Codkaaga ku Ciil Bax
(21)-Xuska Maalmaha Musuqa iyo Xuquuqda Aadmiga

9
KA BISHA Disembar waxa la xusaa maalin loogu magac daray maalinta
la-dagaalanka m usuqmaasuqa, sidoo kale ayaa 10ka Disembar la
xusaa maalinta xuquuqda aadmiga . Lab ada maalmood waxa leysagu
xigsiiyey waa sida ay isagu xidhan yihiin. Waxa la xaqii jiyey
in meesha musuq jiro ayna ka jirin xuquuq aadmi. Waa gole dulmi iyo
tacadi yuururo, waa goob godob iyo duudsi jiifo, waa baro dhac iyo
tuugo la xalaashaday. Waa dal xum aantu taliso, wanaagu
yaryahay inta fartaan lagu tilmaamo qaar duni kale ku nool. Waxa
xilka lagu helaa dariiq xaraan ah iyo cadaaladda oo la baayaco.
Xadhigu waa hoyga miski inka, daalinka xil haya iyo kan maal
xaraan ah uruursaday sharcigu ma qabto, ceebta waa lagu faanaa,
caydana waa loo qoslaa. Ma-xishoode waa fariid, ma-dherge waa geesi,
tuu gu waa taliye. Intaas oo sifo xun ayaa la walaal ah musuqmaasuqa,
intubana waxay ka dhan yihiin xuquuqda aadmiga ee suuban.
Waxay diidan yihiin sinnaanta, waxay horjoogaan waxbarashada, waxay
daboolaan xaqa miskiinka, waxay afka ka xidhaan muwaadin cabanaaya.
Shaqaalahu waa ma dherge kolba cad xun loo laalaadiyo. Ma laha xaq
uu ku dacwoodo, kolka la doonaa la eryaa, la xidhaa, la caayaa, isna
waxuu noqdaa mid ka aargoosta inta ka hooseysa iyo danyarta. Waxa la
qabitimaa, in sida kalluunka midba kan uu ka weynyahay cuno.
Dulmibaa dalka dhameeya, raxmada iyo naxariis wey ka idlaata, is-aamin
iyo wadashaqyni ma jirto. Qofwaliba garab kiisuue egaa, dhayal
uma lado, ma nasto oo seefbaa dul taal.
Waxay ku soo biyo shubataa, waxqabad la'aan, iyo fikir aan qorshe
lahayn. Aragtidu ma dhaafsiisna manta. Waxba berri looma reebo.
Baabuurta, wershadaha, qalabka midna w ax lagu kabo meel looma
dhigo. Waxwaliba siday u socdaan ayey is-taagaan. Waxay noqd aan
qashin aan meel la geeyo lahayn. Bal mar xafiisyada dawladda oo arag
inta qalab xu maaday taal. Bal xusuuso wakaladda biyaha ee
dharaarwalba lacagta loo uruuriyo, iyo qalab la'aanteeda, bal dhugo
jidadka iyo nadaafaddda guud ee maagaalada aad joogto. Waxa dhuuxa
iyo lafaha gaadhay xanuunka musuqmaasuqa oon kolna bogsaneen ilaa
ma daxa laga daweeyo. Halka uu xanuunka madaxu gaadhay ma laha
daaweyn aan ahayn in-la bedelo, oo matoorka dawladda loo helo
mishiin cusub oo dhaqaajiya.
Wa xa xuquuqda aadmiga lagu qayaxay 30 xaq oo la qodabeeyey, laguna
sheegay baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadmiga. Universal
Declaration of Human Rights. Waxaynu ka dheergsanay sida xuqauuqdaas
loogu tunto dalkeena. Waxaynu aragnaa Madaxtooyada oo 8 sano maraysa
halkay ahayd inay doorasho dhacdo oo dadweynahu xaqa doorasho ee
aasaaska u ah hab-dawlad wanaaga iyo xuquuqda aadmiga ay helaan.
