Maamulaha Hotel-ka Centeral ee Magaalada Wajaale oo si Adag u beeniyay in Hotel-kiisa Ciidan itoobiyaan ahi kala baxeen Rag somali ah:-
 

 


C/raxman Axmed Xuseen oo Timacade News la soo xidhiidhay ayaa sheegay in Hotelka .......


Hargeysa (TNN)-Maamulaha Hotelka Centeral ee Magaalada Wajaale C/raxman Axmed Xuseen Kooshin ayaa maanta si adag ubeeniyay wararka maalmahan warbaahintu Qoraysay ee ahaa in Hotelk-a Ciidan itoobiyaan ahi kala baxeen Dad somali ah, arintaasi oo uu ku tilmaamay mid aan sal iyo Raad toona lahayn, hotel-kiisana aanay jirin cid lagala baxay.

C/raxman Axmed Xuseen oo Timacade News la soo xidhiidhay ayaa sheegay in Hotelka ay yima adeen Maamulka Degmada Wajaale oo sita Number Qol oo ay raadinayeen balse aanu ku jirin cidii ay doonayeen, waxaanu intaasi ku daray in aanay jirin ciidan ajnabi ah ama cid kale oo  ito obiya ka socota oo soo Gashay Hotelka Centeral ee Badhtamaha Magaalada Wajaale.

Maamulaha Hotelku isaga oo arimahaasi ka hadlaya Waxa uu yidhi " Hotelka Centeral waa Hotel hurdo oo amaan ah, ilaalo gaar ah leh, isla markaana aan cidi iska soo gali karin, baadhina karin illaa iyo warqad fasax ah uu ka soo qaato Maamulka Degmada Wajaale, Hotelka amaankiisu aad ayaa loo ilaaliyaa cid dhibaato ka sheeganaysaa ma jirto, sidaa awgeed waxaan cadaynayaa in aan ciidan itoobiya marna soo galin Hotel Centeral" ayuu yidhi C/raxman  Axmed Xuseen Koosh in.

Maamulka Hoteelka Wajaale ayaa isagu tilmaamay in uu masuul ka yahay amaanka dadka Safar ka ah ee ku soo degga Hotelka, cid sharci darro ku wax yeelayn kartaana aanay jirin, sidaa aw geed uu macaamiisha u cadeeyay inaan marna wax dhib ahi ka soo gaadhi karin Hotel Centeral.

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay ka jira Magaalada Wajaale Dad la sheegay in Ciidamada  itoobi ya kala baxeen qaar ka mid ah hotel-adda Degmada Wajaale haseyeeshee ay beeniyeen  Maam ulka Gobolka Gabiley arintaasi, iyada oo Qaar ka mid ah Ehelada iyo Xaasaska Dadkaasi wajaale lagala baxay oo Wargeyska Geeska africa u Waramay Xalay ay sheegeen in ay itoobiyaanku  k axaysteen Ragoodii, dadkaasi oo aan la garanayn Waxa lagu haysto iyo halka ay ku  suganyihii nba.

Aritan ayaa ilaa shalay aad looga hadal hayaa Guud ahaan Dalka somaliland, taasi oo dareen  g aar ah ku abuurtay dad ku dhaqan Degmada Wajaale iyada oo aanay wali soo bandhigin  Xukuu mada somaliland Xog rasmi ah oo lagu qanci karo, balse ay beeniyeen Maamulka Gobolku, Wax ba kama jiraana ku tilmaameen.
 

 



Mustafe Future
Timacade News Desk
Hargeisa/somaliland
mccfuture@hotmail.com