Waftigii Uu Hogaaminayo Gud. Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Shirka Common Wealthka Ee London Ka Socda

 


London (Timacade News)-Gud. Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland  mud ane C/casiis Maxamed  Sa maale iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si rasmiya loogu  casuum ay shirka wadamada  Common Wealthka oo haatan si rasmiya uga socda magaalada  Lon don. Shrika waxaa ka qayb galay ilaa 40 dawladood oo dhamaantood xubno ka ah Common Wealthka.


Waxa ka mid ah waftiga Gud. Xigeenka la socda mudane Aadan Tarabi Oogle oo ah xubin ka mida ah Golaha Wakiilada isla markaana kasoo baxay xisbiga Udub. Aadan waa  Gudoomiya ha Guddida la dagaalanka musuq-maasuqa ee Golaha Wakiilada.


Muhhimada ugu weyn ee shirkani waxay ahayd Dhisida Nabadgelyada iyo Xalinta  Mashaak ilaadka wadamada xubnaha ka ah ururkan. Intii uu shirku socday waxaa laga hadlay  dhiba atootinka ka jira wadamada qaarkood iyo sidii loo xalin lahaa arrimahaasi.


Wafiga Somaliland waxay xalay qado sharaf loogu sameeyay magaalada Belfast ee gobolka Waqooyiga Ireland. Waxa waftiga si rasmiya u qaabilay isla mraka khudbad ka jeediyay  ho olka shirarka ee Dawlad goboleedka Waqooyiga Ireland gudoomiyaha Golaha Waqooyiga  Ireland mudane William Hay MLA Speaker of Northern Ireland Assembly.


Waftigu waxa ay joogi doonaan waqooyiga Ireland mudo laba cisho ah. Waxaana la filayaa marka uu shirka u dhmmaado inay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan masuuliyin ka  t irsan baarlamaanka Britain iyo masuulyiin kaleba


Sawirada shirka London iyo hawlahii ay ka soo qabteen waqooyiga Ireland dhawaan ayaa la soo gudbin doonaa. Waxa kale oo laga heli karaa websiteka Notrthern Ireland Assemly