DILKA FOOSHA XUN EE SEEMAAL WAA NABAR BADHEEDH LOOGU GEYSTAY QARANNIMADEENA

 

Ahmed Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
 


Kolka kowaad tacsi naxdin, damqasho iyo murugo aan la wadaago qaranka Soomaliland aanan u gudbiyo ehelka 3da muwaadin ee gardarda aan geed loogu soo gaban sida foosha xun loogu dilay baradii ay nabadda ku hurdeen. Nabarkan sida gaarka loola kacay reero nabad iyo naruur ku seexday damqashadeedu waa mid kulmisay dhammaan shacbi weynaha Somaliland gobal ka sta ha joogaane. Waxa sidoo kale naxdinta la wadaaga qurbajooga Soomaliland oo werwer ku habsaday,wardoon iyo foon ku jiray 24 saacadood ee ina dhaafay. Duco, murugo, canbaareyn iyo dhaleecayn ayaa muwaadin kasta isla mar ku kulmay.

Cidda falkan geeysaytay waa cadow ku soo duulay qaranimadeena, nabadeena, wada-jirkeen a, horumarkeena, aayaheena iyo mustaqbalkeena. Waa mid ujeedo keli ah leh, in la khalkhaliyo nabadeena lana wiiqo jiritaanka dawladnimadeena. Waxay tahay mid lid ku ah horukaca diblomaasiyeed ee xukuumaddu soo hoysay iyo geedi-socodka dimuquraadiyadeena adduunku aad u qiimeeyey, iyo wadjirkeena aynu intaasba ku gaadhnay.


Waxay si toos ah u dooxday nabaddii muddada dheer laga hawlgalay ee laga gaadhay mashaq adii Ceelbardaale, oo la sugaayey in dhammeystirkeeda dhowaan la soo gaadho. Waxay damaq day nabar bogsiis ah ooy ku noqotay caabuq u baahan dhaymo iyo daaweyn degdeg ah. Waxay jiifisay ididiiladii walaalaha galbeed ay sida xamaasadda leh isu taageen wadajirkooda iyo horumarkooda oo gun u tahay ilaalinta danta guud, isu-socodka ganacsi iyo bulsho, iskaash iga mashaariic horumarineed iyo qaar dhaqanba.
Dad wada dhashy, inaabti, habarwadaag, abtiyaal, seedi iyo sodog, ayeeyo iyo awoow, wiil iyo abtigii, gabadh iyo sodegeed, sodoh iyo wiilkeed, marwo iyo seygeed ayaa colaad nacasnimo la dhexdhigay. Waxa taagan gabaygii Gaariye ee dhacdadiisu ahayd:


 

 

Ahey way iyo ciil
umalkayga hiqdeyda
calool oyga nafteyda
ilmada iga da'aysiyo
imtixaanka i haysta

*****

Anigaa is maqli waayey
orod bay wax i leeyihiin
ololna wuu fahmayaa
ayaamo is gurayaana
way igu fool adag yihiin

*****

Ahey way iyo ciil
Aaminaay magacey ba'
Asaagay igu wiirsay
inanteydu gumowday
ka irdhoobay shisheeye
ku eedoobay sokeeye
ehelkay ka qalooday
cidna aamini waayey

*****

Cidna eersan maayoo
inkaar baa igu biirtayoo
anigaa isu geystay

*****

Dharaartii Alle keenana
ayni ii kordha mooyee
caqli iima siyaado

*****

mana waayo arkaayo
wax kastood akhridaan
waxaan ahay Alle doori
seed dhanina aanay ku ooli
n

 

 


Haddaba hadday ujeedooyinkaas iyo raadxumadaas uu falkani leeyahay, maxaa inala gudboon:
 

1. In dhammaan laga hawlgalo soo qabashada cidda dilkan nacasnimo geesatay. Waxa waajib gaar ihi saran yahay cidda ay ka soo jeedaan oo ay tahay inayna qarin ee ay gacanta u soo galiyaan xukuumadda. Waxa waajibka kowaad saran yahay xukuumadda si gaar ah laamaheed a nabad ilalinta iyo nabad sugidda. Waa inayna Waxaba la hadhin sidii ay garsoorka u keeni lahaayeen dambiilayaasha.Taas waa lagu dhaqaaqay oo amar Madaxweyne ayaa lagu fuliyey ee waa inay si dhakhso ah u midho-dhalisaa.
 

