Dhiganaha “Nabaaddiino”- Hayaha Suugaanta Xuquuqda ( Q. 2-aad)
 

Qaybtii hore ee qoraalkan oo ku soo baxday bogga weyn ee Redsea Online iyo dhawr bog oo kale ayaa waxaynu ku xusnay in uu buuggani yahay mid waxtar weyn leh marka ay murti iyo falanqaynteed arrintu joogto. Waa dhigane kaydinaya suugaan badan oo la xidhiidha arrimahan:

• Xuquuqda aadamaha.
• Xuquuqda dumarka.
• Xuquuqda dhallaanka.
• Nabadda.
• Caddaaladda.
• Nolosha.
• Dadka la haybsooco
• Aqoonta.
• Xorriyadda.
• Xuquuqda naafada.
• Dadka xiskoodu dhiman yahay.
• Deegaanka.

Waa bad weeyaan buugga intaas oo qaybood wax ka kaydinaya, mid kastana cutub gaar ah ka dhigaya, haddana sii sharraxaya. Marka aynu aragno baaxaddiisa waa buug laba boqol oo bog ay wax u dheer yihiin. Markaa way iska caddahay in aan buugga intaa le’eg maqaal kooban lagaga bogan karayn, in intii laga gaadho uun laga soo qaato mooyaane.

Jaldiga buugga marka aynu isha qac ku siinno, ee aynu dacarta ku sawiran aragno, ee aynu akhrino beydka Qaasim ee ah “dacartuba marbay malab dhashaa muudsataa dhabaqe” ee dacarta hoosteeda ku dhigan, ee aynu haddana dhiganaha laftiisa wada akhrino waxaa laga yaabaa in aynu fikir dheer galno, xasuus badanina ay marka dambe maskaxdeenna ku hadho. Arrimahaasi maxay ka dhalanayaan? Waxay ka dhalanayaan xaaladda markaa la gelayo: jawi suugaaneed!

Xorriyadda

Dadkeennu waxay soo mareen marxalado kala duwan oo ay mid waliba waayaheeda gaarka ah lahayd. Waxa jiray mar ay xuquuqdeennu, idil ahaanteedba, maqnayd gacan shisheeyana ay ku jirtay – gumaystihii. Waxa ku xigay mar ay dheef iyo dhibba dadku qabeen, waana intii 1960 ka dambaysay. Waxa ku xiga xilliyadan dambe oo qudhooda marxalado kala duwan loo kala saari karo. Intaas oo casriba suugaanta xuquuqda ee dhiganahan ku qorani waa ay la xidhiidhaa, dadka ay khusaysana qoloba si gaar ah ayey arrintooda u taabanaysaa.

Marxaladdii ay xuquuqdu dhammaanteed maqnayd suugaanta ku saabsan ee buugga laga helayo qaarkeed waxaynu ka helaynaa cutubka “xorriyadda”, waxaynuna wax ka soo qaadanaynaa gabay qiima sare leh oo uu tiriyey waayadaas, Alle haw naxariistee, abwaankii Cali Xuseen Xirsi. Waa gabaygii “fiin” waxana beydadka gabaygaas ka mid ahaa:


“...Hadday ul iyo diirkeed yihiin, rag iska eegaaya
Afrikadan ma joogeen nimaan, aabbo ku lahayne
Ayax kuma dhaleen kaymihii, ubaxa weynaaye.”

Xuquuqda Dhallaanka

Ka rog oo haddana saar. Qaybtaa haddii aynu halkaa ku dhaafno oo aynu qayb kale u gudubno ka warran? Waa qayb ku saabsan xuquuqda dhallaanka. Qaybtaas iyada ahi mar waxay soo bandhigaysaa dhallaan aan cid daryeesha haysanin, dawladdii daryeelkooda u igmanaydna ay ururinayso oo qarinayso si aan shisheeyaha waddanka yimaaddaa ugu dhalliilin. Waa xaalad ka mid ah xaaladihii dhacay xilligii kacaanka, waxana maanso caan ah oo tayo badan magaceeduna yahay “Kaba-caseeye” ku muujiyey abwaan Maxamed Xaashi Dhammac “Gaarriye”. Maansadaas iyada ah oo dhammaystiran ayaa qaybtan ka mid ah, waxana ka mid ah haddii aynu qayb ka soo qaadanno:

“..Cagiduu dhaqaaqay
Ciidan baa taxaabay
Lagu yidhi ciyaalka
Cid daryeesha haysan
Ee aragga cawlan
Si naloogu caayin
Ku cabbeeya gaadhi!”

Carruurtu waxay u baahan yihiin daryeel iyo barbaarin wanaagsan si ay karaahiyo iyo dhib uga nabad galaan, dadkooda iyo dalkoodana u anfacaan. Haddii ay hagaagaan wax badan baa bulshada u hagaagaya, haddii xumaadaanna wax badan baa xumaanaya. Xumaan iyo samaan, kolba wixii marka ay yar yihiin lagu barbaarsho uun hadhow marka ay weynaadaan ka soo noqonaya. Arrintaa waxa gabay dheer oo “Qaranjab” ku magacaaban wax kaga xusay abwaan Maxamed Cabdiraxmaan Xaaji Jaamac, oo yidhi:

“…Qasnad dahab ku jiro weeye iyo, dheemman qaaliya e’
Qorrax iyo cadceed iyo haddaan, qabowga loo diidin
Qol dugsoon habeenkii haddaan, qaaci lagu seexin
Qufaciyo haddaan laga dawayn, qaaxadiyo xiiqda
Hadhow talada goortay qabtaan, inama quudshaane.”

Haadda iyo shimbiruhu waa tusaalayaal wax-ku-qaadasho leh, oo uu abwaanku inoo soo qaaday. Dhashooda kuwaasi way u dadaalaan illaa iyo inta ay ka  gaad hayaan jeerkii ay isku fillaan lahaayeen. Haddaba noolihii aan caqliga lahayni haddii uu sidaas yahay, dadka oo ugu martabad sarreeya maxaa la gudboon? Bal aynu beydadkan soo socda oo isla gabayga “Qaranjab” ka mid ah dhuuxno:

“…Qudunquuto kama liidaniyo, haadka qaaq yidhiye
Waxay ugaxda qararka u dhigtaan, way qarsanayaane
Jeeroo ay quwaystaan afkay, ugu qadhaabaane
Innagana cidlay quban yihiin, qaniyadeenniiye.”



...Weli wuu socdaa qoraalku…
 

 

 

Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com