Madaxweynaha JSL oo Maanta Digreeto ku Soo Saaray Maalinta Doorashada Madaxtooyada La qabanayo

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta soo saaray wareegto uu ku ansixinayo wakhtiga loo cayimay doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ku beegan 27-ka Bisha September 2009.

Madaxweynuhu, isaga oo tix-raacaya qodobka 90-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana tix-gelinaya go’aanka ay Guddida Doorashooyinka Qaranku ku cayimeen in doorashada Madaxtooyadu ay qabsoonto maalinta Axada ee Bisha Shiwaal sanadka hijriyada 1430-ka, kuna beegan Maalinta Axada 27/09/09.


Digreetadaasi Madaxweynuhu soo saaray oo lagu baahinayo dhaqan gelinta wakhtiga loo cayimay doorashada Madaxtooyada JSL, waxa ay waafaqsan tahay go’aan ay soo saareen maanta Komishanka Doorashooyinka Qaranka, taas oo ay ku tix-raacayaan dastuurka u dhigan qaranka Somaliland qodobkiisa 83-aad, faqradiisa labaad , saddexaad iyo shanaad ee xeerka Doorashooyinka iyo diiwaan gelinta codbixiyayaasha, waxana go’aankoodaasi ay ku sheegeen Guddida Doorashooyinku in markii ay ka baaraan dageen in aanay qabsoomi Karin doorashada Madaxtooyadu wakhtigii hore ee ay u cayimeen oo ahaa 31-ka May sababo sharci iyo muddada hawl-galka qorshihii oo dib u dhacay farsamooyin awgeed, waxa ay guddidu Doorashooyinku u cayimeen doorashada Madaxtooyadu in la qabto 27/09/09, taasi oo uu ka ogolaaday Madaxweynaha Jamyhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin.




Alla Mahad leh



Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL