War Deg-Deg ah:- Ciidamada Amaanka oo Albaabada uxid ha y Xarunta Golaha Wakiilada Ka dib Markii Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Udub la Baxay Bastoolad:-
 



Hargeisa (Longlivesomaliland News)- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada  Somalil a nd ayaa qalalaase ka dhacay ka dib markii ay xildhibaanada Golaha ee  Muxaafid ka ahi ay qas iyo buuq iyo gacan ka hadal ay ka dhex sameeyeen Golaha waqti ay mudanayaashu isku diyaarinayeen in ay gudo galaan Mooshinkii Maamuus ka  xay uubinta Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.


Rabshadan ay sameeyeen mudanayaasha Muxaafidka ah ayaa timid markii la  tali yaha Sharciga ee Golaha oo lagu magacaabo Axmed Cali Kaahin uu  Mudanaya asha ka hor akhriyay warbixin ku saabsan sida uu sharcigu waqtigan u ogol yahay Mooshinka ku saabsan Maamuus ka xayuubinta Madaxwaynaha. Waxaanu la taliyaha sharcigu sheegay in Sharcigu uu ogol yahay in Maamuus ka xayuubin Madaxwaynaha lagu sameeyo.


Dhinaca kale, waxa uu la taliyuhu uu sheegay in aanu sharcigu ogolayn mooshinkii ay xildhibaanada Muxaafidka ahi ay wateen ee ahaa in wax ka bedel lagu  samee yo xeer hoosaadka Golaha si loo bedeli karo Shir-guddoonka.

C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa intaa ka dib xog haynta Golaha ku amray in ay Mudanayaasha u qaybiyaan Mooshinka. Hasa ahaatee, waxa mar kaliya cod aad u qaylo dheer isku daray mudanayaasha Muxaafidka ah iyaga oo ku  dhawaa qayay ereyo ay ku diidan yihiin in mooshinka la qaybiyo.

Xildhibaan C/raxmaan Xoog ayaa isagu qabsaday Mikirifoonka ay mudanayaashu goluhu ku doodaan oo ku rakiban meel dhinac ka yara ah halka ay mudanayaashu fadhiyaan isla markaana ka yara saraysa. Waxaanu xildhibaanku halkaasi kaga dhawaaqay ereyo cod dheer uu ku lahaa in aanay marnaba ogolaanaynin  mooshi nka in loo qaybiyo Mudanayaasha. Waxaanay isku qayliyeen Xildhibaan Bashiir Tukaale oo isagu ka codsanayay in uu golaha ka soo fadhiisto, hasa ahaatee, C/raxmaan ma ogolaan in uu soo fadhiisto iyo in uu Aamuso labadaba. Taasina waxay sababtay dagaal dhex mara Xildhibaan Tukaale iyo C/raxmaan Xoog. Xildhibaan Bashiir ayaana dhawr feedh ku dhuftay Xildhibaan C/raxmaan Xoog. Intaa ka dibna Xildhibaan C/raxmaan Xoog ayaa Baastoolad la soo baxay ka dibna waxa golihii ka aloosmay Buuq sidaasi ayaanu shir-guddoonku ku soo xidhay Fadhiga. Xoogna waxa baaskooladii ka qaaday ciidankii ilaalinayay ciidankii ilaalada Golaha. Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland. Intaa ka dibna ciidamada ayaa la wareegay guud ahaanba gacan ku haynta golaha wakiilada. Waxa la xidhay wariyayaal tiro badan, qaar kalena waxa laga jajabiyay qalabkii ay siteen.

Ilo xogo gaal ahi waxa ay noo sheegeen in mid ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Guddoomiye C/raxmaan Cirro ay ciidamadu xidheen.

Xaruntii golaha wakiilada waxa quful ku soo xidhay Ciidamada Booliiska Somaliland waxaaana xaruntu ay maanta noqotay xero ciidan

Wixii war ah ee ka soo kordha kala soco Shabakada wararka ee Gabiley News.
 

 


Mustafe Future

Longlivesomaliland News reporter
mccfuture@hotmail.com
Hargeysa Somaliland