OPEN LETTER TO NEW LEADER OF SOMALILAND {AHMED MOHAMED MOHAMOUD}

 

Mudane Madaxweyne waxan kuu jaraynayaa inuu eebbe kuu hawlyareeyo hawsha culus ee xilkeeda laguu igmaday,Somaliduna waxay tidhaahdaa far kali ihi fool ma maydho,hadii aan lagu gacan qaban adna aanad u dhago nuglaan inta samaha ka shaqaysa,xaaladuhu ma  sa m aadaan eebbe kama dhigo eh.Hogaamiye waxad tahay soo jireen cimrigiisu ku simay wax badan,jid dheerna u soo maray hogaaminta dalka,hadana nin habari dhashay hal  maseegi waayo oo adduunyada ayaaba sidaa ah.

Waxad haysataa halsoonidii ummada,taageeradii dunida iyo quluubtii shacbiga somaliland. dunidana inta la joogaa way yar tahay Alle ha kuu siyaadshee,waxana la yidhi waari  maysi de war ha kaa hadho.Waxan jeclaan lahaa inaad dhaxal waara,dalka iyo dadkaba anfaca a digana taariikhda kuu gala ad mujiso,samaynta dawladda iyo fulinteedaba xulatana dad aad u qiimo leh kuna haboon hoyga loo igmado sida.

1-DR IBRAHIM MAYGAAG SAMATER {ARRIMAHA DIBADA}

2-DR ADNA ADEN ISMAIL {CAAFIMAADKA}

3-CALI IBRAHIM CALISANYARE {QORSHAYNTA}

4-MOHAMOUD SH.AHMED DALMAR {CADAALADDA IYO DIINTA}

5-PRO.SAID MOHAMOMED GEES {WAXBRASHADA}.

6-DR MOHAMED RASHIED SH.HASSAN {WARFAAFINTA}

iyo qaar kale oo badan oo uu ka mid Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyey ee Somaliland M ujaahid Xasan Ciise Jaamac. Mudane Madaxweyne adaa u xaq leh wixii dadka deeqa ayaa d alkana wax ah.

 

 

 

Abdirahman Ibrahim Bouh
Leicester UK