Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdill ahi Ducaale, oo mar kale la kulmay fadeexad diblomaasiyadeed
 

Washington-DC (Longlivesomaliland News)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soma liland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, ayaa muddo laba todobaad ah u joogay  mag aalada Washington ee Caasimadda Maraykanka, raajicinayayna sidii uu ula kulmi lahaa Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha  Dibad da ee Baarlamaanka Maraykanka, Congress man Donald Payne.

Haseyeeshee, Wasiirka waxaa la ogaysiiyay inaan wakhti loo hayn lagu arko, arr intan oo fadeexad hor leh oo diblomaasiyadeed u soo jiiday Somaliland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun doloola siyaasadda maamulka  Mar aykanka , ayaa daboolka ka qaaday in saraakiisha la talisa Mudane Donalad  Pay ne ,ay seddex jeer u sheegeen in aan wakhtio loo ahayn Mr. Cabdillahi Maxamed Ducaale iyo wakiilkiisaba.

Waxay arrintan diidmada ah ee Guddoomiye Donald Payne daba socotaa balan ka bixii hore ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland uu kaga baxay balantii uu hore ula qaatay congress ka Maraykanka. Wuxuu warku sheegay in Cabdillahi Maxamed Ducaale uu hore u ogaaladay inuu balantaasi shirka ahayd ee bishii  ho re uu ogalaaday inuu ka soo qaybgalo isagoo og dadka kale ee shirka lagu  casu umay. Markii denbese uu ka noqday balanataasi. Arrimaha laga hadalayay  shirk aasi waxaa u badnaayeen kawa la xidhiidha nabadgalyada iyo la dagaalanka  bu dhcada badeedda iyo argagixisada.

Waxaa warkuu sheegay,in wasiir Cabdillahi uu marti u yahay wakiilka dawlada  S omaliland ee Maraykanka Dr. Sa’ad Sheekh Nuur. Wararka imanaya maamulka So maliladna waxay sheegayaan in Madaxwayne Daahir Rayaale aanu raali ka  aha yn sida bahdilaadda ah ee uu u dhaqmayo Cabdilaahi Maxamed Ducaale, oo  iya doon wali laga bogsan khasaarihii hore ee go’aamadiisiii kale duwanaan ee uu ka qaatay arrintii shirka Washington ay Somaliland u keentay, uu haddana maanta soo jiiday fadeexadan kale oo hor leh.

Dhacdadani waxay Somaliland u keentay fadeexad siyaasadeed oo xagga  diblom aasiyadda ah, halka dhinaca kalena ay muujinayso kartida iyo qorshe xumada  W asiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland.
 

 


Abdi Kaahin

Wariye Madax banaan