Dhaqanka iyo Hiddaha
YARAD:Guurka dhaqan ahaan Wiilka waxa laga rabaa oo Gabadha reerkooda uu siiyaa Yarad oo lagu qiyaaso tiro Halo ama Geel ah inta badan Aabbaha wa xa ka taageera oo la bixiya Qoyska intiisa kale,waana iskaashi dhaqameed. KAALO:waa xoolaha Reerka cusub loo samaynayo oo Aabahu xooluhuu u saaro mooyee Qoysaska kale min neef u bixiyaan taas oo u suurta gelisa in uu muddo gaaban Reer xoolo leh ku noqdo,taasina waa iskaashi dhaqameed. DHIBAAD:waa xoolaha la soo siiyo markay Gabadhu reerkooda u tagto oo Awr loogu soo raro waxyaalaha guryaha lagu dhisto sida Cawsaska iyo Kebdaha ..iwm GABAATI:waa xoolo ka horeeya Yaradka oo Sooryona la yidhaahdo oo inta ba dan waqtiga meherka la bixiyo MAG AMA DIYO:waa mag la bixiyo haddii qof la dilo oo sida Kitaabku dhigayo la gu qiyaaso iyadoo xaqluhu wax ka saamaxo mooyee. JIFI:waa xoolo ka mid ah MAGTA oo la sii hor bixiyo. DUMAAL:waa marka uu dhinto nin xaas lahaa,waxa si Caruurtii loo ilaaliyo inaa nay dayacmin dhaqan ahaan la sameeyaa Gabadha waxa guursada ninkii dhin tay walaalkii,taasi waxay badbaadinaysaa Caruurtii oo Adeerkood ayuun baa meeshii yimi una arka Caruurtiisii oo kale waayo walaalkii baa dhalay,tani waa waxyaalaha aan kaga sarayno Bulshooyinka kaloo dhan waa dhaqan cilmiyays an oo aan wax loo dhigo la helayn. XIGSIISAN:waa marka ay geeriyooto Gabadhii la qabey ,ka dibna ninkii gabadhu ka dhimatay waxa loo guuriyaa Gabadhii dhimatay walaasheed,taasoo lagu ila alinao Caruurta yaryar inay Habaryartood helaan oo sidii hooyadood u xannaa naynaysa una daryeelaysa halka naag kale karhayso oo odhanayso maxaa dhi btooda ila soo galay! Sidoo kale waxa la ilaalinayaa labadii qoys ee xididka ahaa inaanay kala fogaan oo sidii isugu sii xidhnaadaan,bal u fiirsada xikmaddaa xee sha dheer ee Hiddaha iyo Dhaqanka bulshadani u leedahay,waa is kaashi iyo wax wada qabsi cilmiyaysan. GARTA:waxa
maxkamad u ahaa in geed iyo golr la isugu yimaado oo arrintii
go rfayn u baahan,ama cid is haysato oo la kala saarayo ha ahaatee
waa laga gar niqi jirey,oo la iska ilaalin jirey eexda iyo gar
cadaawaha,taas ooy dadka qaar ku can baxeen garyaqaanimada iyo
cadaalad xukunka sida ninkii la odhan jirey Ina sanweyne,oo
soomaalidu waxa ay u aragto inuu sax yahay weji kalena qa adan
Karin waxay yidhaahdaan Ina sanweynena u gee waa sidaa arrinku, Maa
h maaho badanna waa laga yidhi sida GARI LABA
NIN KAMA WADA QOSLISO,iyo WARAABINTA GEELA:inta badan waxa geelasha lagu waraab geeyaa ilaa mud do 15 maalmood ah celcelis ahaan waxana loogu yeedhaa ama lagu magcaabaa KAL yaci geela Kalkiisu waa 15 maalmood,markaa galkiisii waa galay baa la yid haahdaa yacni wuu gaadhay,markaa inta badan Ceelasho waxay ahaan jireen kuwo dhib badan oo ilaa dhawr qof is taxaan ka gudaha u gala ka sii gudbiyaan wadaanta biyaha lagu qaadayo,inta badana waxa ku kulma dhawr geel taasi waxay keentaa raggii geelasha waday inay is bahaystaan oo iskaashadaan ha wshana wada galaan taasoo u suurtagelisa degdeg iyo hawl fudayd,waxana inta badan la isku dhaafiyaa dareenka hawsha Hees hawleed oo dhaqan loo lahaa isla waqtigaas gudihiisana waxa dhalinyartaasi ku sameeyaa hees hawl eeddo cusub. GAADIID CELIS ama AWR QAAD:waa mara reer miyi deggan oo beeshuu la deg ganaa meel kale doonayso inay u guurto oo aan gaadiid ama wax uu ku guuro oo ku rarto guriga aanu haysan siday doontoba ha u dhacddee,markaasoo kale dadkii la degganaa ayaa markay guuraan u soo celiya gaadiid ay ku guuraan taas baa la yidhaahdaa Gaadiid celis ama Awr qaad,Mana dhacdo suurta galna maaha in reer meel uga guuri kari waayo gaadiid la'aan waayo dhaqanka Umm adda ayaan ogolayn oo ku dhisan iskaashi. QOYSKA:waxa
