CODKAAGA
KU CIIL BAX Q(13)....KOMISHANKU GOORMUU NOQDAY
AMIIR
Waxa ayaamahan ina taabatay dhib
soo jiitamaysay, la arkayey oo ku biyo shubatay xumaan ina damaqday
oo si gaar ah inoo tabatay. Murugo iyo naxdin qaranka oo dhan
taabatay. Horaan uga afeef dhigtay oon u arkaayey in meesha balaayo
ka socoto. Guji oo akhri: ARRIN LEYSLA OGGOLYAHAY HADDANA LEYSKU
DIIDAN YAHAY!
http://samotalis.blogspot.com/search?q=wax+leysla+
Arrinta Ceelbardaale waa masiibo
qaran, waa arrin 20ta neeye sano jiitamaysey, iyadoo la arkaayana
laga gaabiyey, laga gabaday oo innagu qaraxday. Waxaan taageersanay
culumada iyo waxgaradka manta hawshan isu xilqaamay, aan u ducayno
in Illaahay xaqqa ina waafajiyo, kana dhigo taladooda mid
taabogashay oo aynu dhammaan mahadino.
Aan tacsi u diro ehelka maytida gacan gar-daro ku dhintay, aan
xusuusino samirka iyo qiimihiisa iyo inaan afka ka dhowrno waxii
kicin iyo xamaasad dhalin kara. Aan ku hawlaano isku jiidka iyo
waxii wanaag walaalnimo, ehelnimo iyo jaarnimo u keenaaya labada
beelood. Canaan iyo dhaleeceen waxa leh xukuumadda oo si gaar ah u
dul taal Madaxweynaha. 30/07/09 Mad. Riyaale oo BBCda ka hadlaayey
waxuu qiray in go’aan laga gaadhay 1993 waxuuna yidhi...mucaaridku
iyagaa xiligaa Wasiir Gudaha ka ahaa ee maxay u fulin waayeen...
Horta dalka xiligaas waxa Madax. Ka ahaa Marxuum Cigaal AHUN waxuuna
dib ugu dhigay hawlahii nabadda ee xiligaas dalka ka taagnaa.Haddaba
waxa la yaab leh in Madx. Iloobay inuu ilaa 1997 ilaa manta uu yahay
hoggaanka dalka ugu sareeya ee madaxtooyada, intaas oo mudda ahna
arrinku dul yaalay. Waxa waliba la xiqiijiyey inuu Cigaal wax ka
qabashada u xil saaray Riyaale 1999 intaasna ay isaga u taalay.
Xiligaas dheer wax isku day
ah iyo dareen miisaanka ay leedahay marna muu muujin. Waana mid aanu
canaanteeda meel kale lagu riixi karin. Fursadii ugu habbooneed ee
ugu dambeysay waa aaskii murxuum Cabdi Xasan Buuni Alle ha u
naxariistee, oo madaxdii dalka iyo odayaashii labada beeloodba ay ka
soo qayb galeen, madaxweynahu wuu joogay, arrinkuna Guddigii
Guurtida wuu ka soo dhamaaday, waana halkii uu Madaxweynahu ku guda
gali lahaa. Iska daa isku day ee casar dheer ayey isagoon reer Awdal
oo aanu muddu dheer arag,ayuu ka baqoolay.Waa yaab iyo anfariir,
waxa gobalka ka kaxeeyey, isagoon cidna arag....jawaab weli umaan
helin. Waana fursad qaali ah oo luntay,,,waa se cidda dareen leh.
KOMISHANKU GOORMUU NOQDAY XEER-DEJIYE IYO
AMIIR AAN DABADII LA HADLIN
Tan kale ee manta u muuqata in dalkeenu ka dhacay nidaamkii
dimuquraadiga waa ereyada ka soo baxay Komishanka iyo Madaxtooyada
oo si isku mid ah uga hor yimid sharciga dalka ahna mid dambi ah oo
maxkamad lagu marin karo.
Waxay isla af ku yidhaahdeen.. dorashadu waxay ku dhacaysaa
diwaangelis la’aan oo anagaa guddoominay....goorma ayuu komishanku
noqday hay’adda sharci dejinta, halkay ka heleen awoodda ay iyaga
iyo Madaxtooyadu ay ku tirtirayaan sharciga doorashooyinka ee
Golayaasha Sharci dejintu ansixiyaan, laguna hawl geliyey komishanka.
