‘Cadawga Itoobiya Waa Cadawga Somaliland, Waxaananu ku Qabanaynaa Gacan Bir ah’Taliyaha Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal)
 


Hargeysa (TNN)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre (Kabaal), ayaa  caddee yey in cadawga dawladda Itoobiya yahay cadawga Somaliland, isla markaana xukuumad ahaan cadawgaas gacan bir ah ku qaban doonaan.

Taliye Cilmi-kabaal oo daba socday war sheegayey in ciidammada Itoobiya ay gudaha  magaala da Wajaale dad ka qabqabteen oo Jamhuuriya daabacay cadadkiisii 4278 ee soo baxay maalintii Jimcaha, ayaa qoraal jawaab-celin oo uu shalay soo gaadhsiiyey xarunta guud ee wargeyska Jamhuuriya, waxa uu taliyuhu ku sheegay in aannu warkaasi sida loo dhigay, sidoo kalena  aan ay jirin wax dad ah oo ciidanka Itoobiya ka qabteen gudaha Somaliland.

Qoraalka taliyaha ciidanka booliska Somaliland soo saaray oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan:

“Tixraac war ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya, caddadkiisii 4278 ee 03/09/2010, kaasoo sheegay in ciidammada Itoobiya gudaha Somaliland, siiba degmada Wajaale dad ka qabqabteen.

Haddaba, sida uu Taliyaha Qaybta Booliska ee Gabiley caddeeyey ma jiraan wax dad ah oo  ciid ammada Itoobiya ka qabteen gudaha Somaliland, warkaasina sida loo dhigay maaha, waanuna xaqiijinay, xidhiidhka labada dawladoodna wuxuu marayaa halkii ugu sarraysay, cadawga  Itoo biyana waa cadawga Somaliland, waxaananu ku qabanaynaa gacan bir ah,” ayuu Taliye Cilmi-k abaal ku soo xidhay qoraalkiisa.



Source: Jamhuuriya Online