Somaliland Societies in Europe
13 rue Jean Monnet
64000 PAU
France
Mob.UK: 0044 798 36 96 911
Mob. Fr : 0033 689 83 12 66
Website: sseuro.com
Email: info@sseuro.com

Taariikh: 13/07/2012
Tixraac: SSE-380
 


Warsaxaafadeed

Baaq War Gelineed

" Dawlada iyo shicibka Somaliland haka digtoonaadaan mashaariicda iyo shirarka lagu gudbin ayo fikirada iyo mabaadiida liddiga ku ah jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland".

Dallada kulmisa ururada Somaliland ee Yurub (SSE) waxa ay beryahanba isha ku haysay dhaqd haqaaqyo gudaha iyo dibada dalka ay ka wadeen (walina ka wadaan) urur amma dhaqdhaqaaq (movement), waa siday iyagu isku sifeeyeene, la magac baxay World Wide Somali Students and Professionals (WSSP).

Ururkan oo ay ku bahoobeen dad reer Somalia ahi, sida ay website-kooda ku bayaamiyeen, wuxuu sheegtaa inaanu urur siyaasadeed ahayn. Waxay madaxdiisu sheegaan in ururku yahay urur iskaa wax u qabso ah oo ka shaqeeya arimaha la xidhiidha waxbarashada, caafimaadka iyo beeraha.


Dhaqdhaqaaqa WSSP wuxu aaminsanyay midnimada dal ay ugu yeedheen Somalia (waxay taa uga jeedaan Somali Republic amma Jamhuuriyadii Soomaaliyeed) ooy markaas Somaliland-na qayb ka tahay. Yoolkooda ugu wayni wuxu yahay inay hogaamiyayaashii mustaqbalka ee Som alia soo saaraan. Astanta dhaqdhaqaaqa WSSP waxa weey khariirada (map) dalkii Somali Rep ublic la odhan jiray ee burburay ka dib markii Somaliland dib ugasoo noqotay midawgii ay Soma lia la gashay 1-dii July 1960-kii. WSSP waxay si aan qarsoodi lahayn u xaqiraysa jiritaanka Jam huuriyada Somaliland markaad eegtid astaantooda iyo fikirkooda ah in qof walboo Somali ahi ka yimid amma uu yahay reer Somalia.


Hadaba dhaqdhaqaaqa mabaadiidaas wata ayeey u qorshaysantay, isagoo adeegsanaya urur la yidhahdo CEER (Centre for Education and Employment Research), innuu caasimada Jamhuuri yada Somaliland ku qabsado shirwayne uu kaga hadlayo wax uu ugu yeedhay manhajka wax b arashada Geeska Africa, halka aan wada fahmi karno in dhaqdhaqaaqani uga dan leeyiiin amma ajenduhu yahay manhajka wax barashada ee dalkii la odhan jiray Somali Republic.
Runtii qorshayaasha iyo dhaqdhaqaaqyada isasoo taraya ee ururada iyo dalalka midnimadii So mali Republic aaminsani ay mashaariicda Somaliland kaga fulinayaan waa ‘dhiishii gunta lagasoo tolayay’ oo kale oo waxaanu aaminsanay, hadaanu nahay dallada SSE, innuu socdo qorshe la rabbo in xagga hoose (grassroots level) lagasoo dhiso dareenkii midnimada dalkii la odhan jiray Somali Republic.


Sidaa daraadeed ujeedada dhabta ah ee WSSP ay ka leedahay tagida Somaaliland waa sida tan:


Inay ugxan soo dhigtaan Somaliland oo dhalinyarada reer Somaliland kasoo dhaadhiciyaan ha dafkooda iyo waxay ugu yeedhaan midnimada Soomaaliyeed iyagoo markaas isticmaalaya dhaqaale.

Inay calaamka iyo Somaliya-ba u sheegaan in dhalinyarada Somaliland ka tirsan tahay ururk ooda ogolyihiin-na inay Somaliland tahay gobol ka tirsan Somaliya sida astaantoodu sheegayso.

In caalamka u sheegaan in ummadda Somaliland, dawlad iyo shacbiba qorashaha iyo himilooy inka WSSP taageersan yihiin.


Hadaba Dawlada iyo shicibka Somaliland haka digtoonaadaan mashaariicda iyo shirarka lagu gu dbinayo fikirada iyo mabaadiida liddiga ku ah jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.


Waxaanu ugu baaqayna hay-yadaha kala duwan ee dawlada, ururada guud ee bulshada, kuwa dhalinyarada, kuwa dumarka iyo guud ahaan shicibka reer Somaliland inay ka digtoonaadaan qorshayaasha lagu nuglaynayo amma lagulla dagaalamayo dareenka qaranimo (cense of nation hood) ee umadda reer Somaliland. Hadaanu nahay dallada SSE waxaanu xukuumadda Somalilan d iyo golayaasha kalee qaranka uga digaynaa in haddii lagu beero dhalinteena dareen qaranim o Soomaaliyeed (Somali nation) oo markaas ka sareeya Somaliland-nimadda ay khatar galli kar to jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.

 


Ilaahay ha innagu baraarujiyo danta qarankeena Somaliland, aamiin.

Gudida Fulinta SSE

 



Ururka SSE waa dallad ay ku bahoobeen ururadda reer Somaliland ee waddamada Yurub. Waa dallad dhexdhexaad ah oo aan dhinacna raacsanayn.