CODKAAGA KU CIIL BAX-(22)
2010 SANADKII MASIIRKA
Waxa
ina soo maray laba sano oo siyaasadda dalku ku jirtay
muran iyo mulaaq. Waxa labada sano dalka xukumaayey
welina xukuma, madaxweyne mudadii xilka l oo
dhiibtay waa hore idlaatay, aan haysan kalsoonidii
ummadda, weliba guux iyo g oolaftan u dheer yahay,
sanifaad badan, daandaansina wehesho. Waxa la
maroor saday taladii ay ahyd in dib ummadda loogu
celiyey. Waxaynu nahay dal dimuqura adi ah, haddana
awooddii ummadu ay ka maqantay. Ma jiro cid xaq u leh
inay xilkii loo dhibtay kordhisato, ilaa ay u kordhiyaan
ciddii xilka u dhiibatay. Haddaba waxa la yaab leh in
shacbigii doortay Madaxweynahu aan dib waxba loo weydiin.
Xataa ciddii matali lahayd ee ah Golaha Wakiilada waxba
lagama weydiin koradhsiimada aan sababta lahayn.
Xil-gudasho la'aan ayaa lagu abaal mariyaa muddo kordhin.
Maamul dimuquraadi ah waxa ugu weyn waajibayna qaban
Karin doorasho xaq ah oo xalaal ah.
Hadal kama lehi heshiiskii dhacay, oo waxa leyala garto
iyo lagama maarmaan ayaa jira. Waa iga tilmaan in
nidaamka aynu ku soconaa yahay mid baal marsan hadafka
iyo mabda' asalka ah ee awoodda dal dimuquraadi ah ay
gacanta ugu jirto dadwe ynaha iyo wakiiladooda.
Waxa jira hawlo qabyo ah iyo dastuur daldalool badan.
Waana halka ninka aan daacadda ahayn ka fa'aideysto.
Waxuu dhahaa aniga mab da' iyo hadaf midna ma
aqaan ee i taabsii halka ay kaga taal..arintani
dastuurka, hadda meel diidanina ma jirto. Waa
marmarsiiyo daalin iyo xumaan doon. Qof Illaa hay
garaad siiyey ubadna ha ku ahaatee, wuu garan karaa in
cidda xil kordhin kar taa tahay ciddii xilka qofka
u dhiibatay. Waana dadweynaha iyo Golaha ay doorte
en ee Wakiilada.
Waxa arrintan igu kalifay kolka Madaxweynehu marwalba ku
celceliyo anigaa door ashooyinkii hore dhigay oo
diiday in dib loo dhigo. Taas oo macnaheedu yahay inay
tahay arrin aan waajib ku ahayn ee sida uu u arkaa tahay
mid ogalaasnshahiisa o on ku meel maraysa. Waa
amuur xaqiiqda dastuurka ka fog, waxayna ka dhigantay
xilka aad ii dhiibteen, kolka aan doono ayaan ka dagayaa,
dhammaadkiisa aniga isu haya. Ma aha mid gorgortan iyo
ogolaansho looga baahan yahay waa mid dastuur tka
ku cad inay qabsoonto muddo xadidan. Mana aha mid uu ku
faani karo Madaxweyne la doortay oo waajibkiisa ayey
tahay.
Haddaba iyadoo maamulkaasi jiro, ayaa waxa soo raacda
waxqabad la'aan ay weli balamadii sanadaha soo taxnaa
taagan yihiin aan soo qaato kuwa sida sahlan loo qaban
karo balse aan loo dhaqaaqin sida:
1. Lacagtii Burco iyo
bedelkeed. Weli Burco waxay sugtaa sicir-goynta doolarka
ee suuqa Bakaaraha ee Xamar.
2. Darajadii Ciidanka iyo
Shaqaalaha Guud.
3. Idaacaddii qaranka
gaadhi lahayd.
4. Dhismaha dawlad kooban
oo tayo leh.
5. Wershadii sibidhka,
rinjiga, iyo marmarka
6. Miisaaniyaddii qaranka
oon ilaa manta Golaha la horkeenin. Xisaab celin la'aan
i yo iyadoon weli lagu soo darin qaybta weyn ee ka maqan
sida cashuurta betroo lka, kirada haamaha
betroolka, khrashka dekedda, iyo tan tii horeba ka weyn
ee dhoofka xoolaha oo neefka adhiga ah si ka baxsan
miisaniyadda qaranka $7.50 loo maamulay.
