Booliska Gabilay Oo Olale Ku Qaaday Dhalinyaro Rabshado Ka Sameeyay Magaalada

 



Gabiley January 3rd ,2011  (TNN)- Ciidanka Booliska ee magaalada Gabilay ayaa xadhigay 10 dhalinyaro ah oo ay ka soo qab qabteen xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi ka dib markii ay iska hor imaadyo rabshado watay ka dhex mareen qaar ka mid ah dhalinyarada Gabilay.

Taliyaha Booliska magaalada Gabilay Baashe Aw- Dheere oo maanta ka hadlayay hawl galka ay ku soo qabqabteen dhalinyaradan ayaa sheegay inay rabshado dhex maray dhalinyarada maga alada qaarkood ay ka dhasheen khasaare kala duwan waxaanu tilmaamay in mid ka mid ah dhal inyarada ku dhaawacmay rabashadahaasi maanta loola soo cararay cisbitaalka magaalada Hargeysa.

Taliyuhu wuxuu sheegay in dhalinyaradani ay isku weeraraan habeenkii Faashash iyo Tooriyo is la markaana ay saamayn xun ku yeesheen Nabad gelyadii magaalada ,oo ay ka abuureen falal Nabad gelyada wax u dhimaya.

Waxa kale oo uu uga digay inay dhalinyaraddu ka waantoobaan iska hor imaadyada iyo kooxay siga ay xiliyadan dambe bilaabeen waxaanu carabka ku dhuftay inay tallaabo adag ka qaadi doo naan dhalinyarada falal nabadgelyada waxyeelaya lagu qabto.

Baashe Aw-Dheere waxa uu waalidiinta ugu baaqay inay la socdaan carruurtooda iyo waxay qa banayaan.

Taliyaha Booliska Gabilay waxa kale oo uu sheegay hawl gal ay ciidankiisu ka sameeyeen magaa lada inay ku soo qabteen 50 Litir oo khamri ah, waxaanu carabaabay in sadex qof oo khamrigaa s lagu soo qabtay iyo gaadhigiiba la horgeyn doono maxkammadda.

 

Source:Somaliland.org