Cali Mohamed Yusuf (Ina Luduf) Cali Gurey ayaa ku sheegay madaxweyne Siilaanyo qof aan go'a an qaadasho lahayn ! Waxaan Cali u wayddiin lahaa bal hadda in noo sheego waxa uu yaqaan go'aan qadashada. Mala Cali go'aan qaadashada wuxuu u haystaa walli hadal iyo iyo walli bood boodka uu ku dhaqmo . Cali wuxuu yahay shakhsi hadalka afkiisa ka soo baxaaba yahay mid aan miisaann ku fadhiyin oo ama fudayd ka keeno ama nacayb ka keeno. Cali Gurey, intuu siyaasaddii ku haftay oo maalinba xisbi u cararo ayuu hadalkuu shalay yidhi maantana burinayaa! Cali sida la wada ogyahay wuxuu siyaasadda axsaabta ka soo bilaabay xisbiga Kulmiye halkaas oo salfudayd iyo deg deggaa imikaba haya uu ku cararay xisbii UDUB isaga oo is lahaa UDUB waligeed dhici may so. Cali Gurey markii uu u cararay dhankaa iyo
UDUB wuxuu muddo gaaban oon dheerayn noqday ku wii iridaha u laabay
xisbi Qaran oo wayn. Cali Gurey, hadana carar oo wuxuu ku biirey
xisbiga UCI D oo isna imika uu bilaabay dumintiisii, isaga oo ku
andacooda in UCID ubahaantahy is badal hoga amineed. Cali Gureyow ,
adigaa u baahan is furdaamin iyo is badal labadaba. Waxaan go'aan
qaa dasho lahayn, qof aan sal uu ku dego lahayn oo meel uu u socdo
iyo meel uu ka socdo midnaba aan garanayn . Waxaan Caliyow go'aan
qaadasho lahayn qofka fudud ee aan afkiisa u meel dayi n. Waxaan
go'aan qaadasho lahayn qofkaan wax loogu soo hagaago la garanayn
inuu yahay muj aahid , siyaasi ama fidnoole Cali Gurey wuxuu ka faa'idaystaa mashaakilka dhaca oo uu ku istareexo halka uu wax ka hagaaji n lahaa ama dalka uga tudhi lahaa. Siyaasi iyo Mujaahidba waa kii mucaaradad miyir qabta wax ku toosiya dalka iyo dalkana ka daaya dabka iyo fidnada uu kula dhex wareegayo. Siyaasi iyo muj aahid waa kii afkiisa ka dhawra hadalka qadafka xambaarsan ee bulshada fidnada ku abuura.
|