Waxaad arag taa ganacsi kooto ah, waxaad aragtaa hantidii
dalka oo ninba qurub goostay, waxaad ar agtaa awoodaha
sharciga ka baxsan ee xadhig leh, ee shaqo eri leh ee cay iyo
aflagaado shakhsi leh, kana soo birqameysa intii ummadani talada u
dhiibatay. Waa hoggaan baaq day iyo ummad nasiib xun.
Waxaad aragtaa boliis tamar yar oo lagu hayo baahi aan dhammaanayn.
Waxa iyaga iyo shaqaalaha dawladda loo xalaaleeyey boobka kolka la
siiyey mushahar aan quudkooda ka faynayn. Waxa loo diyaariyey
baahi joogta ah si ay u noqdaan qaar u nugul musuqa. Xukaamta
maxkamadaha ayaa la mid ah, Xeer Ilaalintaa La mid ah. Intuba waa
muwaadi n iin hadday helaan wax ka furta xaaranta lagu qasbay si
farxad leh ugu hiloobi lahaa. Waxa lagaga baxayaa waa iyagoo garta
inay duruufahan bedli karaan. Ma laha wax xaq ah oon ahayn inay
noqdaan qaar u xaraysan in yar oo talada dalka si sharciga ka baxsan
ku maamusha. Kii la doono waa eri si aan sharci ahayn, meel ay u
cowdaan ma leh.
Intaasba waxaad kaga bixi kartaa adigoo maalinta codkaagu qiimha
leeyhay noqda mid u soo jeeeda dantiisa oo ay ku jirta inuu ka
maydho xaraanta guud iyo hoosba dhammeys ay. Waa adiga iyo
ILLAAHAY kolka aad gasho qolka cod bixinta. Cabsi ka weyni ma jirta
tan ILLAAHAY. Xumaan ka xumi ma jirto qof loo dhiibay inuu kala
doorto xujmaanta iyo xaqqa oo qalinka ku xariiqay xumaanta. Waa wax
laga duceystaa. ALLOW ha naga yeelin kuwa xumaan ay arkayaan u
codeeya. Allow naga yeel kuwa wanaaga doorta, Allow naga yeel kuwa
dhibta ay u marayaan xaqqa u adkeysta, ha noo jilcin kuwa xumaha ka
ganacs ada. Allow ha na seejin toobada, naga durki laaluush iyo
duligiisa, naga dheeree damac adduuno oo xaraan ah, Allow ha naga
dhigin kuwa dheef adduun siista aakhiradooda.
Haddaba aan is weydiinee waa maxay xuquuqda aadmigu. Waa qodobo
soddon ah oo lagu dhawaaqay caalam ahaan, waana kuwan aan idiin soo
guuriyey. Bal akhri oo imisa qodob ayey dawladdeenu jabisaa, imisay
dhanka kale u rogtaaa. Bal xoriyadda fikirka iyo siyaas adda
iyo isu-soobxa u fiirso, bal is-dul tag qodobada ka hadlaaya
sinaanta waxbarsho, lahaansha hantiyeed, shaqada iyo
caafimaadka..sidee dalkeena shaqada lagu helaa? Sinaanta caddaaladdu
waa side, ma loo siman yahay. Hantida qaranka iyo warbaahinta
xisbiyadu ma u siman yihiin. Yaa masruufaa hawl-wadeenada UDUB?...Akhri
oo baro xuqu uqdaada, kuna camal fal inaad ku dhaqanto ood
hesho cid kaa wakiil ah oo kugu maamus ha, waa adigoo CODKAAGA
KU CIIL BAXA, waa adigoo ka karo hantidaada lagugu laaluus
haayo, waa adigoon mar kale noqon ka CODKIISU CADOW KU NOQDO.
Noqo soo jeede dantiisa garta inay ku jirto danta guud ee dalka.
Kolka cadaalad la helo, ayaa nabad la helaa, kolka nabad la helo
ayaa la helaa dhismo iyo horumar. Horumar aan cadaalad lahayn waa
guri aan aasaas lahayn, waxuu u dhowyahay dumis iyo baaba.
Somaliland oo xor ah, cadaalad dadkeedu u siamn yahay, dhaqaalaha
loo siman yahay, ha ntida qaranka loo siman yahay, qofna aanu
sharciga ka weyneyn,miskiinka loo naxo, qab iilna qabiil kale
ka weyneyn, gobalna gobal kale ka awood badsan si aan sharci ahayn.