2. Waxa iyana waajib ah inaynu dhammaan isu taagno oo aynu muujino naxdinta iyo damqasha da aynu la qaybsano eheliyadda ay sida gaarka ah dhibtani u gaadhay. Waana inaynu ka dalba naa samir iyo is-dejin iyo dulqaad siyaade ah.
 

3. Madaxdhaqameed, siyaasiyiin, aqoonyahan, dhalin iyo waayeel rag iyo dumar gaar ahaan la bada dhinac waa inay u guntadaan sidii xukuumadda loogu taageeri lahaa soo qabashada dam biilayaasha iyo sugidda nabadgelyada. Waa in loo baxaa oo la abaabulaa baaqyo nabadeed, sh irar nabadeed iyo gogal nabadeed.
 

4. Culumada iyo warbaahinta waxa la gudboon wacdiga iyo wacyogelinta iyadoo la baahinayo qiimaha nabadda, wadajirka iyo ilaalinta sharciga.Warbaahinta ooy ku jiraan websiteyadu xilb aa ka saran wanaaga bulshada iyo nabadda guud. Ha ka fogaadaan faalooyinka naxliga iyo xu maanta wata, ha badiyaan waanada iyo ereyada nabadda iyo wadajirka aloosaaya. Ha yeees haan hubsiimo dheeraad ah xiligan xamaasaddu taagantay.
 

5. Waa in isu-soo-bax nabadeed laga abaabulaa gobalada galbeedka.

Haddaba hadafka cadowga oo u muuqda mid guuldaraystay kolka aad eegto sida loogu gurma day in fidmadani sii fidin, ayaa aynu u rogi karnaa guul iyo xoojin nabadeed kolka aynu isla gar ano in cadwogani ahaa mid duulaan ku ah qarannimadeena iyo wadajirkeena. Taas waxa sal u ah qabashada dambiilayaasha iyo fahamka ehelka dulmiga weyn loo geystay ooynu la wadaag no dhibta iyo murugada, inkasta ooynaan soo celin karayn nafleydii ay waayeen. Waa in la soo afjaraa sababta nabarkan ay u adeegsadaan maanlaawayaashu.

Maanta oo kale waxa taliya maanka iyo qalbiga fayow. Waxa habboon in afka laga xidho oo dh egaha laga xidho inta cududa iyo caadifadda ku talisa. Waa inaan dhiig dambe oo muwaadin si doqoniimo ah amba aarsi ah loo shubin. Agow aarsi waa silsilad dhiigba dhiig ku biro oon lahayn daba la qabto. Cadaaladdu waa tan keliya ee dulmiga suulisa ma aha aargoysi maato lagu gum aado. Cadaalad aan eex lahayn, aan dabac lahayn oo xaqsoor ah ayaa arrintan soo afjari kar ta. Taas waxa lagu gaadhayaa samir iyo inagoo dhammaan isu taagna inaynu xaqqa taageer no, ooyna nabadda wada ilaalino, ciidanka amaanka iyo hay'adaha nabadda waa waajib in lala shaqeeyaa.

Gunnaanad. Imtixaan ayeynu maraynaa guushiisana lagu gaadhi karo wadajir iyo midnimo. Ho re ayeynu tan oo kale u soo marnay weynu ka guulaysanay, dariiqii aynu u marno oo inagoo gacmaha is haysana aynu tusno cadowga in Soomaliland tahay jidh qof keliya oo nabarka gaa dha ku bogsiiya carabkiisa oo liifa. Waxa se habboon in dhacdadan oo kale laga afeef dhigto oo laga yeesho agab ka ilaaliya soo noqoshadeeda. Waa cadaalad laga gaadho gunteeda oo si ge esinimo ah oo xaq ah loo gaadhsiiyo garsoor dhab ah.

Aan idinku dhaafo tacsi kal iyo lab ah, tacsi qaran, tacsi ehel, tacsi xigto iyo xigaal. Aan u duce eyo muwaadiniinta gacan gardaro lagu dilay in Alle ugu abaal gudo janatul fardows, ehelkood ana waafajiyo samir iyo duco. Allow cawad kheyr badan ka sii samirkooda, kana yeel kuwo u horseeda bulshada samir ay ku dhowraan nabadda bal se ay ku doonaan xaqqooda cadaalad iyo garsoor.

Soomaaliland nabadeedu waa wadajirka bulshadeeda. Waa danta guud oo la ilaaliyo, waa cada aladda oo la garab galo. Waa waajib qaran, waa waajib bulsho, waa waajib fardi.



Allow xaqqa na waafaji. Amiin.
 

 


Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynaha ee

Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmail.com

http://www.facebook.com/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127#!/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127