Dalxiiskii Burco Iyo Daawashadii Buurta Sheekh



Burco (TNN)- Buco waa Caasimada labaad ee dalka Somaliland waana Hooyadii Halganka Dib u  xor aynta Wadanka, waxaa ku yaala Saylada ugu Wayn Xoolaha Somaliland, waxa kale oo ku yaala warsahdo Tiro badan oo wax tar u leh dalka Somaliland.


Mar aan dhawaan Socdaal ugu kicitmay Caasimada Gobolka Togdheer ee Burco waxa aan ku soo arkay waxyaabo badan oo horumar ah dhinacyada Wabashada, Ganacsiga, Nabad galyada iyo Gud ahaanba Bilicda Magaalada Burco.


In kasta oo wakhti roobaad aan ku beegmay oo jawiga iyo neecawduba ka dhacayeen, hadana dadku waxa ay ku xantaan marka laga sheekaynayo meel boodhwayn oo oo muuqaalkeedu yar cawlanyahay, balse waxaan ku soo arkay Caasimad u dhiganta magaalada Hargeisa, malaha Hadii ay magaalada Dhexdeedu buuro lahaan lahayd waxaabay Noqon lahayd Caasimada Dalka.


Waxaan galay magaalada Burco Galab gaaban oo cadceedu ku sii siqayso godkeeda, waxaan ku Degay Hotel ku yaala Badhtamaha Magaalada, Cabaar markii aan nastay waxaan bilaabay inaan daawasho ku bilaabo magaalada, kuna soo wareego koornayaasha magaalada, oo ay ka mid  aha ayeen hotel-adda waawayn warshadaha taydha iyo biyaha, Garoonka kubadda iyo meelaha  muh iimka ah ee aan gaar ahaan uxiisayaynayay.


Waxaa iigu layaab badanaa ee aan ku soo arkay labada suuq ee ay magaalada burco u kala  qayb santahay Suuq bari iyo Suuq Galbeed lacagaha sarifka iyo lacagaha wax lagu kala iibsanayo oo ah hadhaagii lacagtii siyaad barre iyo Dawladii hore ee Somalia, taasi oo xukuumada Somaliland ee shacabkaba ceeb iyo karaamo darro ku ah Badeladaa lacagta duuga ah ee lagu isticmaalayo  caa simada labaad ee dalka Somaliland.


Waxyaabo badan oo burco lagu sheegi jiray indhahaygu may qaban sida Budhkii iyo Toori-dii la  sh eegi jiray iyada oo xaataa aan Tagay Saylada ugu wayn Xoolaha Somaliland ee Burco iyo  suuqya da Dhalinyartu iskugu yimaadaan, sida garoomada, jaamacada, goobaha dalxiiska oo dhan.


Burco waa Magaalo aan Buuro lahayn dhulkeeduna simanyahay, Balse baaxada Dhulka ay ku  fad hidaa balaadhantahay marka aad dhinacyada koornayaasha magaalada U baxdo, intii aan joogay waxaan ka qayb galay Xaflad Suugaaneed loo sameeyay Abwaadanad Da,da yar reer burco oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Hidaha iyo Dhaqanka Murtimaal oo fadhigiisu yahay Magaalada Hargeisa iyo Xaflada Qalinjabinta Dufcada koowaad ee jaamacada Burco loo sameeyay, subaxdii jimcihii ayaan isku dayay inaan soo maro Goobaha Dawlada oo aan la kulmo masuuliyiinta Gobolka Balse iyada oo fasax ahayd ima ay suuro galin waxaan Waraysi la yeesha Gudoomiyaha  jaamaca da Burco oo runtii aad ii soo dhaweeyay warbixin faahfaasana iga siiyay Guud ahaanba habsami u socodka Jaamacada Burco.


Magaalada Burco waa Goob Amaankeedu aad u sareeyo Cid wax ku yeelaysaana aanay jirin Hadii wakhtiyada danbe ee habeenkii kaligaa aad dhex lugayso suuqyada waawayn ee magaalada  Bur co halka hargeisa duhurka cad mobile-ka lagaala cararayo. Waa Goob aad loo qadariyo ahmiyada balaadhana la siiyo Aqoonta iyo wixii la halmaala, waxaa ku nood dad ku wanaagsan cibaadada  masaajidada Camira, meheradaha wada Xidha wakhtiyada Salaadaha sida diinteena suuban ina Farayso.


Dalxiiskaygii waan sii watay Abaaro Salaadii Casar ka bacdi ayaan ka soo baxay Magaalada Burco si,aan Uga gaadho inta aanay cadceedi dhicin Buurta sheikh oo aan markii hore safar ku soo dhaafay balse aan xiisaynayay inaan ku nasto, Daawadana quruxda buurta sheikh oo sheeko igu ahayd, Runtii Buurtu waa buur balaadhan jarar badan leh oo halis u ah baabuurta, balse waxay ku fiicantahay dalxiiska iyo wixii la mid ah, Waa goob jawi macaan, Neecaw udgoon, Naftu ay iska jeclaysanayso sii joogi taankeeda, waa goob dhirta iyo ubaxu is qabsadeen waa goob raaxo oo runtii indha wax wayn u taraysa.


Cabaar markii aan joogay goobta sawiro ka qaatay dhinacyo badan kaga wareegay waxaan  bilaa bay inaan Dib ugu soo laabto Caamida Somaliland ee Hargeisa iyada oo jidku dheer yahay dhul  da badan, banaan iyo buurayl ahba aanu soo marnay hadana safarkaygaasi wuxuu ahaa mid natiijo wanaagsan ku soo dhamaada.
 


 

Qalinkii: Nimco Muxumed Ibraahin
Timacade News Network (TNN)
Qaali540@hotmail.com
Hargeisa/Somaliland