Dacwaddii lagu soo oogay gacan ku dhiigle Maxamed Cali Samatar,oo guul  ku dhammaatay
 

 



Virginia,USA, 24 February,2012  (TNN)-Waxa maanta oo ah maalin jimce ah , bishan aynu ku jirnaana tahay 24, ku soo af-jarmay dacwadii lagu soo oogay Gacan ku dhiigle Maxamed Cali Samater oo ahaa Ra'isal Wasaarihii Wadankii la odhan jiray Somalia. Dacwadaas oo bilaabmat ay sanadkii 2004, socotayna mudo ah 12 sanadood, ayaa galabta ku soo dhamaatay si guul ah.

Dacwadaas oo ka socotay Maxkamad Sare oo ku taala magalada la yidhaah Alexandria, ee Go bolka Virginia ee Waqooyiga Mareykanka. Dacwadan oo ay ku soo oogeen laba Eedaysane oo ka soo jeeda somaliland, lana kala yidhaahdo Bashe Abdi Yusuf "ina cabdi yare", iyo Aziz Moh amed Deriye oo labaduba haysta dhalasho ah Wadanka Mareykanka.

Dacwadaas oo mudo dheer soo jiitamaysay oo ay labad Dacwad ooge ay caawinayeen Hayad la yidhaah " CENTER FOR JUSTICE AND ACCOUNTABILIY". Hayadan oo ah mid dabagal ku samays a dadka ahaan jiray madax ee soo galay danbiyaal ka dhan ah xuquuqal insaanka, markay joo gay wadamaday ka talin jireen, sida gacan ku dhiigle Maxamed Cali Samater iyo qaar kaloo ba dan. Dacwadan oo hayadani ay marar badan tageen wadankii Somaliland iyagoo soo warayta y dadkii xogxogaalka u ahaa siday wax u dhaceen iyo dadkii iyaga sida gaarka ah loogu gayst ay dhibaato ka dhan ah xuquuqal insaanka.

Gacan ku dhiigle Cali Samater waxaa ay tiraba Dacwad oogayaashu kula taliyeen in uu qirto in uu ahaa ninkii ka danbeeyey xasuuqii loo gaystay dadka la yidhaahdo reer waqooyi, waliba qa biilka la yidhaah "ISAAQ". Cali Samater waxaa uu ugu jawaabay in aanu wax danbiya qabin iskana difaaci doono maxkamad walba oo la geeyo. Taas oo hadduu aqbali lahayd ay ka bad baadin lahayd in dhibta maanta ku dhacaysa aanay gaadheen. Somalida ayaa waxay tidhaah oo ku maahmaahdaa " TALO WAA MAR AAD GARAN WAYDO, IYO MAR AAD GAADHI WAYDO".

Shalay ayuu Gacan ku dhiigle Cali Samater ka hor qirtay Maxkamada Sare ee Mareykanak in uu danbigii lagu haystay Qirtay, oo uu isagu waa Cali Samatare uu ahaa ninkii burburiyay magalo oyinkii Somaliland, dadkii lagu qiyaasay 50,000 qofna laayay.

Ninbaa laga hayaa " IYABA WAA CIBAAREE DACAR MIYAAN LEEFAY".
Shalay ayaa kolkii uu qirtay maxkamadii halkii ka sii socotay waa shalay oo ah khamiis, waxaa la dhageystay dacwadii, Dacwad Oogayaasha iyo Markhaatiyaashoodii oo qaar ka mida laga keenay Somaliland, qaar kalan ahaayeen niman khubaro ah iyo madaxdii kolkaa joogay safaa rada mareyknka ee muqdisho uu intuba cadeeyay in uu cali samater ahaa ninka ku xiga Dicta tor Siyad Bare, ahaana ninkii burburiyay magalooyinka Somaliland.