Iyadoo balankii ahaa wershadaha $300 ee Milyan doolar
aynu ogeen, ayaa dhow aan lagu baaqay in Fransiis
maalgashanaayo dekedda Berbera ilaa $700 Milyan do
olar. Waxa se arrinta si qotodheer uga waramay wasiirkii
hore ee wershadaha Ma xamed Salaymaan weyne...."Ani
iyo Madaxweynahu iyo xukuumaduba waxaanu id iin
sheegaynay waxay ahayd been cad iyo madadaalo. Waxaan la
yaabaa cidda ru meysata balamada beenta ah...",
Waa markhaati aan waxba soo kordhin waayo d
adweynahu waa ka dheregsan yihiin sida aan marna loo
fulin balamada culus ee h ore loo qaaday, kuwa
dambana dhayal uma qaadanayaan.
Xusuusta sanadkii 2009 aan ku soo kobo dhacdooyinkii
bisha September iyo daala a-dhicii Golayaasha. Ku
xusuuso sanad badbaado, sanad dhibaato, sanad sharci
je bin, sanad samir badan, sanad dadweyne u gurmaday
badbaadinta qaranka, sanad hogaanka dalku khatar badan
dalka galiyey, sanad Golahii Wakiilada la qufulay, fur
itaankiisa dhiig ku daatay OO LOO SHAHIIDAY, sanad
diiwaangelin iyo Komishan UD UBaysani gilgishay
nabadii dalka. Ku xusuus sanadkan kumananka dhalinyaro
ee ta hriibta ay ku kaliftay shaqo la'aan iyo
mustaqbal xumo, ha iloobin boqolaalka ku dh intay
doonyahay la degey iyo kumananka ku dayacsan xabsiyada
dunida. Si gaar ah u xusuuso dhalinta ka baqooshay Awdal
iyo Togdheer oo si gaar ah badda ugu dhintay.
Waxuu ahaa Sanad Madaxweyne Riyaale lagu dirqiyey inuu
candhuuftiisa dib u li qo. Waan eryey Interpeace,
waxa xigtay waan soo celiyey, diiwaan la,aan ayaa
doorasho dhacaysaa, waxa xigtay diiwaan ayaa lagu
galayaa, Komishanka la bede limaayo, waxa xigtay
dhammaan hayna dhaafeen, cidna loo joojinmaayo, waxa
xig tay wada-tashi iyo waxii leysla garto ayaa iga
go'aan ah. Waa la tolay oo yolosh ay.
Khadka cas ee leysla gaadhay aan idinku dhaafo. GUJI
LINKAN OO DAAWO BAAQY ADA MADAXTOOYADA IYO
MUCAARIDKA.
http://www.radiohormuud.dk/news.php?id=2923&page=2
Tilmaanta wadciga dalka yaal waxaa si wacan oo waafi ah
uga hadlay xildhibaano iyo siyaasiin Kulmiye oo dhowaan
shir weyn ku qabtay nagaalada Bristol 27/12/2009.
Waxay taabteen garsoor janjeedha, booliis xisbiyeysan,
dhaqaale aan jaan'gooyo lahayn, miisaaniyad ayna ku
jirin nus in ka badan dakhliga dalku, waxay tilmaameen
tacliin aan qorshe lahayn, hanti la murdiyey,
musuqmaasuq laguy faano,iyo laaluu sha la xalaashaday.
Waxaan idinku dhaafi doonaa maqal qudbadihii labada
xildhiba an ee Saed Celmi Rooble iyo Nacnac.
Waa laba xildhibaan oo si dhab ah u yaqaan in waajibka
Golahu yahay la-xisaabtan ka Xukuumadda Waana mid
dhammaan saran xildhibaanada muxaafid iyo mucaari
d ba.Waa hawsha ugu muhiimsan ee loo doortay.