Haddii sharci jira ay Komishan ahaan iyo Madaxtooyo ahaan keli baa’biin
karaan, maxaa loo doortay hay’adaha sharci dejinta. Waa gef iyo
mee- ka-dhaca lagula kacay dimuquraadiyada iyo dastuurka dalka, mana
aha mid si hawl yar loo yidhi... ee waxa cad in ay badheedh u qarda
jeexeen sharcigii dalka ee labadaba u dhiibay xilka ay hayaan.
Aaasaaska dimuquraadiyada ee uu ku dhisan yahay dastuurku waa in la
kala saaro xilalka Sharci dejinta oo barlamaanku leeyahay, kan
Fulinta oo ah Madaxtooyada iyo Wasiirada , iyo Garsoorka... Waxa
hadalka Madax. Riyaale yahay ku tumasho dastuur iyo kelitalisnimo ka
fog xilka loo doortay.
Haddii loo baahdo in sharci jira la bedelo, waa in loo maraa dhabaha
ku cad dastuurka, haddii kale xaalku waxuu noqonayaa dal aan mas’uuliyad
kala lahayn kuna sifooba maamulxumo iyo kelitalisnimo.
Bal ila akhri sharciga doorashada ee Barlamaanka iyo Madaxweynaha
laftiisu ansixiyaan oo ah kan loo dhiibay in Komishanka
doorashooyinku ku shaqeeyo... aan soo qaato qodabka arrinta
diiwaagelinta tilmaamaaya:
Qodobka 5aad
Shuruudaha cod‐bixiyaha
Qodobkan Faqradda 1aad waxaanu ku samaynay kaabis ah qaybta khadka
madow ah :
iyo ku darid faqrada 2aad .
1. Waa inuu yahay Muwaadin u dhashay Somaliland ama qaatay
muwaadinimada
Somaliland, si waafaqsan Xeerka Jinsiyadda Xeer. NO.22/2002
Qodobadda 3aad
iyo 4aad.
2. Waa inuu ka diiwaangashan yahay Goob‐Codbixineed, haystaana
kaadhkii
codbixinta.
Haddaad rabto inaad sharciga oo dhan akhrisato booqo oo guji halkan:
http://www.somalilandlaw.com/Somaliland_Election_Law
_Amendment_Bill__2007.pdf
Waxa isla Gudd Komishanka ka soo baxaayey eryo uu ku duraayo
Mucaaridka oo gaadhsiisan cidda u sharaxan Madaxnimada waanu joojin
karaan… waa awood maroorsi baaxad weyn oo tirtiray
dhexdhexaadnimda xilkani wato. Awodda komishanku waa mid ka mid ah
sharciga barlamaanku ansixiyey, mana banana inuu qofna sheegto awood
ka baxsan tan xilkiisa ku salaysan. Waxaan leeyahy komishanku ha
akhristo bayaanka xilkiisa ( Job specification) iyo sharciga loo
dhiibay inay ku shaqeeyaan..xilka weyn ee ay hayaan how gutaan si
cadaalad ah oo dalkooda iyo dadkooda ha u horseedaan wanaagga iyo
horumarka ka iman kara kolkay habeeyaan doorasho xor ah oo xalaal
ah.
Arrinta eriga interpeace oo hawsha doorashada gacanta ku haysay aynu
in badana gaar ahaan dawladdu ay iib geysay hab-maamul wanaagga
diiwaangelinta, waa mid aad iyo aad u baal marsan nidaam dawlad
dimuquraadi ahi ku dhaqanto. Waxay ahayd in eedda la darso, oo la
baadho si danleeyda ay ka midka yihiin Mujtamac Weynha Dunidu,
xisbiyada iyo qaranka Soomalilandba loo qanciyo. Ma aha in lagu eryo
erey hal qof ka soo baxay. Eriga hay’ad miisaankaas leh waxa loo
baahnaa in loo maro nidaam muujinaaya in dalka dimuquraadiyadi ka
jirto, oo dalku yahay mid sharcigu taliyo, ee aan loo arag mid
kelitalis iyo awood maroorsi maamulo. Dimuquraadiyada mabda’ ugu
weyni waa wada-tashi iyo is-texgelin.
