Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Wacyi Galinta Iyo Dhaqan ka
Somaliland Oo Dafiray Madaxbanaanida TV-ga Qaranka
Wuxuu iska indho tiray madax banaanida TV-ga qaran isagoo qardo
jeexay .....
Hargaysa(TNN):-Golaha wakiilada oo ay maanta hor yimaadeen koox
wasiiro iyo wasiir ku xigeeno si loo ansixiyo ayaa waxaa kamid ahaa
raxanta wasiirada ah wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta
Somaliland Md. C/Laahi Maxamed Daahir (cukuse) oo lagu ansixiyay cod
aqlabiyada ayaa waxaa xildhibaan ka mid ah golaha wakiiladu uu
waydiiaya y su’aal ahayd magaca uu TV-ga qaranku kaga diwaan gashan
yahay dalka Britain iyo waliba in uu wasiirku maamulo iyo in kale.
Waxaa wasiir Cukuse fahmi waayay
luqada uu xildhibaanku kula hadlay waxaanu wasiirku qarda jeexay
meel aan meeshiiba ahayn isagoo oo is difaacaya ayaa waxaa uu yidhi
"ana a maamula TV-ga qaran wuxuuna ku diwaan gashan yahay magaca TV-ga
qaran” waxaa guux iyo hamham uu ka bilaabmay golaha dhexdiisa iyadoo
hoos hoos la isku way diinay ay in uu wasiir uu iska indho tirayo
iyo in kale madaxbananida TV-ga qaran.
Isku soo wada duuboo waxaa hore uu madaxwayne siilaanyo u soo saaray
wareegto ah in Tv-ga qaranku ka madax banaan yahay wasaarada
warfaafinta laakin ay wado shaqay ni ka dhaxayso, waxaa lala yaaban
yahay wasiir aan ka war hayn in Tv-gu uu hoos yimaa do isaga iyo
inkale.
Wasaarada warfaafinta ayaa kamid ah wasaaradaha ugu shaqaalaha badan
ee ugu khila af iyo cabsho badan, waxayna ka mid tahay wasaarada
loogu eryis iyo badalis badan ya hay dhanka wasiirada waxanu laga
war sugayaa wasiir cukuse in uu wax ku daro iyo in uu wax ka dhimo
wasaarada warfaafint iyo wacyi galinta iyo mudaduu ku sugnaan doono.
Kamaal Sh Ismail Adem
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|