WAA IN SHARCIGA LA  HORKEENAA DANBIILAHA KOWAAD OO AH MADAXWEYNE DAAHIR RIYAALE KAAHIN

 

QURBA JOOGGA REER SOMALILAND GAAR AHAAN GOBALKA GABILEY EE KALA JOOGA YURUB, MARAYKAN, IYO KANADA, WAXAANU UGU BAAQAYNAA SHACABKA, URURADA MUCAARADKA IYO GUURTIDA IN AY SHARCIGA HORKEENAAN DANBIILAHA KOWAAD OO AH MADAXWEYNE DAAHIR RIYAALE KAAHIN.



Marka u hooraysa xukuumadda Somaliland iyada ayaa si toos ah uga mas’uul ah  qas aaraha naf iyo maalba leh ee kadhacaya jiidda Ceelbardaale, kadib markii ay  xukuu maddu iska dhaga tirtay in ay wax xal ah haba yaraatee ka gaadho go’aankii ay soo saareen guurtidu, baaqyadii qurba joogga, iyo codsigii odayaasha. Taas oo dhamaan dadweynaha reer Somaliland dibad iyo dalba ay taageereen. Xukuumadda Riyaale iyada ayaa holcinaysa xaaladda nabadgelyo darro, si anay doorasho u dhicin.

Qodabada ay soo saareen oo ah kuwii Afweyne ku talaabsan jiray wax ka soconayaa ma aha. Arrintani maaha mid xal loo waayey, ee waa mid Riyaale uu ku fushanayo danahiisa gaar ahaaneed, waana mashruuc u mudaba maleegayay oo soo  mudhba xay.

Waxaan dhaqan u leenahay in arrimaha noocan oo kale ee marag ma doonta ah, ay xaliyaan salaadiinta iyo garyaqaanadu. Riyaale, wuxuu ku talaabsaday cadaalad darro, iyo qabyaalad marka uu ku dhawaaqay in la soo qabto oo la xidh xidho rag, kowa kale oo hore dil ugu geystay beesha Gabiley aanu ka hadal haba yaraatee. Isaga oo raba in uu muran galiyo dhul aan muranka taagneyn. Maxaa keenay in uu sharcigu dhinac kaliya uun qabto, oo dhinac ka rarnaado shircigo. Maxaa keenay in kuwii soo dulay ee dilalkii hore u gaystay ragg ka mid ah beesha Gabiley, aan la soo qaban, lana soo hadal qaadin habeen qudha, sidii waxay sharciga ka sareeyaan.?

Maxaa keenay in go’aanka guurtidu u cuntami waayo Riyaale? Maxaa keenay in arrin guurtidu u guntaday oo ay afar bilood iyo dheeraad xalinteeda iyo gar naqeeda ku jirtay in laga yeelo hal bacaad lagu lisay, oon haba yaratee waxba laga soo qaadin? Maxaa keenay inuu Riyaale arrin la xukumay oo go’aan guurtidu ka soo saaraty, ay hadhsanayd oo kaliya in xukuumaddu fuliso, u dib u furfuro oo hadba odayaal iyo shuqul aabahay goblan la shir yimaaddo? Maxaa keenay dhul dadkii lahaa nool yahay oo xay yayhay oonu cidda hoos marin, waa Ceelbardaalee, in uu ugu yeedho lama degaan iyo xero ciidan?

Mar kale xukuumadda Riyaale ee ka koobana baandada caado-qaatayaasha, ee cad bissaka loo tuuro ku qanca (NIN IIMANKU DHUUNSADAY MA’OGA DHAMACDA HOOSTA ALE), cidna ma soo xidhi karaan.

Ceelbardaalena ma’aha mana noqon karto xero ciidan, ee waa deegan dadweyne.

Milatarigu xero u gaar ah ayuu leeyahay, ee maaha in ay degaan deegaanka shacbiga.

Ninka u baahan in la qabto oo sharciga la horkeeno maaha beesha Awdal iyo beesha
Gabiley midna ee waa Madexweyne Riyaale laftigiisa, sababta oo ah isagaa ayaa dab badrool kushubaya, una dhaqmaya tabtii Faqashta.

Waxaan kula talinaynaa xukuumadda Riyaale, in si deg deg ah isku casilaan, sababta oo ah iyaga oo aan u bislayn, lahayna karti, aqoon iyo waayo aragnimo ay dhibaato ku xaliyaan, oo u horseeday shacbigii qalalaase,fawdo, dhac iyo dagaal.

Waxaan waydiisanaynaa guurtida iyo ururada mucaaridka in ay Madexweyne Riyaale sharciga horkeenan, kuna oogaan danbiyada uu ka galay dadweynaha reer Somaliland.



 

 

Col . Pilot: Yasin Maxamed Cabdalla