Dad walaalo ah oo qaranimada u guntan, waxaad ku helaysaa adigoo
xumaanta ka durka, adi goo ninka xilka kuu haya la xisaabtama,
adigoo noqda nin aan la iibsan. U adkeyso baahida manta oo ka
badheedh inaad ku codayso qadhiidh iyo dhadhamo, wanaaga ood u
oontaa waa hubaal inuu dhali doono mustaqbal wanagsan ood ku reyso.
BAAQA CAALAMIGA EE XUQ WQDA AADANAHA
Hordhac
Iyadoo aqoonsiga sharafta uu ku dhashay iyo xuquuqda maguurtada ah
ee ay u siman-yi hiin dadweynaha adduunku uu yahay saldhigga
xorriyada, caddaaladda iyo nabadda duni da.
Iyadoo aqoonsi la'aanta iyo ku tumashada xuquuqda aadanuhu ay ka
dhasheen falal wax ashtinimo ah oo shucuurta aadanuhu ka
danqato iyo iyadoo gaaritaanka duni aadanaha ku nooli haystaan
xornimo ay ku cabbiraan fikradahooda iyo waxay aaminsan yihiin iyo
iyagoon qabin cabsi iyo baahi, laguna dhawaaqay inay tahay ujeedada
ugu weyn ee uu dadku leeyahay.
Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in xuquuqda aadanuhu ay noqdaan kuwo
sharcigu dh owro, si uusan qofku, ugu dambeynta, ugu baahan
inuu xoog kaga soo horjeesto cadaa diska.
Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in sare loo qaado horumarinta
xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Dowladaha.
Iyadoo dadyowga dunidu ay ku caddeeyeen mar kale Dastuurka Qaramada
Midoobay sida ay u aaminsan yihiin sharafta iyo qiimaha qofka
aadamiga ah iyo sinnaata xuquuqda rag ga iyo dumarka iyagoo
goostay inay hore u mariyaan bulshada heerka, noloshoodane la
wanaajiyo iyagoo ku nool xornimo ballaaran.
Iyadoo Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay dhexdooda iska
ballan qaadeen iyagoo la kaashanaya Hayadaha caalamiga ah sare u
qaadidda dhowritaanka iyo xushma ynta xuquuda aadanaha iyo
xorriyadda aasaasiga ah.
Iyaadoo helitoanka aragti midaysan ee la xiriirta xuquuqdan iyo
xorriyaadkan ay tahay arrin qiima weyn ku fadhisa si loo
fuliyo ballan qaadkan.
Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay wuxuu soo saarayaa Baaqan
oo saldhig u ah dadyowga dunida ku nool dhammaantood sidii qof
waliba ama xubin kasta oo ka mid ah bulshada, isagoo maskaxda ku
haya Baaqan, ugu dadaali lahaa sare u qaadidda dhowrita nka
xuquuqdan iyo xorriyaadkan, isagoo u mareya waxbarasho iyo barbaarin,
talaabooyin xiriir ah qaadaya xagga dibadda iyo gudahaba sidii loo
xaqiijin lahaa in si dhab ah loo aqo onsado ha ahaato
dadweynaha ku dhex nool Dawladaha xubinta ka ah Qaramada Midoo
bay ama dadyowga ku nool dhulalka xukonkooda hoos yimaado.
Qod I
Aadanaha dhammaantiis wuxuu dhashaa isagoo xor ah kana siman xagga
sharafta iyo xuquuqada Waxaa Alle (Ilaah) siiyay aqoon iyo wacyi,
waana in qof la arkaa qofka kale ula dhaqmaa si walaaltinimo ah.
Qod 2
Qof kastaa wuxuu leeyahay xuquuqda lagu tilmaamay Baaqan iyada oo
aan loo kale soocin xag qabiil, midabka, dheddig ama lab, afka,
diinta, siyaasadda ama fikrad kale, dhalasho ama meesha uu ka soo
askumay, xoolaha, dhalasho ama xaalada kale. Waxaa kale oo aan lagu
samayneyn kala soocid ku salaysan arrimaha siyaasadeed, xukun ama
xaal caalami ee uu ku suganyahay, dhulka ama dalka uu qofka u
dhashay, ha ahaado dalkaasi mid madax bannaan, mid weli dawlad kale
maamusho (wisaaya) mid aan haysan xukun hoosaad ama aan haysan
gobanima buuxda.
