Anigoo ku hadlaya magacayga,Nimco Muxumed Ibrahim,ka Tafatiraha Guud, Eng. Mohamed Ali Muse iyo ka dhammaan hawl wadee nada  Shabakadda Caalamiga ah ee Timacade News N etwork (TNN) , ee kula sugan dunida dacaladeeda, waxaanu munaasabadda Ciidal Fidriga awgeed,aan salaan iyo hambalyaba u diraynaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mujaahid Muse Biixi Cabdi, M adaxweyne ku xigeenka Somaliland,Cabdiraxman Saylici,Ciidamada Qaranka,Golaha Wasiirada,xildhibaanada  Golaha Wakiilada, xildh ibaanada Golaha Guurtida, shacabka Somaliland & dhammaan umadda muslimiintaba.

Waxaanu Ilaahay idiinka baryeynaa inaad caafimaad iyo nabad ku ciidaan,sannadka sannadki isana aad bash bash iyo barwaaqo ku gaadhaan , Aamiin , Aamiin , Aamiin.

 

 

 

 

 

 


Nimco Muxumed Ibrahim

Timacade News Desk (TNN)
Vienna,Austria