Dabinadda Qarsoon ee Shirkadda DALCOM iyo Xulufadda Casriyaysan

 


Hargeysa (TNN)-Dhawrkii Todobaad ee u danbeeyey, waxa saaxadda siyaasadeed ee Somaliland si xawli ah loogu hadal hayey, isla markaana u muuqday arintii loogu hadal haynta badnaa Todobaadkii tagay ee lagu qaadaa dhigayey Mafaariish-ta fadhi-ku-dirirka, dood ku saabsan xeerka isgaadhsiinta Somaliland oo asbuucii ina dhaafay Golaha Wakiiladdu cad aqlabiyadd ah ku meel-mariyeen sharciyadiisa, kadib mar kii sida sharcigu dhigayo Goluhu dhamaystay doodiisa.

Intii mudadaa ka danbaysay, waxa marba marka ka danbaysa soo xoogaysanayey hadalo isugu jirey  dh aliil iyo xajiimeyn si gaar ah loogu durayey shaciyadda xeerka aynu kor ku soo sheeganay ee Golaha Wak iiladdu waajibkiisa ka gutay, dooda ama hadal-hayntaasoo ahayd mid laba weji ka koobnayd, kuwaasoo kala ah mid gaar loogu bartilmaameedsanyey jiritaanka xeerka isgaadhsiinta Somaliland iyo tan kale oo iyaduna ahayd mid xajiimaynayey qodobo ka mid ah xeerkaasi.

Haddaba inta aynaan u gundo degin falaqaynta dooda labada firqadood ah ee kor ku xusan, waxa xusid mudan in aynu wax yar ka iftiimino waajibaadka Xildhibaanada ka saaraan marka sidan oo kale loogu soo gudbiyo xeer ama mooshinada-sharci ee Xukuumadu bu soo gudbiso, loona baahan yahay inay  jiritaank iisa meel-mariyaan.

Haddii aynu soo qaadano Qoddobka 53-aad ee Distoorka Farqadiisa 2-aad, waxa uu dhigayaa in Golaha Wakiiladu awood u leeyahay ka doodista, wax-ka-sheegista, celinta oo sbababysan iyo ansixinta soo  jee dinaha Xukuumadda uga yimaada, ha noqdaan barnaamujyada la xidhiidha dhinaca siyaasadda ama’se ha noqdaan mashaariicda-sharci ee Xukuumaddu curintooda leedahay.

Sidoo kale, waxa uu dhigayaa Farqada 3-aad ee Qodobka 53-aad ee Distuurku in Golaha Wakiiladu uu  an sixinayo heshiiyada dawliga ah ay ka mid yihiin kuwa siyaasadda, dhaqaalaha iyo nabadgelyo AMA kuwa keenaya culays Miisaaniyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin Miisaaniyada.

Inkastoo sharciyan uu sidaa u cad yahay awoodaha Golaha ka saraan xeerarka iyo mooshinada-sharci ee loo soo gudbiyo, kuwaasoo mararka qaarkood curintoodu ka iman karto dhinaca Golaha, haddii aynu intaa ku dhaafno awoodaha Golaha una soo noqno mawduuceena iyo hadal hayntii ku saabsanaynd xeerka isgaadhsiinta, kaasoo uu nuqul ka mid ah Wargeyska "Yool" helay. Sidaa awgeed-na uu Wargeysku go’aansaday inuu bulshada u soo bandhigo faa’iidada xeerkani u leeyahay, isla markaana uu dadweynaha u kala qalo doodaha iyo dhaliilaha siyaasadaysan ee ka soo yeedhaya mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiiladda iyo shakhsiyaad kale oo iyaguna u soo doobyaya xeerkan, iyagoo xidhan SUUDHADH QABYAALADAYSAN.

Haddaba, xaqiiqadu waxay tahay in ujeedada dhabta ah ee xeerka loo mushkiladaynayaa ay tahay. Kow, Ganacsade reer Muqdisho ah, laguna magacaabo Shariif oo damac qarsooni ka hayo inuu gudaha Somaliland kaga shaqaysto Magac Somali-weyn, kadib markii uu ogolaasho qabyaaladaysan ka helay dawlada taagta daran ee uu madaxda ka yahay Ninka ay isku haybta yihiin ee Sheekh Shariif.

Ruqsada ama oggolaanshaha beeleeysan ee Ninkaas la siiyey oo ah inuu Somaliya oo Somaliland-na ku jirto uu keeno xadhiga Isgadhsiinta Baddaha Hoostood mara ee loo yaqaano "fiber optic", mashruucaasoo uu u samaystay shirkada la yidhaahdo DALCOM, oo iyadu huwan magacii Soomaaliya oo dhan, isla markaana sidii uu Somalilaland arintaa uga hirgelin lahaana uu heshiisyo qarsoon la galay muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaasoo uu siiyey sheerer aad u yar oo kan ugu badani uu yahay 700, oo Kun oo Dolarla Maraykanka ah, taasoo marka loo eego saamiga asadka shirkadaasi aan ka noqonayn Boqolkiiba Shan (5%).

Marka uu sidaa warku u cad yahay, isla markaana ay arintu taagan tahay u kala xaqsoorida muwaadin Somalilander ah iyo mid ajnabiya oo hal mashruuc ku loolamaya kuwaasoo marka horeba uu xaquuqdoo da Distuurku kala cadeeyey, sida ku cad Qodobadda 4-aad iyo 8-aad ee Distuurka jamahuuriyadda Som aliland, balse aad maanta moodo in xaalku yahay mid la mid ah Dabkaa Qaad oo Gurigaaga soo Gubb..

La soco Caddadka Danbe qaybo ka mid ah dukmantiyada dawlada Sh Shariif siisay Ganacsade Shariif iyo sirro qarsoonaa oo isugu jira samiiga hantileeyada DALCOM iyo dagaalka laga wado gudaha Somaliland.

Wargyska Yool