Markhaatiga aanu shalay dhagesan oo ahaa gabadh u dhalatay Wadanka la yidhaah GAANA, ee galbeedka Africa oo magaceeda la yidhaah...Mrs. OHENE, oo ahayd gabadhii ka qaatay gacan ku dhiigle Cali Samater waraysigii uu idaacada BBC qaybta ku hadasha Afka Ingiriisiga ee Africa uu u qirtay in uu ahaa ninkii ugu sareeyey ee bixiyay amarka lagu burburinaayay magalooyinkii Somaliland, laguna Dilay dad ka badan 50,000 oo qof.

Waxaa kalooni dhagaysanay wada hadala ay wada hadlayeen gacan ku dhiigle Cali Samater iyo Dictator Siyad Barre, sanadkii 1988, kolkii jabahadii xaq u dirirka ee SNM, burco qabsatay kuna wada hadlayeen aalada la yidhaahdo foonyaha, oo uu Dictator Siyad Barre ku leeyahay cali samater shicibka ka ilaali hubka culculus, dabeeto uu gacan ku dhiigle ugu jawaabay waxa an u isticmaalyaa wax allah wixii hub ah ee ann haysto , sababtoo ah waxa si xun u dhaltaa lmay ciidankii qaranka soomaaliya oo ay jabahdii SNM si xun u gashay, sidaas aawadeed wax aan ku garaacayaa madaafiic waaweyn shicibka maglada dagan, sidaasu cali samater ku siinayaa amarka komaandarkii markaa haystay burco .

Maanta oo ah jimce ayay dacwadii soo xidhantay iyadoo kolkaad dhagesto markaatiyaasha iyo waxa lagu hadlaayo aanu dhamaantayo jidhiidhico wada ilmeynay, xitaaya markhaatiyaa shi kolkay ka sheekeeyaan wixii soo maray ee lagu sameeyey iyga iyo jicibkii reer somaliland aanu adkaysan waynay oo anuu wada ilmeynay. Laakiin aakhirkii ay ku dhamaatay jawi farxa da iyo damaashaad.

Xaakinkii qaadaayay dacwada waxay noo sheegtay in ay go'aankeeda sheegayso mudo laba amaba saddex usbuuc ah, kaas oo ah go'aan ah waxa laga yeelaayo gacan ku dhiigle cali sa mater." waxaa iyaguna dacwad ka dhan ah ku furaaya usbuuca danbe laanta socdaalka dalk an mareykanka, taasoo noqon doonta in wadanka dibada looga saaro waa dacwada laanta socdaalka.

Dacwadan gan ku dhiigle waxay tahay markii ugu horeysay ee adduunka maxkamad lagu soo taago gacan ku dhiiglayaashii ka danbeeyey xasuuqii ka dhacay somaliland iyo somalia, taaso oo hadda noqtay dacwadan ka dib tusbax furmay oo nin walba oo jooga maanta wadamada yurub, waqooyiga mareykanka, aasiya, iyo qaaarada africaba in lagu soo oogi karo dacwad ka dhan ah dadkii xasuuqa gaystay

Waxa madad leh dadka sida fiican uga qayb qaatay dacwadaas socotay mudo ah 12 sano, iyo hayada "CJA".

Dadka sawirdan waa sidan, Dacwad oogayaal iyo markhaatiyaal


1) BASHE ABDI YUSUF  2)AZIZ MOHOMED DIRIYE 3) NIMO MOHAMED DIRIYE 4) BURALE SALAX MOHAMED 5) AHMED JAMAC GULEED


Dadka sida fiican ula shaqeeyey ilaa maalintii bilowgii ee mahad gaarka ah leh ee iyaga la'aant ood aanay wax badani socdeen waa.....1) ANIIS CABDILLAAHI CIISE 2) AHMED MOHDI HUSEEN 3) HODAN GAMADIID.

 



ANIIS CABIDLLAHI CIISE

AHMED MOHDI HUSEEN
WASHINGTON DC. USA