Dalka Djibouti Oo Noqday Dalka Keliya Ee Laga Diid ay In Laga Xuso Maalinta La Soo Noqoshada Madax-Banaanida Somaliland Ee 18-Ka May
 

“Waa nasiib darro iyadoo 18-ka May aduunka oo dhan looga dabaal-degay ay Djibouti noqoto dalka keliya ee laga diiday in laga xuso”
Dalka Djibouti ayaa la sheegay inay maamulayaasha xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle diideen in laga sameeyo xuskii sannad-guuradii 18aad ee maalinta la soo noqoshada madax-banaanida Somaliland.

Marka laga reebo dalka gudihiisa xaflado loogu dabaal-degayo munaasibadda 18-ka May ayaa lagu qabtay dhamaan daafaha dunida, iyadoo meel kasta oo dunida ka mid ah oo ay joogeen dad reer Somaliland ahi looga dabaal-degay xuska 18-ka May, waxaana xafladaha caynkaas ah qabanayey jaaliyadaha reer Somaliland. Hase yeeshee dalka Djibouti oo ay ku dhaqan yihiin dad badan oo reer Somaliland ahi loogama dabaal-degin munaasibadda 18-ka May, sababta ay taasi u dhacdayna waxa lagu tilmaamay, ka dib markii ay wasaaradda arimaha gudaha ee dawladda Djibouti amartay inaanay ciddina qaban karin xaflado caynkaas ah, lamana sheegin sababta maamulayaasha dawladda Djibouti ay sidaa u yeeleen, waxayse dad badani u fasirteen inaanay xukuumadda Djibouti raali ka ahayn madax-banaanida Somaliland.

Maalmo ka hor intii aanay soo gelin munaasibadda 18-ka May qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxa lagu qabtay xaflado waaweyn oo lagu taageerayo dawladda Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo ay xafladahaa si weyn uga dhexmuuqdeen maamulayaasha xukuumadda Daahir Rayaale, sidaa darteed dad badan oo reer Somaliland ah waxa isu qabban-waayey warka ka soo yeedhay dhinaca Djibouti ee sheegaya in dadkii jaaliyadda Somaliland ee doonayey inay qabtaan xaflado ay ku xusayaan munaasibadda 18-ka May lagu war-geliyey inay iska ilaawaan sheekada caynkaas ah, sidaana lagaga joojiyey dadkii doonayey inay qabtaan dabaal-degyo ay ku xusayaan munaasibadda 18-ka May, sidaa darteedna uu dalka Djibouti noqday dalka keliya ee aan laga xusin munaasibadda 18-ka May.

“Dal aan rabitaankaaga iyo qadiyaddaada jeclayn ma haboona inaad adiguna u dabaal-degtaa, taasi waa yasid aad is-yasayso, sidoo kale nin diiddan qaranimadaada diiddan, ma aha inaad arinkiisa gaarka ah u dabaal-degto, wixii ay xukuumaddu inoo sheegaysay ee ay lahayd dalkaa walaallo ayeynu nahay been bay noqonaysaa, waa kuwaa diiday in xafladdii 18-ka May lagu qabto, iyadoo aduunka meel walba lagu qabtay, markaa miyaanay taasi caddaynayn inuu dalkaasi (Djibouti) inaga soo horjeedo”, sidaa waxa yidhi, Mustafe Xasan oo ah arday dhigta Kulliyadda Admas ee magaalada Hargeysa.

Oday da’diisu weyn tahay oo magaciisa ku she gay Cali Sammar, sheegayna inuu muddo badan ku noolaa dalka Djibouti ayaa isna dareenkiisa ka bixiyey warka ka soo yeedhay dhinaca Djibouti ee sheegaya in halkaa laga diiday in munaasibadda 18-ka May laga xuso, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Hadii la garanayo abaal-weyn ayeynu ku leenahay Djabouti, waayo markii ay xoriyadda qaadanayeen dadkeena ayaa u dhintay oo meeshaa lagu laayey, iyagoo xorriyadda Djibouti wax ka dhicinaya, hadii run la sheegana Soomaalida Djibouti waxay leeyihiin laba magaalo oo keliya, waa Djibouti iyo Cali-sabiix, markaa Maynoorati ayey ahaayeen marka loo eego dadka kale ee dega, markaa dadkii u god-galay ee la dagaal-galay waxay ahaayeen reer Somaliland, laakiin Ina Cumar Geelle ilaa hadda taa ma garwaaqsan oo abaalkii ma guddin, waxaanu inoogu abaal-guday inuu mar walba ka horyimaaddo qaddiyadeenna, oo iyadoo aduunka oo dhan laga xusay 18-ka May ayuu wadankiisa u diiday in laga xuso”.

“Marka la iska dhaafo dunida kale oo dhan, bal eeg dalalka bariga afrika sida loogu xusay 18-ka May, sida: Ethiopia, Kenya, Ugandha, Yemen, Suudaan, keliya Djibouti uun baa ka maqan oo aan lagu qaban xuska 18-ka May, taasi miyaanay ina tusayn inuu Ina Cumar Geelle cadaawad inoo hayo iyo halka uu qadiyadda Somaliland ka taagan yahay, waxaase nasiib darro ah inaad nin adigana ku diiday inuu jirto, inaad isna xaflado loogu dabaal-degayo qabato oo aynu wadankeena ka xusno maalinta Ina Cumar Geelle” , sidaana waxa yidhi C/rashiid Cali oo ka mid ah dadka ku dhaqan caasumadda Somaliland ee Hargeysa oo dareenkiisa ka muujinaya diidmada Djibouti laga diiday in laga xuso munaasibadda 18-ka May ee maalinta la soo noqoshada madax-banaanida Somaliland
 


Haatuf