Hayadda Waddooyinka
Somaliland oo ku Dhawaaqday in Gaadiidka Laga Xidhay Isticmaalka
Jidka Taga Jabuuti
![](IMAGES/ATNN-DAWGACAD.gif) ![](IMAGES/ATNN-DAWGACAD.gif)
Hargeysa (TNN)- Hayadda Waddooyinka Qaranka iyo Guddiga Dhismaha
Waddada Cad ee isku xidha caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo
dalka Jabuuti, ayaa shaaciyey in 5-ta bishan la bilaabayo dhismaha
jidkaasi, isla markaana la xidhi doono muddada dhismihiisu socon
doono oo qaadanaysa laba bilood.
Maareeyaha Hayadda Waddooyinka Somaliland Mr.
Cabdiwaaxid Cabdiqaadir iyo Guddiga dhismaha jidkaas oo
shir-jaraaid ugu qabtay shalay Huteelka Maansoor ee magaalada Ha
rgeysa, waxa ay ku dhawaaqeen in jidka Dawga
Cad oo dayactir ballaadhin iyo isku simid ah lagu samayn
doono 4km oo ka mid ah, gaar ahaan qaybta
buurta uu xidhnaan doono muddo laba bilood ah oo ka
bilaabanta 5-ta bishan August ilaa 30 bisha
September ee 2011.
Guddoomiyaha Guddiga samaynta jidkaasi Mr.
Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, ayaa u mahad naq ay Hayadda
Waddooyinka Somaliland oo uu sheegay inay si hagar laaan ah hawshaas
ula gashay, isagoo xusay in jidkani faaiido badan dalka u leeyahay,
sidaa awgeedna loo baah an yahay in dhexda loo xidho sidii uu u
noqon lahaa mid la isticmaali karo oo u qalma wadd o.
Dadkii danaynayey ama hor Ilaahay wax u gaysanayey weli waannu
rajaynaynaa inay w ax ku soo daraan. Marka wax naloo dhiibaba wax
baanu ku qabanaynaa, waxaanan idinka codsanaynaa in aynaan ka daalin
waa mashruuc dheer oo dalka faaiido u leh, ayuu yidhi Cabdiqaadi
Xaashi Cilmi.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud
(Aadan-siiro) oo isna ka mid ah
guddigaas, ayaa ka warra may qiimaha iyo ajarka ku jira samaynta ama
hagaajinta jid la isticmaalayo, isagoo soo qa atay axaadiista
Rasuulku ka sheegay arrintaas.
Rasuulku waxa uu yidhi, nin socda ayaa laan waddada ku soo foorar
satay ayuu dib u celi yey, markaasu Ilaahay u mahad naqay oo uu u
dambi dhaafay.
Bal maxaad u malaynaysaa buurtaa aad aragtay qofka jebinteeda wax ku
darsada? ayuu yidhi Sheekh Aadan-siiro.
Maareeyaha Hayadda Waddooyinka Somaliland Md. Cabdiwaadix
Cabdiqaadir, ayaa isna t afaasiil ka bixiyey hawlgalka samaynta
waddadaasi iyo qiimaha uu ku kacayo dhismihiisu, Samaynta waddadaas
waxaynu bilaabi doonaa insha Allaah bishan 15-keeda, waxaannu na ku
wargelinaynaa gaadiidlayda reer Somaliland ee jidkaas isticmaala in
maalintaas laga bilaabo maadaama shaqo ka soconayso ay xidhan tahay,
kana leexdaan oo meelaha kale ee ay mari karaan isticmaalaan.
Samaynta waddada Dawga Cad waa laba qaybood oo ma rka hore buurta
ayaa la goynayaa oo la ballaadhinayaa 4km, marka xigana insha Allaah
w axaannu rajaynaynaa in aannu laami saari doono.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in jidkan oo muhiimad wayn leh ay
dawladdu samayntiisa ka qaybqaadan doonto, isla markaana hayadaha
dalka jooga ugu baaqayaan inay ka qay b galaan.
Waxaan dadweynaha ugu baaqayaa in waddadaas siday tahay looga
qaybgalo oo gacan buuxda lagu siiyo ama dhaqaale ha noqoto ama wax
kale ha noqotee inay guddigu hawsh aas bilaabeen. Waddadani runtii
aad bay muhim inoogu tahay ha noqoto dadkeena woqo oyiga ku nool oo
ah dad xoolo-dhaqato ah ama kalluunka badda oo caasimadda oo halkan
ay dhaw dahay baahi wayn u qabto ama xidhiidhka isu socodka Jabuuti
aynu la leenahay oo gaadiid badan, baayac mushtar isticmaalaan oo
dano badan innagaga xidhan yihiin, ru ntiina waddadani muhim bay u
tahay labada dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti, ayuu yid hi
Maareeyuhu.
Source:Jamhuuriya
|