Halkan guji oo dhegeyso warbixinta dalkaaga iyo
xil-gudashada xildhibanada:
Kolkaad dhegeysato barbar dhig hadalka Madaxweyne
Riyaale sanadka ku sagoo tiyey ee VOA 31/12/09
kana baxay 1da duhurnimo. Xusuus ereyada Madaxweyn
aha ee masaxay wanaagii uu ku bilaabay: Madx. Riyaale
waxuu yidhi:" Mucaaridku waa kas gaab,....Duqayda
Guurtida ee faragelintiisa ka hadashay waa
afmiinshaa ro.... Isagoo tahriibta ka hadlaaya waxuu
yidhi dalkeena wax looga dhoofaa ma jir aan..kuwa
ubadkooda lacagta doonyaha u dirayaa yeyna ooyin kolka
ay badda ku dhintaan..." Waa ereyo xusuus qorka galay.
Waxaan is-idhi Madaxweynahu muu waayey ciddii uu
hadaladan u soo dhiiban jiray...jawaab ka bixinmaayo oo
Madax weyne waxuu gashan yahay sharaftii qaranka ee aan
ugu duceeyo in hadalkan oo kale ay tan ugu dambeyso, iyo
hadduu ka marmi waayo inuu helo cid kale oo u tidhaahda!.
Halkan guji oo dhegeyso warbixinta dalkaaga iyo
xil-gudashada xildhibanada:
XIL SAED IYO NACNAC.amr
2814K Download
Sanadka bilaabmay oon anigu qabo inuu yahay kan islaamka
ee inoo bilaabmay 17 Disambar, waa sanad masiirka
ummadda Soomaliland kafad saarantay. Alle ha ka dhigo
sanad kheyr, nabad iyo horumar u leh dhammaan Islaamka.
Meesha colaadi ka jirto Allow nabad ku soo dabaal,
halkay abaari ka taagantay roob iyo nimcada ada
ugu deeq, halkay xukun xumo ka jirto Allow mid hagaagsan
ugu bedel, Allow talada nooga qaad, hana noogu dhiibin
daalin iyo ma naxe annagana noo daran ad na caasi
kugu ah. Alow xaqa guusha sii, kan dulman gargaar,
daalinka naga qabo.
Raadkii sanadka dhammaaday iyo saadaasha kan soosocda
waxaan ku sagootiyi warsaxafadeedka dhammayska tiran ee
xisbiga Kulmiye ka soo saaray GUJI linkan oo ka baaran
deg.
http://samotalis.blogspot.com/2009/12/warsaxaafadeedkii-xisbiga-kulmiye-ee.html
Noqo nin ka fogaada markhaati been ah, ka durug
sifooyinka munaafiqnimada, gar eexo ka ducayso. Dirir
iyo dagaal ku bedel qalin iyo codeen. KU CIIL BAX
CODKAA GA, ku toosi maamulka qaloocan, kula dagaalan
xumaanta iyo musuqa la xalaasha day. Ogow xiligaad
codka bixinayso inaad tahay xaakim u gar qaadaaya
tartamay aasha, ku food xaq, ka dheerow gar eexo, ha
gargaarin dulmi iyo xumaan. Waa ma siirkii
ubadkaaga ee ha noqon kan lagu laaluusho maalkiisa. Ogow
hantida qaran adi iyo bulshadaa leh. Xukuumaddu waa
shaqaale aad u dhiibatay. Maalinta xisaab celintu waa
xiliga foodka ku abaalmari siday hantidaada guugu
maamuleen, oo ha noqon kan CODKIISU CADOW KU NOQDO.
Doon Soomaliland oo hiigsata qayrkeed, u hiili aqoonta,
ka guur qabiil iyo gobaley so u guur qaran iyo
midnimo. Gacmaha is qabsada oo garabka ku riix inta
kursigu kibriyey, tus inaad tahay kii shaqada qoray.
Heeryaday la yimaadeen iyo hugooda dusha u saar fartana
ugu fiiq irridday ka baxayaan. Waa xisaabi xil ma leh,
nin wal iba waxa uu istaahilo mari. Awoodda adigaa
Alle kuu dhiibay ee masiirkaaga ka fii rso, qoomamo iyo
ciil ka kor.
Alle hayna waafajiyo talada habboon.
Ahmed
Arwo |
|