“Berbera Ceesaani Maanta Kama Dhoofto, Ciddaa Dhaqaalihii Dalka Burburisayna Maxkamad Hala Taago…”
Faysal Cali Waraabe



Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraa be, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in ay  albaa bada u xidhay Dekada Berbera oo ah ishii ugu mudnayd ee Dakhliga dalku ka soo bixi jiray. Isla markaana waxa uu sheegay dunidii Ictiraafi lahaa Somaliland inay si fiican ula socdaan talaabooyinka ka socda Somaliland.

Guddoomiyaha UCID, waxa kale oo uu Xukuumadda ku tilmaamay mid ku fashilantay waxqabadkii dalka iyo dadku uga baahnaayeen. “Dalkan Malaa’igi u iman mayso ee in caqligu shaqeeyo, oo cidda xilka haysaa ay wax-qabtaan.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, mar uu caawa hadal ka jeediyay Munaasibad Shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ciddii ugu wakh-qabadka fiicnayd Somaliland sannadka oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Somaliland Forum, taasoo lagu qabtay Huteel Maansoor ee Hargeysa.

Faysal Cali Waraabe, mar uu ka hadlayay Aqoonsiga Somaliland waxa uu yidhi, “Dadka aynu leenahay ha ina ictiraafaan way inna ogyihiin inaanay korin (Intuitions-kii) Somaliland, dhaqaale-darro jirto, musuqmaasuq jiro, dimuquraadiyaddii aynu sii shiikhinayo way ogyihiin dunida ayni aqoonsiga ka doonaynaa.”

“Dhaqaalaha dalkeena iyo dadkeenu wuxuu ku tiirsanaa Xoolaha nool, Xoolihiina way taagan yihiin, oo Berbera Ceesaani (Neef RRi Ah/Adhi Ahi) kama dhoofto maanta, cidda dhaqaalaha burburisa waa in maxkamad la saaro oo maamuus-ka xayuubin lagu sameeyaa, maaha ciddaasi Madaxweynaha (Daahir Rayaale) oo kaliya ee waa Silsilad taxan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Waxa kale oo uu eedeeyay Guddiga Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, oo uu sheegay in aan lagu kalsoonaan karin, isla markaana aanay u muuqan kuwo leh awood ay ku qabtaan doorashada. Ugu dambayntii Faysal Cali Waraabe waxa uu soo jeediyay in aanay mar dambe doorashadu wakhtiga loo qabtay dib uga dhicin.
 

 


Hadhwanaagnews