“Arrintaydu Waxay Khusaynaysaa Laba Qof Oo Madaxweyn aha iyo Guddoomiyaha KULMIYE Ah” Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

 


Hargeysa (TNN)-Guddoomiye xigeenkii xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo si ju juub ah xilkii lagaga qaaday, islamarkaana magaalada London u jooga daawaynta nabaro ka soo gaadhay hawlgalkii shirkii golaha dhexe ee KULMIYE lagaga saaray, ayaa markii u horaysay ka hadlay waxyaabihii sababta u noqday falkii lagula kacay.

Cabdiraxmaan Cabdiqadir, oo waraysi gaar ah siiyay weriye Ibrahim Cismaan oo ka tirsan shaba kadda Hadhwanaag News, wuxuu sheegay inay arrintiisu fadhido Madaxweyne Axmed Maxam ed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaanu xusay inuu maqlay war ar sheegaya inuu Madaxweynuhu sheegay inaanu isagu amrin in sidaas loola dhaqmo, waxase uu sheegay inuu maqalka warkaas aad uga cadhooday.

Ugu horayn Cabdiraxmaan Cabdiqaar, oo ka jawaabayay inuu filayay in shirkii KULMIYE laga sa ari doono wuxuu yidhi “Arintan ay ka hadlkayeen arin dhamaatay ayay ahayd oo aanu hore u gu hadalnay oo Maxamed Kaahin uu shirka jaraa’id ka qabtay ayay ahayd. Maalintii khamiistee ee ka horaysay Sabtidii aanu shirka qabanay, guriga madaxweyne ku xigeenku ayaan kaga qa yb galnay shir uu hogaaminaayo oo ay joogeen wasiirada Samaale, Xirsi, Maxamuud Xaashi, H ogaanka Xibiga iyo Jaamac Shabeel, oo loo dhamaa ajandaha ayaanu samaynayna, sheekada asu sheeko taalay may ahayn niyad samaan ayaanku kala tagnay, habeenkii jimcaha ayuun ba an sheekadaas maqlay, laakiin wax kaleba waan filanayee shir kulmiye ah ayaa waligaa lagugu faro saarayaa taas waligayna meel ma soo dhigan.”

Cabdiraxmaan Cabdiqaar, oo la weydiiyay sida ay isku ahaayeen Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu yidhi “Walaahi marka hore aad baanu isugu wanaagsanayn, waxaan u haystaa wixii aanu u soo halganay iyo dalka horumarkii aanu la doonaynay dariiqii wanaagsanaa in aan aan haynin, dhawr goorna waan u sheegay, hase yeeshe siyaasadda waa lagu kala duwanaan karaa oo dadku iyagoo kala rayi ah ayaa la wada shaqayn karaa.

Maalintii Salaasada madaxtooyada ayaan joogay, oo hoggaanka oo dhami joogay, wasiirada oo dhami joogay, khudbad ayaan ka akhriyay oo erey ayaan ka jeediyay, madaxweynaha waanu wada hadalnay oo wada kaftanay oo wax colaad ah oo markaas aan ka arkayay ma jirin, anigu waxaan islahaa haddii meel uu ku diidayo oo uu leeyahay ha iga baxo, xafiiskiisa ayuu odhan la haa ha iga baxee, shirkii aan guddoomiyaha ka ahaa yaanu Ina Cabdiqaadir imanin anigu ma fil aynin, imikana wararka ii soo bax baxayaa waxa weeyaan inuu madaxweynuhu yidhi anigu waxa as ma odhan ee cid kale ayaa samaysatay, warkaana aad baan uga xumaadya oo uga xanaaq ay.”

Mar la weydiiyay cidda uu u tuhmayo inay ka dambaysay xil ka qaadistiisii iyo ka saaritaankii sh irka, wuxuu yidhi “Cidda masuulka ka ahayd way iska cadahay, dad waa dad la soo dirtay oo kh arash ama amar hala siiyo, arrintaydu laba qof ayuun bay khusanaynaysaa, waa madaxweyna ha dalka iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.”

Isagoo ka jawaabayay waxa ka jira wararka sheegaya inuu dacwad ka furan doono dalka Ingirii ska wuxuu ku jawaabay, “Arintaasi waa ay jirtaa, looyarana waan qabsanayaa, in lay faro saa ray oo laygu tacadiyayna shirkaasay ka muuqatay, markaas haddaan arintan xal laga gaadhin, oo aanan garawshiyo ka helin dawladan iyo xisbiga Kulmiyeba, oo aanan ilaa maanta wax gara wshiyo ah ka haysan, dariiq alle dariiqaan ku doonan karo xaqaygaba waan qaadayaa.”
 

Source:Geeska