DAAHIROW MAYA! MAYA! MAYA!

 

Baaq 31 January 2010 ka soo baxay dadweynaha reer Hargeysa, isla markaana ay la  qab aan qaar ka mid ah magaalooyinka kale ee Somaliland oo is qabsaday madaarka Hargeysa ilaa madaxtooyadda agteeda, ayaa waxa uu nuxurkiisu ahaa laba qodob oo kala ah;

1. Riyaalow muddo toddoba sanno ah ah oo aad na maamulaysay nagu filan, wax  mudad aa ka badan maalin qudhana kudaroo maya! Maya! Maya!

2. dadka baaqaa soo jeediyey waxa ka mid ahaa dumar badan oo ku dhawaaqayey hangal baanu dib u qaadaneynaa dhigina mayno ilaa aanu aragno guushii ay keentay geeridii  rag ayagii la gumaaday, caddaaladii ay naftoodii ku waayeena ma waxa ay noqotay tan  maan ta iibka ah, mise waxa ay noqotay adduunyadan loo adeegsaday in lagu dumiyo labadii  aq al (Guurtida iyo wakiillada) ee ummadda iftiinkeeda ahaa.

Baaqaas oo loo diray Daahir Rayaale haddii aanu maalintaa hurdin, waxaan filayey inuu si wanaagsan u dhagaysto baaqa dadki u dirayeen isaga oo tixgalinaya dareenkaas ka soo yeedhay ummadaas qaylinaysay oo aanu kolwalba xukunkiisan xagjiraa ummadan  xusuu sin aabayaashood, awoowyaashood iyo wallaalahoodii lagu xasuuqay xaqdarada. Waxa kale oo aan filayey in uu habeenkaaba ka gudo Hargaysa si uu ugu waabariisto subixiiba magaalada Lowyacado iyo wadankii uu jeclaa ee ka shisheeyey.

Waxaan filayey oo kale in uu wasiirka xoolaha oo xeryo u samaystay hantidii xoolo  dhaqa tada oo aan marna ka hadhi doonin uu amarsiiyo si uu isaga iyo wixii la socdaa ay u soo maraan xagga badda balantooduna noqoto qasriyadii Sharma sheekh ee dalka Masar ka dhisnaa..

Daahir maanu yeelin sidaasi aan filayey oo dhagaha ayuu ka furaystay baaqaas dadku u direen, waxa kale oo uu dhagaha ka furaystay halka ay ku dambeeyeen raggii qarnigan jeclaa inay kaligood taliyaan oo ku qatal may adduunyada iyo damacoogii nacasnimada  a haa, kuwaasina waxa ka mid ahaa raggan aah hoos ku sheegay magacyadooda.

1.Siyaad Barre oo dabkii uu shiday aanu wali damin

2.Hoggaamiyihii Je Jesto ee mudada badan xukuumi jiray dalka Romaniya ee qaaradda Yurub.

3.Beneshee oo xukumi jirey dalka Chile eek u yaal qaaradda Laatiin Ameerika iyo hoggaamiyayaal kale oo badan oo damacoodii xukun jacaylku jar ka tuuray.

Dalalka ay hoggaamiyayaashaas ka baxeena waa kuwa keliya ee ay maanta dumarkoodu iibiyaan carruurtooda darxumo darteed, balse reer Somaliland marna ka yeelimaayaan Daahir Rayaale inuu ku hamiyo inuu xukun keli-talis ah ku xukumo, Siyaad Barre ayayna taa ka yeeli waayeen, markaa Rayaaloow waxaanu ku leenahay Maya! Maya! Xukun dambe kaa yeeli mayno, daranyadii aad toddobadaa sanno ummadda badayna dakharadoodii waa kuwaa muuqda.
 

 

 

 

By:Xassan Aw Libaax
Hargeysa,Somaliland