Cadaadlada uu Xisbiga Kumiye Rabo Inuu ku Dhaqo Somal iland, Marka hore Ha ku Dhaqo Radio horyaal iyo Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa.‏‏
 

Marka hore waxaan salaamaya dhamaan umada reer somaliland gudo iyo dibadba, salaan ka bacdi, sida laga wada dharagsan yahay qaran ama dawlad waxaa aasaas u ah in cadaalad uu ku salaysnaado taasoo u horseedi karta hurumar iyo barwaaqo .laakiin hadii taa lawaayo ma cnihii dawladnimo ama xisbinimo meesha wuu ka baxayaa, tafaraaruq iyo maqaalufo xumana way imanaysaa, waana tii dawladdii awooda iyo cududa badnayd e afwayne bare jilbaha  dhul ka ugu dhufatay kadib markii mamulkiisi eex ,qabyaaladeed iyo cadaalad daro uu ku dhaqmay.


Waxaan maanta arkaynaa amaba websetyada ku aragnaa in badan Xisbiga wayn ee Kulmiye iyo hogaankiisa sare, iyogoo in badan ku cel celinaya mamulka hada jira ee madaxweyne Riyaa le wuxuu caadaystay musuqmaasuq iyo cadaalad daro.

Laakin xisbiga kulmiye , wuxu is dhafinaya ama indhaha ka qarsanayaa cadaalad darada  xisbi giisa ka dhex jirta . Taas waxa marag madoon u ah,  shirkii ka dhacay Burco ee lagu doortay musharaxyada kal ah mudane Saylici iyo Axmed Siiraanyo,  tasoo ay ka dareeren rag faro  bad anoo ah hal doorkii xisbiga . Taasoo ay sabab uga dhigeen in Xisbigi loo afduubay hab  Qabyaal aysan,taso xisbia gudihiisa shaki badan galisay .waxa kalo wax lala yaabo ah in Radio Horyaal oo aan aniga iyo dadka ila fikirka hi aanu u naqaano Radio Siiraanyo , waxa ay buun buunisa amaba waynaysaa wax kasta oo ku lidi ah Somaliland , iyadoo kala garan wayday xisbiga Udub iyo Somaliland , walina aan laga maqal intay jirtay , iyadoo wax khayr qaba ka sheegtay.

Warkeduna ku bilaabmo xumaanta iyo wax ka sheega Qaranka Somaliland, uuna ku dhamaado  iyadoo baro dheeraysay Radio Hargeisa, oo lagu xanto inay aka Riaale ku hadasho. Anigu wa xaan aminsanahay inay dhaanto Radio Joryaal,  waayo Radio Hargeisa marnaba ma sheego wax lidi ku ah jiritaanka Qaranka , walaw ay iyaba si waali ah u taageerto xisbiga Udub.


Guntii iyo gabogabadii Radio Horyaal ,  ha yarayso wararka la buun buuniyay ee ay  caadaysat ay ,misna aan danta Somaliland ku jirin.



wabillahi tawfiiq

 

 

Yuusuf Ibraahin Oday
diiriyemasoo12@hotmail.com