Waxa is-weydiin leh wiigii hore kolka sedexda xisbi isla qaateen in
waxii serverka ka soo baxa inay ku qanacsanyihiin, maxaa keenay in
UDUB diido. Ma waxay ka filaysay ayey kla weyday...weliba kolka loo
eego tirade soo baxday inta laga saaray waa kuwa bariga sida ku cad
hoos... ma waxay ka doonayeen tirtiraad intaas ka badan.... Waxa
dhab ah in wax-qabadkooda marka la eego inayna kolna gobalna
aqlibiyad ka helayn.... .dadku caqligooda wey qabaan....ninka xilka
madaxtooyada hayey ilaa 1997 waa la bartay...aqoonta loo leeyahay
ayaa lagu diidi amba lagu dooran.
Waxa iyana la xidhiidha doorashada iyo dimuquraadiyadda dalka oo sii
laciifaysa, waa cabudhinta saxaafadda madaxa banana iyo adeysiga
warbaahinta qaranka. Waxa xadhig joogta ah lagu hayaa weriyayaal
warbxin ka soo duubay dad mas’uul ah oo qadyadi dhextaal, iyadoon
la lahayn waa been, lana qabanayn cidda hadalka dawladdu dhibsatay
tidhi... Weriye waa dhanbaal-side, xaqna looguma laha in lagu
eedeeyo nuxurka dhambaalku xambaarsan yahay. Waxa iyana la sheegay
in la xidho HTV oo ah TVii madax banana, eediisuna la mid tahay tan
weriyaasha Horyaal.
Waxa soo raacda in idaacadii qaranka loo adeegsado mid xisbi oon loo
oggolayn in xisbiyada kale erey ay leeyihiin laga maqlo. Waxa xitaa
ka mamnuuc ah in doodaha ka socda Golayaasha sharci-dejinta laga sii
daayo, ilaa Shirguddoonka oo hadalkooda laga sii dayn, ilaa mid
xukuumaddu u aragto inuu dan gaar ah u leeyahay. Waxayna ka dhigaty
Golayaashii qaar laga maqlo dhinac keliya..
Arrimahaasi waxay yihiin dhammaan dar ku lid ah hab-maamul wanaag
looga baahan yahay dal dimuquraadi ah oo hoggaanka lagu doorto
doorasho xor ah oo xalaal ah. Waaan mid waajib ku ah in muwaadin
kastaa ilaaliyo oo uu daafaco.Waa waajib qaran oo dhammaan ina saran
inaynu ilaalino dastuurka si aynu dhammaan u helno cadaalad iyo
nabad aynu ku gaadhno horumar iyo barwaaqo. Waa inaynu u guntano
inaynu qodax iyo musbaarba ka gurno dariiqa dheer ee aynu ku
hiigsanayno dal aynu ku faano degmo kasta oo aynu joogno, dal aynu u
simanay, dal sharcigu qof walba ka sareeyo, dal hoggaanku ummadda u
shaqeeyo ee aanu ka shaqeysan, dal qof waliba xilka uu hayo aanu
dar-jiidhin, kana baqan inuu isticmaalo awodda sharcigu siiyey.
Ma aha xaakimku inuu u habrado wasiir, ma aha komishanku inuu
dawladda ka cabsado, ma aha in askarigu xidho muwaadin farta loogu
fiiqay. Xaakimku ha ku dhego sharciga cabsasho la’aan, shaqaalaha
dawladdu ha noqdaan dar muwaadinka u adeega si siman oon ka
dab-qaadan xisbi iyo koox dano gaar ah leh. Lacagta lagu
shaqaaleeyey waa tan laga soo qaaday caano-diiqda, khudradleyda,
biyoolaha iyo doobiilaha, kuwaas oo xisbi walba ah, sidaas darteed
waa in hawsha loo qabtaa hagar la,aan aan xisbiyeysanayn.
Si aan ula xisaabtano inta talada inoo haysa, aan u isticmaalno
codkeena oon kaga aarsano xumaha aynu tirsanayno. Noqo ruux ku CIIL
BAXA CODKIISA....ka foojignow codkaaga ood siisato dhadhamo iyo
qadhiidh aan gaajo maalin kula dhaafayn, iska jir CODKAAGA OO CADOW
KUGU NOQODA... intaba waxa ka horeeya inaynu isu-taagno hagaajinta
qaladka iyo qalalaasaha hadheeyey doorashada. U gurmo badbaadada
dalkaaga xisbigaad doonto ahow..UDUB, UCID amba KULMIYE.... Waxa
aynu wadaagnaa ka badan waxa inoo dhexeeya..Waxa tartaku yahay
hoggaan-qabasho, waxa se ka horeysa in wadajir loo ilaaliya
shuruucada dalka si aynu ku helno deganaansho iyo nabad inoo
saamaxda tartan caafimaad qaba iyo dal muwaadinku ka taliyo, kolbana
dhinaca loo bato talada loo dhiibo.