jirta waxayaalaha aan kaga sareyno Afafka Aduunkoo dhan Ma
gacbixinta Qoyska iyo waxa la isu yahay,Afafka kale waa meelaha aan
kaga sa
rrayno,metelan:Aabbe,Hooyo,Walaal,Adeer,,Eeddo,Awoow(e)(o)(Hooyo)(Aabbe),Ayeey(o)(Hooyo)(Aabbe),Ina-adeer,Abti,Ina-abti,Habaryar,Habarwadaag,Aaye(Aabbe)(Adeer)
Haddaba bal aan eegno Afka Ingiriiska oo Aduunka haysta:ma laha awoodda afkeenna oo kale oo iyagu magac go'an uma hayaane waa sharxaan inta ba dan marka laga reebo Aabbe,Hooyo iyo Walaal,inta kale waxa la socda ama LOW,iyo STEP ,oo marka xil iyo sharcigu metelan isu keenay waxa la isu noqo nayaa Aabbe sharcigu keenay,Hooyo sharcigu keenay inaguse Soddoh ayaan odhanaynaa si hawlyar halkay ka odhanayaa Mother-in-low,halka aynu Aaye ka odhanayno waxay odhanayaa Step mother,Hooyo wax xoogaa kuu jirta ilaa talaabada kale,Adeerka iyo Abtiga Uncle baa loogu wada yeedhaa,Eedada iyo Habaryartana Aunt baa loogu wada yeedhaa,wax alyaale wixii hoos ama kor noqda waxa la raaciyaa GRAND sida grand father,grand mother,grand child…iwm. Dhaqanka iyo Afkuna waa is wadaan oo Afka waxa lagu tilmaamaa Mura ayadda ama Tusaha Dhaqanka. Dhaqankeennu waa qaali waxanu ku dhisan yahay iskaashi cilmiyaysan,waxa halkaa inooga soo baxaysa:. IN SOOMAALIDA DHAQANKEEDU WAAFAQSAN YAHAY DIINTA ISLAAMKA INTII SA BADAN. IN DHAQANKEENNU KA SARREEYO DHAQANNADA INTOODA BADAN AMA DHAM AAN. IN DHAQANKEENNU KU DHISAN YAHAY ISKAASHI IYO WAX WADA QABSI(wax wada qab waa aad) IN LAGA DHEEGAN KARO HALKAA IN SOOMAALIDA CIMRIGEEDA IYO DA'DEEDU KU SIMAN TAHAY WAQTIGII ISLAAMKU YIMI Waxaa wadan kasta laga helaa dhul marka baadhid lagu sameeyo laga soo saaro waxay hore u adeegsan jireen innaga Taariikh ka horeysey Islaamka lama hayo,Dad Culimo ah oo Diinta fidinyeeda u yimi Dhulkan ayay ka tegi weyday,Afkeenna oo ilaa 50% ama 75% waa Af carabi,dadkan oo taariikhda madaxa ku haysatana(oral society) sidaasay sheegaysaa. Ummadda soomaaliyeed Dhaqankeeda iyo Afkeeduba waa Qani oo waa Hodon Afafka Aduunka biyo looma cabbo marka laga reebo Af carabiga oo marka la isu eego meelaha Afsoomaaligu ka horeeyo iyo Af carabigu intuu horeeyo ka carabigu badanayo,haddaan tusaale kaa siiyo meelaha Afsoomaaligu luqadaha Aduunka kaga sarreeyo: Magac u yaalka Innaga iyo Annaga,Af soomaaliga keliyaa kala saara Annaga haddaad tidhaahdo qofkaad la hadlayso debedaad hadalkaa uga saaray yacni kuma jiro,haddaadse tidhaahdo Innagu qofkaad la hadlaysaa wuu idinku jiraa,Ingiriisku WE ayuu wada yidhaahdaa,halka Carabiga NAXNU keliya ay ka tahay. Fal amarka qudhaalaha ah:sida Maydho. Maydha, Nadiifso, Nadiifsada, Qoro, Qo rta…..iwm falalkan Afna lagama heli karo,Ingiriisiga waxad mar kasta ku dara ysaa FOR(you),caribigana (LI) ayaad raacinay markaa inay u soo dhowaadaan macnihii mooyee sida soomaaliga ma aha wax qeexan,waxa jira meelo kale laa kiin waa in lagu niyad samaadaa in illaahay inoogu deeqay waxyaalo fara bada n oo islaamku muftaax u yahay ee aan shukri naqa badinno oo Cibaadada adka yno. Maahmaah dhaqameedkeenna diiniga ah waxa ka mid ah: Sabraa
sadkii hela Iyo kuwo kaloo badan,markaa dhaqankeenna qaaliga ah inta khaladka ku soo gashay aan ka saxno ogaanona in uu Dhaqamo u sareeyo.
|