“Waxaan Leeyahay Khilaafka ka soo Baxay UDUB Waxa ka Muu qda in Daahir Rayaale Burburin Wado”Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

 

 



Hargeysa (TNN)- Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ,oo ka mid ah madax-dhaqameedyada ca anka ah ee Somaliland, ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha xisbiga UDUB, ahna Madaxweynihii hore ee dalka Md. Daahir Rayaale Kaahin,  inuu wado qorshe uu ku burburinayo xisbiga UDUB.

Suldaan Maxamed oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay huteelka Fish and Steack ee magaalada Harge ysa, waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday guddoomiyaha UDUB ee ku adeegsaday warqadad uu e-mailka ugu soo diray ku-xigeenkiisa ay muujinayso talo uu khilaaf kaga dhex abuurayo xisbig aas.

“Guddoomiyaha UDUB sidii xilka dalka u tiriyey markeliya ayuu soo noqday, waxaannu igmaday oo ku-sime guddoomiye ku-xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin. Kadib waxa dhacday markii xisbiga UDUB isu yimi ee Ku-simaha guddoomiyuhu qabtay shirkii guddida fulinta go’aamadii ka soo baxay waxay noqdeen ninkii murrashax madaxweyne doonayaa inuu lacag kayd ah oo $300,000 kun oo dollar ah keeno, arrintaasna soo jeedinteeda waxa iska lahaa sida la sheegayo Cali Maxamed Warancadde.

Dabcan, xisbigu wuxuu leeyahay shuruuc iyo xeerar uu isku maamulo oo wax walba ku qeexan yah ay oo ay ku cad yihiin. Markaa anigu waxaan leeyahay dhibaatada iyo khilaafka ka soo baxay xisb iga waxa ka muuqda in Daahir Rayaale burburin wado, waayo sababta la leeyahay email ayuu u s oo diray Axmed Yuusuf Yaasiin e-mailka marka kombuyuutarkaagu furan yahay waad arki kartaa, laakiin markaad kombuyuutarka xidho e-mailka waqtiga aad furto laba ama saddex casho ka bacdi ayaad arki kartaa, markaa Daahir ma bakhaylnimo ayaa ku kellftay, illeyn wuu haystay telefoonno inuu la soo hadlo ayaa ka qurux badnayd? Laakiin waxaan u arkaa in e-mailkaas isku dhufasho xis biga gudihiisa ah in talladeedu ahayd,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

Suldaanku waxa uu waxa uu sheegay in Daahir Rayaale uu sabab u ahaa in Jamaal Cali Xuseen sha qadiisa ka yimaado oo uu iska sharraxo xisbiga, balse waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay sababta loo mucaariday, waxaannu yidhi; “Jamaal Cali Xuseen isagaa bixiyay wixii murashaxnimadiisa shuru ud ah ee lagu xidhay markii hore ee Daahir Rayaale madaxweynaha ahaana isagaa u yeedhay Ja maal Cali Xuseen. Markii madaxweynihii hore safarka ku tagay Kenya madaxdii iyo dadkii uu kula kul may waxa u diyaariyay Jamaal Cali Xuseen, maalintaasi ayuu ku yidhi soo gal xisbiga si aad hadhow murrashax uga noqoto. Markii uu ku guulaystay go’aankii Guddiga Fulinta raggii keenay shardiga ee uu ka mid yahay Cali Maxamed Warancadde ayuu haddana xisbigii ku kala jebinayaa. Waxaan le eyahay xisbiga UDUB waa mid umadeed ee maaha xisbi reer leeyahay.”

“Waynu ogayn oo markii xghayihii hore ee xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bullaale uu dhintay waa kii Jug-soo-dhacay oo reer Jabuuti ah meesha la fadhiisiyey xeer ay hore u dhigteen oo UDUB ku t allaabsatay ayuu ahaa, maxaa markaa looga hadli waayey? Jamaal Cali Xuseena shuruuddii lagu  x idhay markuu ka soo baxay maaha in mucaaradad lagala horyimaad ee in lagu hambalyeeyo ayey ahayd,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
 

source:jam