Cisbitaalka Degmada Sheekh Oo Maanta La Gaadhsiiyay Deeq Caafimaad Oo Ka Timi Dawladda Kuwait

 

 


Sheekh (TNN)- Dalka Kuwait, ayaa qalab caafimaad soo gaadhsiisay cisbitaalka degmada Sheekh oo Boqorka Kuwait dib u dhis ballaadhan ku sammeeyay, ka dib markii uu xidhnaa muddo gaadhaysa 20 sano ah.

Deeqdan oo isugu jirta mishiinno shaybaadh oo casri ah, Mashiinka Oxygenta lagu sammeeyo oo Som ailand aan laga heli jirin, sarriiro iyo agab caafimaad oo kale waxa wareejinteedii ka soo qaybgalay B adhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan, Maayarka Degmada Sheekh, Ibraahin Cabdillahi Cabsiiye, Xogahaya Degmada Sheekh Cabdikariin Yuusuf Saleebaan, Xildhibaanno golaha Deegaanka iyo Guddida cisbitaalka Berbera.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo munaasibad loo sammeeyay war eejinta deeqadan oo ka dhacday Cisbitaalka Sheekh ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay dib u furitaana cisbitaalka Sheekh oo wakhtiyadii hore looga iman jiray gobolo badan oo ka mid ah dal kii laysu odhan jiray Somalia, isagoo u mahadceliyay Amiirka dalka Kuwait “Munaasibadan maanta ee qalabkii u horeeyay ugu yimi aad baanu ugu faraxsanahay, isagoo dhakhtarkani ahaan jiray mid meel kasta lagaga soo hirto xiliyadii hore, maantana waxaan rajaynayaa inuu kii oo kale noqdo, laakiin wax a muhiim ah inay dadku fahmaan waxa ummaddu wada leedahay inay ka muhiimsanyihiin waxa gaarka loo leeyahay, waxaad moodaa in dadku u shaqaynayaan waxa gaarka loo leeyahay, laakiin wixii umm adu wada lahayd inaan cidina xil badan iska saari lahayn, taasoo keentay in adeegyadii wada luma an.” ayuu yidhi Badhasaabku.



Badhasaabku waxa uu tilmaamay inay agabkan ku jiraan mashiinno qaaliya oo lagaga maarmi doono dalal badan oo dadku u tagaan, waxaannu yidhi, “Mashiinada laynoo keenay waxa ka mid ah kuwii Ox ygenyta samaynayay oo aynaan u baahan doonin inaynaan Oxygen meel kale ka soo qaadano, agab kani waa kuwo dalka badankiisa aan ool, waxaan filayaa in talo ballaadhan laga yeelan doono dhakhta rku sidii uu u shaqayn lahaa, amiirka Kuwait aad buu u mahadsanyahay. dadka waxaan ku boorinaya danta guud inay ilaashadaan. ”

Badhasaab Ramaax waxa uu gebogebadii hadalkiisa ku xusay ina tallo qaran ka yeelan doonaan gaca n-ku-haynta cisbitaalka, “kolay Wasiirka Caafimaadka waanu ku soo casuumi doonaa furitaankiisa, sid ii maamul adag degmo iyo qaranba loogu sammayn lahaa cisbitaalka in laga wada tashado maamul ad ag oo aanay dhicin in hadhow cidi gaar isaga sheegato.”

Maayarka Degmada Sheekh Ibraahin Cabdillahi Cabsiiye, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin rajada dib loogu furao cisbitaalka Sheekh oo xidhnaa tan iyo 1991kii, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Wax aan halkan kula wareegaynaa agabka loo keenay cisbitaalka oo isugu jira mashiinno, sarriiro, qallabka qalliinka, laporatory, qalabku intan kma koobna, laba amma saddex goor oo danbe ayaa la keenayaa, waxaan dhammaantayo ku faraxsanahay in maanta uu rajo yeesho cisbitaalkii degmada Sheekh oo xidhnaa laga soo bilaabo 1991kii oo aanu dib u rajadiisa u helno.

Xoghayaha Dawlada Hoose ee Degmada Sheekh Cabdikariin Yuusuf Saleebaan ayaa isaguna xusay inuu rajaynayo cisbitaalka Sheekh inuu noqdo mid baahi badan dabooli doona.”Waxaan rajaynayaa inay Sheekh noqoto meel Somaliland oo dhan caawisa oo qofka Ceerigaabo laga keeno ee Hargeysa lagu wado inta uu jidka ku jiro ku dhiigbaxo mid lagaga maarmo Ilaahay haynooga dhigo, waxaanu filaynaa in Sheekh xarun u noqoto Somaliland oo dhan.”

Maamulaha Cisbitaalka Guud ee Berbera Caasha Ibraahin, ayaa iyaduna sheegtay in haddii agabkan la ilaaliyo oo si daacadnimmo ah looga shaqeeyo ay mudo badan anfaici karto mujtamaca, waxaanay tid hi, “Waxaanu aad ugu faraxsanahay deeqdan wanaagsan ee degmada Sheekh loo keenay, waxaan u mahadnaqayna Sheekha noogu deeqay, waxaan jecelahay inaan xusuusiyo waxa laynoo keenay inay nu hagaajisano oo maamul wanaagsan iyo daacadnimmo u haysano inay 20ka sano ee socda ina anfacaysa Ilaahayna waxaan ka baryayaa inaynu kaga maarano cisbitaalada debeda ee loo yaaco.

Deeqdan oo ahaa horaanta agab caafimaad iyo dawooyin tiro badan waxay dawladda Kuwait soo ra acisay ingineero rakibi doona agabka mashiinada ah, waxaana todobaadkan gudihiisa la filayaa inay dalka soo gaadhaan qaybo kale oo ka mid ah agab caafimaad iyo dawooyin loogu tallogalay cisbita alka Sheekh oo muddo dheer xidhnaa, haseyeeshee boqorka Kuwait uu dib u dhiska ku sammeeyay.

Source:Berberanews