Qod 3
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol, xorriyo iyo nabad gelyo.
Qod 4
Ma jiro qof loo hoysan karo addoon, addoonsiga iyo ka ganacsiga
addoonta way reebanyihiin cayn kasta ay ku yimaadaan.
Qod 5
Ma jiro qof loo geysan karo silic dilyo ama ciqaab ka baxsan
aadaninimada.
Qod 6
Qof kastaa wuxuu xaq u laayahay in loo aqoonsado, meel kasta oo uu
Joogo, qofnimadiisa.
Qod 7
Dadka oo dhammi way u simanyihiin sharciga waxayna xaq u leeyihiin,
iyaga oo aan la kala soocin, in sharcigu dhowro. Dadka oo dhammi
waxay xaq u leeyihiin in si siman looga bad baadiyo wax alla
wixii kala sooc-sooc ah oo ka soo horjeeda Baaqan ama dhiirigelni
kara kala sooc-soocid.
Qod 8
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Maxkamadaha ku hawsha leh
ee dalkiisa cawin celin dhab ah marka lagu xad-gudbo xuquuqda
asaasiga ah oo uu dastuurka ama sharciga siiyay.
Qod 9
Qofna looma xiri karo, looma hayn karo, ama looma masaafurin karo si
sharci darro ah.
Qod 10
Qof Kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo sinnaan buuxda Maxkamad
Caadil ah horteed marka la gaynayo xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa
iyo marka ay dhacdo in loo haysto dacwo ciqaab ah.
Qod 11
1. Qof kasta oo lagu soo oogay dacwo ciqaab ah wuxuu xaq u leeyahay
in loo ictiqaado inuu yahay dembi laawe ilaa laga caddeeyo inuu
yahay dembiile sida uu qabo sharcigu, ayna ku dhawaaqdo Maxkamad
dadka u
furun oo eedeysanayaasha loo oggolaaday dammaanadaha lagama
maarmaanka u ah difaacooda.
2. Qofna lama saari karo ciqaab ka dhalatay fal ama fal l'aan haddii
falkaasi ama fal la'aantaasi xagga sharciga Dalka ama kan Caalamiga
ah, aanay ahayn dembi waqtiga la galay. Sidoo kale dembilaha lama
saari karo ciqaab ka adag tii u degsanayd falka dembigaas markii la
galay.
Qod 12
Qofna si sharci darro ah looma faragelin karo arrimihiisa u gaarka
ah, qoyskiisa, gurigiisa ama warqadihiisa; sidoo kale lama dhaawici
karo sharaftiisa ama sumcaddiisa. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay
inuu sharciga ka hoos galo fara gelintaas iyo dhaawicidaas.
Qod 13
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu si xornimaa ugu dhex socdo
una dego gudaha dal kasta.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka dhoofo dal kasta oo uu ku
jiro kiisa, kuna soo laabto.
Qod 14
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dal kale u raadsado kana
helo magan gelyo siyaasadeed isagoo ka baxsanayo cadaadis.
2. Xaqa kor ku xusan laguma doodi karo haddii cadaadisku yahay mid
dhab ahaan ka dhashay dembi aan siyaaso la xiriirin ama falal ka soo
horjeeda ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.
Qod 15
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay Jinsiyad.
2. Qofna si sharci darro ah loogama qaadi karo Jinsiyadiisa, loomana
diidi karo xaqa ah inuu Jinsiyadiisa beddesho.
Qod 16
1. Ragga iyo dumarka qaan gaarka ah, iyaga oo aan loo kala soocin
xagga dhalashada, qowmiyada ama diinta, waxay xaq u leeyihiin inay
guursadaan oo qoys abuuraan. Way u siman yihiin xaqa ku saabsan
guriga, muddada xiriirka guurka socdo iyo marka uu xiriirkaas
dhammaanayo.
