Ciidanka Ilaaladda Badhasaabka Gobolka Gabiley oo Si Arxan Darro ah u Garaacay Wariyeha TV-GA Qaranka ee Gabiley

 


Ciidanka Ilaaladda Badhasaabka Gobolka Gabiley oo Si Arxan Darro ah u Garaacay Wariyeha TV-ga Qaranka ee Gabiley.



Gabiley (TNN)-Ciidanka Illaaladda Xarunta Gobolka Gabiley iyo Ilaaliyaha Gaarka ah ee Badhasaabka G obolka Rashiid Cumar sheikh. Ayaa manta gacanta saaray Wariyeha TV-ga Qaranka ee Gobolka  Gabil ey,  Nimcaan Dheeg ibraahin isla markaana Ah Gudoomiyaha ururka Saxaafadda Gobolka Gabiley.


Wariyaha oo ku guda jira hawlmaalmeedkiisii caadiga ah ee uu ugu adeegayay dadwaynaha, ayaa  is aga oo la socda (Wariya) wafti uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha  Somalila nd oo kormeer ku soo maray Tuulooyin ku hareeraysan Magaaladda Gabiley, iyada oo wariyuhuna ku wehelinayay safarkoodaa kormeerka ah, ayaa xarunta dhexe ee Gobolka looga taliyo u yimaadeen si badhasaabka gobolku ugu mahad celiyo xubnaha waftiga isla markaana Wariyuhuna heegan u  ahaa do inuu Duubto soo gudbiyo mahadnaqaasi.


Balse Ciidanka illaaladda ahi u diideen inuu galo gudaha xafiiska iyaga oo jawaab uga dhigay inay si  A rxan Darro ah u Garaacaan Wariyaha, kanaga baaqday hawshiisii uu gacanta ku hayay.


Wariye Nimcaan Dheeg oo aanu wax ka waydiinay arinta ayaa sheegay in aanu garanayn sababta  C iidankan illaaladdu u diidaan gudashada shaqadiisa waliba ugu dareen garaacid, isaga oo xusay in uu sitay Aqoonsigiisii Saxaafada ,oo aan awal horeba laga hor joogsan jirin goobaha maamulka ee  Gobol ka, maadaama uu yahay Wariyaha TV-ga Qaranka ee Dawladda, hase yeeshee aanu garanayn waxa is badalay ee illaaladu sidan u samaynayaan.


Waxa kale oo uu sheegay Wariyuhu inuu u gudbiyay Dacwadiisa Taliyaha Boliska Gobolka isaga xusay inuu sugayo natiijada ka soo baxda Baadhitaanka Booliisku sameeyaan.


Badhasaabka Gabiley ayaan illaa hadda ka hadal jidh dilka lagula kacay Suxufiga ka hawl gala warbaa hinta Dawladda ,taasi noqon karta hadii uu ka hadli waayo arintaasi ay ku kaceen illaaladiisu ,inuu raa li kala yahay in La cabudhiyo lana wax yeeleeyo Saxaafadda Xorta ah.


Waa markii ugu horaysay ee Arin noocan oo kale ah lagula koco suxufiyiinta Gobolka tan iyo intii Daw lada cusub la wareegtay xukunka, hase ahaatee Arintan ayaa hordhac u noqon karta ficiladda Xukuu madda cusub ku soo kordhisay Gobolka Gabiley.


 


 

 


Timacade News Desk

Gabiley Somaliland