Dawladda dimuquraadiga ahi waa tan isu diyaarisa inay noqoto berri
ka maalin mucaarid, kolkaas dhowrta xuquuqda muwaadinka mucaaridka
ah, een shaqo ugu diidin xisbigiisa, amba aan cabudhin ra’yigiisa.
Waa astaanta lagu garto in hoggaanka dalka ka jiraa yahay
dimuquraadi. Hadduu se mucaaridka u yaqaan cadow, waa astaanta
kelitalis aan biyo is-marin.
Aan wadajirno oon isku raacno difaaca sharciga iyo dastuurka. Dalka
xisbi ma leh, beeli ma leh, degmo ma leh, waa mid muwaadinku wada
leeyahay, cidna marti looguma aha, cidna lagama riixi karo, haddii
la rabo dal aynu ku faano, horumar iyo horukac inaga iyo ubadkeena u
leh, nabad lagu seexdo, laguna ilaaliyo cadaalad iyo xaqqa oon
dhammaan af iyo adinba ku difaacno.
Labo sano ka hor ayaa qalalaase sharci oo dalka ka taagnaa abwaan
Hadraawi hadal ka yidhi isagoo Guddi loo xilsaaray Guddoomiye ka
ahaa GUJI LINKA HOOSE sidaad u akhrido:
LABA SANO KA HOR MAXUU HADRAAWI KA YIDHI MADAXTOOYADA
SOOMALILAND...WAANA ARRIN WALI TAAGAN
http://samotalis.blogspot.com/2009/07/laba-sano-ka-hor-maxuu-hadraawi-ka.html
Waa dharaartii wadanigu hawl geli jiray, waa ayaantii dhuuniraac
qarsoodiga ka bixi jiray, waa maalintii runta iyo beentu kala
baxayeen, waa ayaanta aan cidna lagu halayn badbaadada qaranka.
Xaqqa aan u kacno, gacmaha aan is- qabsano. Muwaadinka doonaaya inuu
helo dal xor ah, dimuquraadi ah, sharcigu ka sareeyo xaakim iyo la
xukimaba, ha ahaado xubin ku jirta UDUB, UCID AMBA KULMIYE waa ku
waajib inuu dalka u gurmado. Waxa dhawaaqaya dalkii hooyo ee yaa u
ciidmaaya... yaa ilmada ka biinaaya, yaa xaqqooda u soo celinaaya
ubadka iyo hooyada xoolahooda dalxiiska iyo tamash-leynta laguu
dhoofo daafaha dunida...yaa u miciin ah inta dulmiga ku xidhan, inta
shaqada ku weyday xaqqa ay raaceen, inta afka laga xidhay, inta
diradiraalahu isku diray, inta cashuurtooda lagu laaluusho, inta
jahligooda looga faa’ideysto, inta durbaanka beenta ah ee beesha
loo garaacay.... aad CODKAAGA KU CIIL BAXDIDE u toos xaqqaaga oo
isu-taag inaad u hiiliso raga iyo dumarka u kacay inay dalka ka
badbaadiyaan keli-talis u horseeda burbur iyo holac
colaadeed....diid cidda doonaysa inay xaq-darro kugu xukunto. Haa
waa kartaa ee naftaada ka xoree cabsida kaa hortaagan inaad xaqqa u
hiiliso....adoon diririn, adoon dhagax-tuurin qalin, weedh,iyo
banana-bax iyo urur ayaad intaasba ku samayn kartaa. Waxaad heli
gargaarka Alle kolkaad isu-taagto cadaaladda...waa gargaar ifka ah
iyo abaal-marin aakiro..
MUWAADIN WAA ADIGA CIDDA
DALKA BADBAADIN KARTAA..
Mahad oo dhan Allah Leh,
Ahmed Arwo
Samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
http://en-gb.facebook.com/pages/SAMOTALIS/102872107333
http://samotalis.blogspot.com/
|