Ciidamadda Liyuu Booliiska ee Kililka Shanaad ee Itoobiya oo qa faa sh ay laba Askari oo ka tirsan Sirdoonka Somaliland iyo dad shicib ah


 

Wajaale (TNN) Ciidamadda loo yaqaano Liyuu Booliiska ee Kililka Shanaad ee Dalka Itoob iya ayaa maanta dhibaato weyn ka abuuray isku socodkii labada Dale e Somaliland iyo Itoobi ya ee Wajaale kadib markii ay Af-duubteen laba Askari oo ka tirsan Sirdoonka Somaliland iyo dad shicib ah oo isugu jira Ganacsato iyo qaar ka mid ah Madaxda Ururada Bulshada

Mid ka mid ah Saraakiisha Socdaalka ee Somaliland ayaa caawa u sheegay Waaheen in ay ma nta Ciidamadda Liyuu Booliiska Kililka shanaad ka sameeyeen Xuduuda labada Dal Qas iyo Jah awareer dadkii socotada ahaa ee u talaabay dhinaca Itoobiya ee Somalilanderka ahaa, inta la ogyahayna waxa uu sheegay inay qabsadeen laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Som aliland kuwaasoo midi yahay Dirawalka Taliyaha Ciidamada Sirdoonka halka Askariga kalena uu ka ahaa ilaalada Taliyaha

Sidoo kale waxa uu sheegay Sarkaalkaasi inay kaxaysteen dad Ganacsato ah iyo Agaasimaha Dalada Ururada Dhalinyarada Somaliland Siciid Surwaale, kuwaasoo ay markii danbe soo daay een qaar ka mid ah halka ay kuwii kalena wali ka haystaan.

Dhacdadan ay manta ku kaceen Ciidamadda Kililka Shanaad ayaa la sheegay inay kaga jawaab ayeen Askar ka tirsan Ciidamadda Sirdoonka Itoobiya oo dhawaan lagu xidhay dhinaca Somalil and kadib markii lagu war helay iyagoo kaxaysanay nin Somalilander ah oo Ganacsade ah, kuw aasoo lagu xidhay Saldhiga Dhexe ee Wajaale.

Ilaa hada ma jiro wax War ah oo ay labada Dal ka soo saareen talaabadan ay Ciidamadoodu k a sameeyeen labada Dhinac ee magaaladda Wajaale oo ah marinka ugu weyn ee ay dadka soc otada ahi iskaga gudbaan labada Dal

Dadweynaha Reer Somaliland ayaa cabasho badan ka muujiyay ficilada ay Ciidamadda Liyuu Booliiska ee Kililka shanaad ka wadaan xuduuda Somaliland oo ay dhawr jeer ku soo xad-gud been Gudaha Somaliland oo ay ka kaxaysteen dad ay ku eedaynayaan inay yihiin Mucaarad ka soo horjeeda Dalkooda hase yeeshee Xukuumadda Somaliland dheg jalaq umay siin.

Sidaas oo ay tahay ayuu wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed C/laahi soo saaray dhawaan wa r beeninaya warar dhawr ah oo aya saxaafadda Somaliland ka qortay falalkaasi, hase yeesh ee waxa uu ku sheegay inay ahaayeen Hawlgalo ay ka soo codsadeen Ciidamadda Booliiska It oobiya oo ay ku qab qabanyeen dad danbiyo ka soo galay Dalkooda.

Laakiin dhacdadan ayaa u muuqata mid soo shaac saartay dhibaatadii ay dadka reer Somalila nd iyo Saxaafaduba ka qayl-yayeen ilaa hadana ma muuqato talaabo ay Xukuumadda Somalila nd ka qaadatay arrintan oo u muuqata mid lagu kala fogaynayo Somaliland iyo Itoobiya
 

Source:Waaheen