Haweeneyda Madiga Ku Ah Murashaxiinta Golaha Deegaanka Gabiley uga
Sharaxan Xisbiga Kulmiye oo Wacdaro Ka Muujisey Dhoolatuskii
Maanta+Sawirro
Gabiley (TNN)-Haweeneyda Kalida ku ah Kow Iyo labaatanka Murashax ee
Golaha Deegaanka Deg mada Gabiley uga sharaxan Xisbiga Muxaafidka ah
ee Kulmiye Marwo Aqoonyahan Cibaado Maax Cilmi ayaa manta wacdaro
iyo xamaasad gaar ah kusoo bandhigtey dhoolatuskii Ololaha Xisbiga
Kulmiye ee lagu qabtey fagaaraha Kheyriyada Gabiley iyo waliba
Xafiisyo ay Ku leedahay Kalabe ydh oo lagu soo dhaweeyay ciyaaraha
hidaha dhaqanka iyo taageero loogu muujinayay kalsooni da ay ku
qabaan taageerayaasheeda, Deegaanada ku hareereysan Kalabeydhka.
Taageerayaal tira badan oo kor u dhaafey boqolaal kamid ah
taageeraayaasha Murashax Marwo Cibaado Maax Cilmi oo sigaar ah u
muujinayay dhoolatuska ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan ayaa,
isugu soo baxey dariiqyada Gudaha Magaalada Gabiley kuwaas oo
qaarkood ku lab isnaayeen garamaan ay ku xardhan yihiin Sawirka
Murashax Cibaado Cilmi iyo boodhadh dhaadhe er oo uu kuyaalo Sawirka
Murashax Cibaado Maax Cilmi, waxaanay taageerayaashan oo haween ku
qaadayeen ciyaaraha Hidaha Dhaqanka markii dambe ku xasileen
fagaaraha Kheyriyada Maga alada Gabiley.
Marwo Cibaado Maax Cilmi oo Munaasibadii dhoolatuska Ololaha
Doorashada Deegaanka ee Xisbi ga Kulmiye nasiib u heshay in ay ugu
hor hadasho madasha Fagaaraha Kheyriyada ayaa, sheegt ey in ay ku
kaliftey ka qeybgalka tartanka Doorshada Deegaanka kadib markii ay
aragtey dhibaa tooyinka kajira deegaankan Gobolka Gabiley, iyo
Waxqabadka Arimaha Bulshada oo ay markii horeba u tafa xeydneyd
islamarkaana ay ku gargaari jirtey danyarta iyo dadka ku
dhibaateysan Deegaanadan waxaanay balanqaadey Marwo Cibaado Maax
Cilmi in ay maanka ku hayso waxyaa bo badan oo ay ka qaban doonto
Gobolka Gabiley iyo Golaha Deegaankan marka ay ku guuleysta an
tartanka Doorashada Deegaankan iyadoo Muujisey in ay rajo fiican oo
Boqolkiiba boqol ah ka qabto Guusha Doorashadani.
Taageerayaasha Murashax Marwo Cibaado Maax Cilmi oo wacdaro iyo
dhoolatus fiican kusoo ban dhigey Fagaarihii Kheyriyada Gabiley ee ay
maanta taageerayaasha Murashaxiinta Xisbiga Kulmi ye Ku
damaashaadayeen oo ay la qabeen Murashaxiin tira badan oo iyaguna
dhoolatus fiican kusoo bandhigayay halkaasi ayaa mar kaliya isla
oogsadey kadib markii ay Madashaasi Marwo Cibaado si kooban ugu guud
martey Waxyaabaha uga qorsheysan Barnaamijkeeda Waxqabadka Arimaha
Bulshada kadib marka ay guuleystaan, waxaanay soo jidatey sawaxanka
taageerayaashu kumanaankii taageere eek u sugnaa madshaasi.
Sidoo kale masuuliyiintii Munaasibadaasi dhoolatuska Murashaxiinta
Xisbiga Kulmiye ee Ololaha kasoo qeyb galey oo uu Hogaaminayay
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Soma liland Mudane
Abiib Diiriye Nuur ayaa, dhamaantood amaan iyo bogaadin ujeediyay
Marwo Cibaa do Maax Cilmi iyagoo sigaar ah u xusey Doorkeeda Arimaha
Bulshada ee ay inta badan ka qaada to Gobolka Gabiley iyadoo inta
badan qurba jooga UK ku dhiiri galisa in ay wax u qabtaan dadko oda.
Cibaado Maax Cilmi ayaa dhawaan baaq ujeedisay Qurba jooga kasoo
Gobolka Gabiley si ay u ca awiyaan Qoys danyar ah oo masiibo xanuun
Culus ah oo Curyaamiyay jidhkoodu ku dhacey, iyad oo Dhinaca kalena
hore uga soo shaqeysay Samafalkii ay geysan jireen Ururka Haweenka
Allkhey riya oo Caawimooyin soo gaadhsiiyay dadkii kasoo barakacey
Colaadii Seemaal iyo Abaarihii Waq ooyiga Gobolka Gabiley Saameynta
kuyeeshay.
Gabagabadii Haweeneyda kalida ku ah Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye
uga Sharaxan Gobolka Gabil ey ayaa taageero ka haysata qeybaha
Bulshada ugu Muhiimsan oo ay kamid yihiin dhalinyarada iyo Haweenku.
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland
|