Cabdicasiis Samaale oo aan ka qaybgalin maalinta Shuhadada SNM, waa maxay sababtu?


 

 


Waxaa shalay guud ahaan Somailand laga xusay maalinta shuhada Mujaahidiintii SNM ee dalka dhiigooda u soo huray ee 17ka October, Hadaba waxaa xaflad aad ubalaadhan oo lagu qabtay magaalada Hargeisa ka soo qaybgalay mujaahidiin badan oo dalka usoo halgantay oo ay kamid ahaayeen Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo kamid ahaa Mujaahidiintii hogaaminaayay ciidamada isla markaasna toos ugali jiray furimaha dagaalka.



Hadaba Cabdicasiis Samaale Gudoomiye xigeenka wakiilada oo inkastoo aanu mujaahid ahayn h adana lagu yaqaano in uu madaxweyne Siilaanyo is agtaago marka xafladaha noocan ahi jiraan ayaan shalay ka muuqan xaflada oo aan ka soo xaadirin meel SNM lagu xusayo isagoo isku dars aday in kastoo aanu layaab lahayn maadaama oo aanu ka mid ahayn mujaahidiintii SNM iyadoo uu si weyn shacbiga somaliland iskaga iibiyay Mujaahid nimadiisana muujiyay

 

Mujaahid Muuse Biixi cabdi oo khudbad dheer oo taariikhda SNM halkaas ka jeediyay, hadaba iy adoo la ogyahay in uu tartan ka dhexeeyo Mujaahid Muuse Biixi iyo Cabdicasiis samaale miyaa nay shacbiga somaliland arkayn keebaa dhigiisa idiin soo huray? keebaase casiirka ku cabaayay YEMEN oo somaliland markii ay xorawday uun Hargeisa yimid.



Isbarbardhig kooban Mujaahid Muuse Biixi
VS cabdicasiis samaale.



Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka mid ahaa saraakhiishii aqoonta sare ee xaga milatariga ku soo qaat ay dalka Ruushka deedna hogaaminaayay SNM, tusaale ahaan dagaalkii Hargeisa lagu soo qaad ay 31kii may 1988 wuxuu ahaa Mr Muuse Biixi ninkii amarkii ugu danbeeyay ku bixiyay in ciidam adu dagaalka bilaabaan oo ay ka bilaabaan taliskii guud ee faqashta ee Hargeisa isagoo kamid ahaa 7 sarkaal oo ciidanka watay, markii dalka la soo galayna wuxuu noqday Wasiirkii ugu hore eyay ee Arimaha Gudaha ee dawladii CIgaal 1993kii isagoo ku guulaystay Muuse Biixi in uu Som aliland nabad ka dhaliyo dhalinyaradii uu wakhtigii halganka taliyehooda uu ahaana uu hub ka ka dhigo, isagoo dhamaan wakhtigiisii ku qaatay mar uu dagaal kula jiray siyaad bare iyo ma rkii uu ka xoreeyay oo uu hadana nabad in uu dhaliyo uu ujeestay.
 


Cabdicasiis samaale wuxuu ahaa sheekh aqoon sare u leh xaga diinta, wuxuu daganaa wadanka yemen wakhtigii halganka isagoo aan haba yaraatee ka qayb qaadan dagaalkii lagula jiray talis kii siyaad bare, wuxuu dalka iska yimid markii uu hubsaday in ay hargeysi nabad buuxda noqot ay ( NINA DHAQASHUU KUU DHEX JOOGAA NINA DHIMASHUU KUUGU DHIIRADAY), waxaa uu siya a sada galay 2005tii wakhtigaas noo wakiilada isku sharaxay.
 


Hadaba akhriste labadaas nin ayaa madaxweyne wada doonaya ee keebaad ka dhigi lahayd oo abaal kugu leh? dadkaa ka jawaabi doona.
 

 

 

 

 

Abdulkadir Mohamoud
Kampla Uganda,
email: qaalidaydii22@hotmail.com