2. Guur wuxuu dhici karaa oo keli ah marka la helo rabitaan buuxa oo
xor ah ee labada doonaysa inay is-guursadaan.
3. Qoysku waa unugga saldhigga u ah bulshada, wuxuuna xaq u leeyahay
in Dawladda iyo mujtamacu bad baadiyaan.
Qod 17
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu keli ahaan xoolo yeesho ama
cid kale xoolo kula shirkoobo.
Qofka xoolahiisa si sharci darro ah loogama qaadi karo.
Qod 18
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xorriyadda xagga fikradda,
wacyiga iyo diinta; wuxuu kale uu qofka xaq u leeyahay inuu beddelan
karo diinta iyo wax alle wuxuu aaminsanyahay. Waxa kale uu qofku xaq
u leeyahay inuu, keli ahaan ama isaga oo dad kale wehliyaan, soo
bandhigo meel fagaara ah ama meel gaar ah, diintiisa ama waxa uu
aaminsan yahay, kuna muujinayo xagga waxbarid, ku dhaqanka, caabudid
iyo cibaadaysi.
Qod 19
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xornimo xagga ra'yiga iyo
hadalka; wuxuu kale xaq u leeyahay inaan lagu fara gelin ra'yigiisa
iyo inuu raadsado, helo, dhiibo warar iyo fikrado isaga oo
isticmaalaya qalab kasta oo war baahin ah iyaga oo aan loo fiirin
ama xayirin wax soohdima ah.
Qod 20
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xornimo uu uga qayb
galo isu-tag iyo urur leh ulajeeddo nabad-gelyo.
2. Qofna laguma khasbi karo inuu ka mid noqdo urur.
Qod 21
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qayb galo maamulka
Dalkiisa si toos ah ama isagoo si xornimo ah u dooranaya cid wakiil
ka ah.
2. Dadka oo dhami way u simanyihiin inay ka qayb galaan maamulka
sare ee dalka ka jira.
3. Rabitaanka dadweynuhu waa saldhigga awoodda Dawladda;
rabitaankaas waxaa lagu muujinyaa dooroshooyin run ah oo xilliyo
joogta ah dhacaya, laga wada qayb-galaya, waxayna u dhacayaan si
qarsoodi ah ama hab kale oo wax lagu doorto oo xor ah.
Qod 22
Qof kastaa, maadaama uu xubin ka yahay bulshada, uu xaq u leeyahay
inuu helo daryeel caafimaad. Daryeelkaas oo qof waliba u fududaynaya
xuquuq dhaqaale, mujtamac iyo mid aqooneed ee lagama maarmaanka u ah
qofka sharaftiisa, xornimadiisa iyo koritaanka qofnimadiisa. Taasoo
ku imaanaysa dadaalka gudaha iyo iskaashiga caalamiga, isagoo laga
eegayo nidaamka iyo ilaha dhaqaale ee Dawlad kasta.
Qod 23
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu shaqo helo, inuu u madax
bannaanaado doorashada shaqada uu qabanayo, in sharuuduhu shaqada
ahaadaan kuwo caddaalad ku fadhiya, isagana u danaynaya iyo inaysan
shaqo la'aan ku dhicin.
2. Qof kastaa, iyadoon dadka la kala soocin, wuxuu xaq u leeyahay
inuu helo mushaar la mid ah kan uu qaato qof kale oo ay isku shaqa
qabtaan.
3. Qofka shaaqeeyaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo mushaar wax taro,
kuna filan si uu ugu noolaado isaga iyo qoyskiisuba. Loona kabo
haddii loo baahdo daryeellada kale.
4. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro urur ama ku biiro
kuwo jiray si uu u ilaaliyo danihiisa.
Qod 24
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay nasasho oo ay ku jirto waqti kooban
oo macquul ah oo laga jaro saacadaha shaqada iyo xilliyo fasax oo uu
mushaar u socdo.
