WAR-SAXAAFADEED

 

 


Waxaa Xisbiga UDUB Xubinimadii ka qaaday Cismaan Cabdilahi Cigaal oo ku kacay talaabooyin ka dhan ah Xisbiga UDUB, muddooyinkan dambena si is daba joog ah ugu kacayay falal xad gu dub ku ah Xeerka iyo Nidaamka Xisbigaba.

Haddaba Xil ka qaadistiisan ayaa ka dambaysay Qaraar ay guddi loo fadhiisiyey oo ah Guddiga Sharciga iyo Anshaxa ee Xisbiga UDUB ka soo saareen, kaas oo aanan hore u jeclaysan inaan saxaafadda u soo bandhigo, Qaraarkaas ayaan isla maanta 25 Sept, 2012 ku Go´aamiyey Xubin ka qaadis Waafaqsan Xeerka Guud ee Xisbiga UDUB, sida aan ku xusay warqadda Xubin ka qaadista.


Waxa ayaguna la yaab leh in Xild. C/Kariim Aw Cali Shabeel iyo rag la mid ah oo wakhtigii Xis biga UDUB xukunka gacanta ku hayey ku biiray Xisbiga Kulmiye, ilaa haddana ka tirsan inuu TV-yada af-xumo la soo fadhiisto, si qaawan ayaanu ugu jawaabi doonaa isaga iyo cidda soo adeegsanaysaba haddii uu ka waantoobi waayo wax ka sheega arrimaha Xisbiga UDUB.



Somalidu Waxay ku maahmaahdaa ´Baqashu ma dhasho wax dhalana ma jecla´ waxaan u soo qaatay raga uu ka mid yahay Cismaan Hindi oo aan marnaba rabin in xisbigan inay xisbigan wax ka noqdaan cid kalena ka noqoto, in badana hagardaamooyin in muran kula dhexjiray, waxa la wada xasuusanyahay inuu wakhtigii shirka Golaha Dhexe aanu iclaaminay uu media-ha ku baahiyay inuu u taagan yahay Musharax Madaxweyne, haddana maalintii shirka lagu qabanayey Ambassador aan ka soo xaadirin, waliba shir jaraa´id ka barbar qabtay. Miyaanu Cismaan ku Sifaysnayn Baqashaa aan sheegay.



Waxa kale oo aan halkan ku cambaaraynayaa Shir-Guddoonka Guurtida oo aan la garan karin Xilka uu ku qaabilay Ninkaas iyo raga Kulmiye ee uu watay.



Waxaan mar labaad halkan ku celinayaa Cid kasta oo Xubintaa Xisbigu Kala noqday Xubinimadii ku qaabisha Xubin UDUB ah inay noqonayaan cid dambi ka gashay Shuruucda iyo Bahweynta Xisbiga UDUB.
 


Cabdi Xaliim Maxamed Muuse

K/S Guddoomiyaha Xisbiga UDUB