kooxdaasi ka codsnayaa , kuna dhaafayaa , inay eryadan dhuuxaan,waayaha addunkana waxa ka koror sadaan,Madaxweyne Axmed Siilaanayana, u hibeeyan kursiga Allaha awooda lihi siiyey...Ta kale,aan iskiin baro ,fanaanadda caanka ah ee Amina Faarah Wabar,oo heestan idiin dhameys tiri doonta...


Haye Amina , codkaaga macaanaa ku cashari baan ku idhi kooxdan , hadalkuba ha ku gudhee :
 

 

 



Goohaayeey , Goohaayeey,
Gabal dhacay dadaw ,gada
al ma u soo noqdaa,
intay goori goor tahaa ,
alla fuloow,guuli kuu dhawyd,

******

Haddii talo kula gudboon,
aqoon gaabnimo gabtoo,
wanaagii kaa galbado,
Gorayo Haad noqotayoo,
Gob iyo xaalkeed is waa

******

Gudbaye waxaan uga socdaa,
Geerida waa loo dhashaa,
Gun nimo waa laga dhintaa

******

 

 

 

 

 







Somaliland Ha Noolaato ....... Long Live Somaliland


 

 

 

 


 

Eng. Maxamed Cali Muse
October 3 ,2011