Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Mar Kale Faah Faahin Ka Bixiyey Diyaarada Daallo Air Line Oo Maanta Soo Caga Dhigatay Madaarka Diyaaradaha Ee Caasimada+Daawo Sawirada

 



Hargeysa (TNN):-garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo dhawaan xadhiga laga jara y ayaa waxa si rasmiya uga bilaabmay duulimaadyadii caadiga ahaa, iyada oo ay bilaabantay duulimaadyada diyaaradaha waa weyn ee qaada rakaabka.

Diyaarada Daallo Air Line oo ah mid qaada rakaabka ayaa maanta ka soo degtay garoonka diya aradaha caasimada ee Cigaal International Air Port,iyad aoo ka soo duushay xarunta wadanka Somaliya ee Muqdisho isla markaana waday rakaab aad u badan.


Maamulaha guud ee shirkada diyaaradaha Daallo Air Line Muniir Abu Site, wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo masuuliyiin kale ayaa goob joog ka ahaa markii ay diyaaradani soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha ee caasimada.

Wasiirka duulista iyo hawada somalilandn Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay imaanshiyaha diyaaradahan ayaa waxa uu sheegay inay farxad u tahay inay diyaarada Daallo soo cago dhig ato garoonka caasimada waxaanu yidhi ?farxad weyn ayey noo tahay inaanu maanta soo ware ejino duulimaadyada diyaarada Daallo Air Line kaas oo ka bilaabmay garoonka diyaaradaha ee caasimada sidaan ayaanu ku wadi doonaa diyaaradaha kale, waxaana lagu dari doona garoon ka qaybo kale oo dheeeraada si ay diyaaradaha ugu waa wayni u yimaadaan halkan, waxaanu doonaynaa inaanu qarankan ganacsigiisa dhiiri gelino inaanu dad badan oo maal gashadayaal ah soo jiidno taasina waxay u baahan tahay inaynu helno dekado wanaagsan, garoono diyaar adeed oo wanaagsan iyo waddooyin wanaagsan siyaasadaas ayeyna xukuumadani ka duulays aa.? Ayuu yidhi wasiirka duulista iyo hawada Somaliland.


Maanta waxa madaarka caasimada Hargeysa ka soo degay duulimaadkii ugu horeeyey ee diyaa rada Daallo Air Lines kaas oo ka yimid magaalada Muqdisho kuna socda magaalada Jida, waxaa nan u sheegaynaa dadweynaha in duulimaadyadii Diyaarada Daallo ay ka bilaabmi doonaan ga roonka diyaaradaha ee caasimada.? Ayuu yidhi maamulaha shirkada diyaaradaha Daallo Air Line Muniir Abu Site.

Dhinaca kale bayloodka diyaaradan oo isaguna ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha imaanshiyaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay u tahay farxad isa ga oo tilmaamay in xaalada uu haatan garoonku ku sugan yahay tahay mid aad u wanaagsan.


Source:Hadhwanaag