Omar Daarood kala daa qoraalkaaga shaashada yaal iyo qalbi gaaga Xamar jira
 

 



Ilaahay baa mahad leh,  maanta oo ay Soomaliland u dabaal dagayso 23  guuradii ka soo wareegtay xora yntii Soomaaliland , ee dhiiga badani ku daatay,  ee Mujaahidiintii SNM u hureen naftoodii i yo maalkoodii , waa ma hadho nagu mudan,  cidina aanay iloobi karin, oo ay taariikhdu qorayso iyo la soo noqoshadii ay xoriyadoodii dhoobada kaga dhacday la soo noqdeen.


Haddaba , waxaan uga socdaa Dawladan Soomaliland ee cusub,  ilaa imika intaa ay jirtay firfircooni aan la tirin karin ayay mujisay , marka aad eegto dhan walbba,xaga nabadaynta,nadaafada,jaar  wanaaga,abaa rihii,ictiraaf raadinta ,dabaal dagii May iyo waxyaalo aan la soo koobi karayn.Iyada oo ay intaa shay ee la taaban karaaba ay jiraan , ayaa hadana Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr Mohamed Abdillahi Omar,uu  ugu fir fircoon yahay.


Dr Mohamed Abdillahi Omar,  waa nin aanu ku dhacayn wadhafka madhan , ee aad sidato , waa nin aan ko lba Xisbi soo marin , waa nin ku engejistay Xisbigii uu ku jiray ee KULMIYE , halkaad ka hadlayso waan gart ay, waxaa  muuqata inaad fadhiday kursigii inaadeerkaa Maxamed Oomaar calanka hor dhigay. waad nasii b daran tahay , Dr Maxamed  wuu hidda socdaa , waa nin aqoonsiga Soomaliland iib gaynaya , ogna waaj ibka saaran , waana nin og in Geesiyaashii uu ka dhashay  ay dhiigoodi u hureen,  Cumaroow  ee yaanay c adho kursi ku qaadin hanaaya dheh.
 

Ilaahay naxariistii  jano ha siiyee fanaankii Axmed Gaacayte , ayaa malintii Hargaysa la soo galey heestii odhanaysay"Iilaahay baa deeq baxshee dulmiga caashaqa ka daa" u badeley " Ilaahay baa deeq baxshee madfaca daaraha ka daa oo waliba dadka kadaa,",  ilaahay baa deeq baxshee dulmiga Dawlada ka daa, oo waliba Wasiirka ka daa......


Hadaba , waxaa la yaabisleh Cumar , halka aynu ku tirino , ma jir jiroolihii kolba shayga uu saaran yahay u eegaa baa , waxa wax lala yaaba ah qof aan mabda lahayn oo kolba Xisbiga soo baxa ku mucaarida. Adaa og halka aad u hanqal taagayso , laakiin waxan ku odhon lahaa kaana yaa makaankii aad ku soo noolayd adduunkan kama socdo , Rag baa ka tashaday eeraygaa iska ilow , kuma oga inaad nooshahay iyo inkale.
 

 

 

 

Xaliimo Yusuf
London UK