WAR SAXAAFADEED

 


Xisbiga UCID kulan ay la yeesheen Ambassador Mahiga maanta oo ay taariikhdu tahay 11/11/2010 kulankaas oo uu Hoggaaminayay ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga UCID isla markaana ah Gudoomiye ku Xigeenka 1aad Md Aadan Maxamed Mire Waqaf waxaana wehlinayeey Gudoomiye ku Xigeenka 2 aad Md. Axmed Xuseen Fagfagaash iyo Xoghayha Guud Md Muuse Xaaji Maxamed Guuled (Muuse In ji) oo ay kula yeesheen huteelka Ambassador waxay ka soo saareen Qodobada soo socda oo ay kala hadleen.
 

1. Gooni Isutaaga Somaliland:-

Ergeyga wuxuu Xisbigu u cadeeyay in Somaliland ay tahay wax muqadas ah oo aan gorgortan  laha yn, waxaan ku adkeynay in habka Jimciyada Qaruumaha ka dhexeysaa ay ula macaamisho  Somalilan d ay wax ka badasho iyagoo ixtiraamaya aftidii daweynaha Somaliland ay ugu codeeyeen boqolkiiba todoba iyo sagaashan (97%) gooni isku taagooda iyo la soo noqoshada xoriyadoodii.Waxa Xisbigu u sheegay Mr Mahiga in Xisbi ahaan iyo ummad ahaan aanay u dulqaadan doonin in la simo ummad  wa x qabsatay, aayahoodina ka tashaday iyo meel aan waxba ka jirin oo labaatan sano la  dhoodhoob ayey.


Waxa uu Mr Mahiga noo cadeeyey inaanu u socon qadiyada mideynaysa Somaliland iyo Somaaliya b alse halkaas ka sheegay in kor loo qaadayo shaqada xafiiska UN-ta, waxna ka qabanayaan horumar ka iyo dhismaha Somaliland.
 

1. Qaxootiga:-

Waxaa kale oo aan kala hadalnay in dadka ka soo qaxay Soomalia oo iyagu ay u yaqaanaan  Baraka cayaal yimid dalkoodi (IDP’s) aanay ahayn arrin daw ku ah Somaliland, noolana mid yihiin Qaxootiga ka yimaada dalalka dariska aan nahay. Arrintaasina culeys weyn ayay ku haysa dhinaca  dhaqaala ha, caafimaadka, shaqooyinka iyo nabadgelyada.

Sidaa daraadeedna waa inay UN-tu u aqoonsato qaxooti oo la diiwaangeliyo si aan u sugno tirada mar kasta nala joogto iyo ilaalinta xoqooqdooda qaxoontinimo. Waxaanu Mr Mahiga balan qaaday in arrintaas kala hadli doono UNHCR sidii wax looga qaban lahaa.


Xisbiga UCID wuxuu cadayn ka rabaa Xukuumadda Somaliland sifaha uu ku joogo Cismaan Jamac Cali (Kalluun), oo ah nin si weyn ugu ololeeya midnimada Somaliweyn kana soo horjeeda gooni isu  taage ena oo ilaa hadda, aan cadayn in uu ka tanaasulay iyo waxa iska bedelay xeerkii loogu tala galay  da dka u dhashay Somaliland, ee xilalka ka soo qabtay xukuumadaha Somalia ee ka soo horjeeda gooni isutaaga Jamhuuriyadda Somaliland.