Dawlada Somaliland waa tii ugu tayada iyo tacliinta badnayd ee umad afsoomaali ku hadashaa abid yeelato

 

Nimankii qabiilkiyo ina kala qoqobi jiray,qool baynu gelinoo,maantaynu qiraynaa qaranimada  taamkee, qof waliba wuxuu qaban yaqaanaa loo soo qadimayaa.


Ka bilow madaxweynaha oo ah madaxweynihii ugu tacliinta iyo khibrada sareeyey inta afsoomaaliga ku hadasha abid,Dr Sacad Cali,Dr Xuseen muxumed,Dr Maxamed Cabdillahi,Dr Xuseen Cabdi,Dr Maxam ed Gaboose,Dr maxamed Yaasiin,Dr Axmed Oday,Dr Xuseen Maxamuud,iyagoo isugu jira Med Dr iyo PHD, Pro Faarax Cilmi ,Pro Ismaaciil Muumin,waxaa intaa kuu dheer Injineerada iyo raga diin iyo maadi isku darsaday iyadoo tobankiiba sagaal lagu hubsaday xil ay khibrad shaqo uleeyihiin,qiimihii  waxbara shada ayay tani dhiiri gelisey waxayna u quus goysey afku xoog leyaashii,dhalin yaro badan baa hami jaamacadeed yeeshay,kuwii jaamiciga ahaa baa mid labaad ku dadaalaya qaarna waxay doonayaan inay laba xaraf magacooda ka hormariyaan (Dr).

Dowlad waxqabad leh waxaa ugu dambeysey dowladii kacaanka xiligii badhtamahii iyo dabayaaqadii todobaataneeyadii oo ay gadhwadeen ka ahaayeen niman dhalinyaro ah oo ay aqoontooda iyo  khibr adooda shaqo ee yar ay jihaastey wadaninimo intay qabyaaladu suuxsanayd,marka lagu daro isku  d uubnidii dadka soomaaliyeed,dadaalkii,isxilqaankii iyo qiiradii carcartii hore.iyadana waxaa dabarka iyo hogaanka ujaray qorshe laŽaan,maroorsi mileterinimo iyo cadaalad daro.

Waa wax lagu farxo in madaxweynuhu la kulmo oo xuuraamo hadii ay jiraan tabasho madaxdii dawladii hore ee Udub,siyaasad nadiifa oo aan dalka wax yeelayn ahna hogaanka anaa ku haboon in lagu  tart amo waa mid u wanaagsan dalka iyo dadka,Ilaah baa dadka calooshooda waxa ku jira garan  kara,ina gu waxaynu isku fahamnaa wax lays yidhaahdo,wada tashiga madaxweynuhu waa wax lagu diirsado.

Reer Burco maanta waa isku daan iyo walaalo,hadii ay jiraan odayaal siyaasada is xiniinyo  taabanay a,dhalinyaradu way ka gudbeen yooyootan oo waxay la jaanqaadeen habkan cusub ee waraaqda  co daynta lagu eryo ninka ugu awooda badan jamhuuriyada,ninkii wax tabanayaana wuxuu tirsanayaa shanta sanadood oo casrigan la moodo maalmaha.

Weli dadka qaar kuma qanacsana in dawlada lasoo dhisay tahay tii xisbiga Kulmiye uu balanqaaday   wakhtigii kaambeynka,waxaase muuqata in ay dawladani tahay tii ugu aqoonta badnayd ee abid  um ad afsoomaali ku hadashaa yeelato,kasoo bilay madaxweynaha ilaa agaasimayaasha,hanoqdaan dad aqoon waxbarasho lagusoo xushay ama khibrad shaqo,waaya aragnimo,iyo hawlkarnimo.dadkaa aan ku qanacsanayni waa kuwo jilibkooda ama iyagu iska waayey iyo kuwo ay ka goŽantahay nacayb ay shakhsiyaad u qabaan.qofkasta waxaan weydiin lahaa waxa wasiirkoodii hore ee ay isku reerka  ahaa yeen uqabtay.

Dadaal wax qabad oo xoogleh ayaa ka socda Berbera,Boorama iyo hargeysa,waxaad moodaa in badi gobolada bari qorshaha boqolka maalmood ee u horeeya ku jirin.waxaanan rajaynayaa in dowladu  no qoto mid geed hoose iyo mid sare waaba.

 

 

 

 

Bashir Tarabi
bogleh69@gmail.com