Qod 25
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu gaaro heer nololeed oo
waxtar u ah caafimaadka iyo ladnaanta naftiisa iyo qoyskiisa; ha ugu
horeeyaan cuntada, dharka, hoyga, daryeel caafimaad iyo wax alle
wixii adeeg bulshadeed oo lagama maarmaan ah; wuxuu kale uu xaq u
leeyahay inuu helo daryeel markii ay ku timaada shaqo la'aan, cudur,
curyaanimo, geeri, gabow ama dhibaatooyinka kale uusan la shaqaysan
kari ka baxsan awoodiisa.
2. Hooyada umusha iyo dhalaanku waxay xaq u leeyihiin xannaano iyo
gacan siin gaar ah. Caruurta oo idil, ha ku dhashaan ama yaanay ku
dhalan meher, waxay xaq u leeyihiin xannaana isku mid ah.
Qod 26
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo wax-barasho.
Waxbarashadu waa lacag la'aan, ugu yaraan heerka dugsiyada hoose iyo
heerka aasaasiga ah. Waxbarashada dugsiyada hoose waa khasab.
Waxbarashada farsamo iyo midda xirfadeed waa inay noqdaan kuwo la
helo; tacliinta sare sidoo kale waa inay u furnaataa dadka oo dhan,
iyada oo la tix-gelinayo qof la arko mudnaantiisa.
2. Waxbarashadu waa inay ahaato mid loola jeedo in lagu kobciyo
shakhsiyadda qofka xoojinta dhowritaanka xuquuqda aadanaha iyo
xorriyaadka asaasiga ah. Wax-barashadu waa inay ahaato mid wax ka
tarta is-af-garadka isu-dulqaadka iyo saaxibtinimada ka dhexaysa
qowmiyaadka ama dadka kala jinsiga iyo diinta ah, waana inay si
adkayso hawlaha Qaramada Midoobay ee la xiriira sugidda
nabad-gelyada.
3. Waalidka ayaa iska leh xaqa koobaad oo ah inay doortaan nooca
waxbarashada la siinayo caruurtooda.
Qod 27
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu si madax bannaan uga qayb
qaato hiddaha nololeed ee bulshada, inuu ka faa'idaysto farshaxanka,
inuu ka qayb galo, horumarinta cilmiga iyo ka faa'idaysigiisa.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la daafoco danihiisa maadiga
iyo macnawiga ha ee ka dhasha waxa uu isagu curiyay xagga cilmi
suugaanta iyo farshaxanka.
Qod 28
qof kastaa wuxuu xaq u leeyaday inuu helo nidaam bulsho iyo hab
caalami ah oo xuquuqda iyo xorriyaadka lagu tilmaamay Baaqan si
buuxda loogu dhaqan gelin karo.
Qod 29
Qof kasta waxaa ka saaran bulshadiisa waajibaad; bulshadu waa meesha
qura oo ay suurtowdo in qofku shakhsiyadiisu si madax bannaan oo
buuxda ay ugu kobocdo.
2. Marka uu qofku gudanayo xuquuqdiisa iyo xorriyaadkiisa waxaa
xiraya oo qura inta sharcigu ka reebay, iyadoo ula jeedadu tahay oo
keliya aqoonsiga iyo dhowritaanka
xuquuqda iyo xorriyaadka dadka kale in la dhowro iyo sidoo kale
anshaxa, nabad-gelyada guud iyo wanaagga guud ee mujtamaca
diimaqaraadiga ah.
3. Xuquuqda iyo xorriyaadka kor ku xusan looma isticmaali karo si ka
soo horjeeda ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.
Qod 30
Baaqan kuma jiraan wax loo fasiri karo in micnahoodu yahay in Dawlad,
koox ama qof xaq u leeyahay inuu ku kaco fal ama falal loola jeedo
in lagu burburiyo xuquuqda ama xorriyaadka lagu qoray
Baaqan.(DHAMMAAD)
Baro xuquuqda aadmiga oo ku camal fgal, kula xisaabtan qof kasta oo
jooga meel uu talo-goosasho leh.
Waa CODKAAGA OOD KU CIIL BAXDO si aad u hesho xuquuqda kaa maqan.
Assalaamu Calaykum Wa Raxmatulla Dhamaantiin,
Waa inoo qormo kale iyo dhowaan Insha Allah,
|