URURKA SAYNA OO AQOON IS WEYDAARSI IYO DOOD CILMI YEED ISKU JIRA U QABTAY URURADA GOBOLKA TOGDHEEER.
 

 


Burco (TNN) -Aqoon is weydaarsi ballaadhan oo uu soo qaban qaabiyey isla markaasna uu maal geliyey ururka isku xidhka dhalinyarada somaliland ee dalka iyo debedda ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaa SAYNA ayaa lagu qabtay Hoolka shirarka ee Siitco College.


Aqoon is weydaarsigan iyo dood cilmiyedkan ayaa si weyn loogu lafa gurayay aayaha Da'yarta ama dhalinyarada, waxaana qodobka miiska saarnaa ama laga doodayay uu ahaa SIDEE LOO MIDAYN KARAA DHALINYARADA SOMALILAND MEEL KASTOO AY JOOGAAN ???????

Aqoon is weydaarsigan oo ay ka soo qaybgaleen ururada SOYVO,SOYDAVO,TIGAAD. TAF ,DALHAGAAJE,TOYDO,SOYWO, INTIFAAC ,TAWFIIQ,KULMIS, Murtimaal, Halkaraan Readers Club iyo Unugga Wadaniyadda Somaliland. ayaa ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay.

Hadaba Doodii ayaa falanqayn dheer kadib la isla qaatay dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen:

1- in la helo dhalinyaro fekerta oo isku xidhan himolona xanbaarsan si dhab ahna loo taabto xaqiiqda iyo wacyiga haatan jira.

2- in la sameeyo dallad guud oo dhamaan midaysa ururada ka jira Gobolka Togdheer, Laguna abuuro da;yarta Kalsooni buuxda,

3- in la bilaabo wacyi gelin hor leh iyo abaabul lagu dhiiri gelinayo dhalinyarta.

4- in da'yarta laga saaro Qabiilka, lagalana dagaalamo qaadka iyo qabiilka.

5- in la start gareeyo ama la dhaqaajiyo dhalinta maadaama ba la yidhi aanay dhalinyartu start garaysnayan ama aanay dhaqdhqaaq badan lahayn.

waxaa sido kale la isla qaatay in la badiyo kulamada noocan oo kale ah ee dhalinta la isugu keenayo si ay aayahooda uga tashadaan , taasi oo laysla af gartay inay wax badan ka bedeli karto khilaafka iyo is faham la'aanta ka dhex jirta inta badan ururada Somaliland gaar ahaanna kuwa Burco.

Guddoomiyaha ururka isku xidhka dhalinta somaliland meel kastoo ay joogaan ee SAYNA Mr. Mustafe Cismaan C/raxman ayaa kelmado kooban oo munaasibadda bilawgeedii uu ka jeediyey kaga warramay Taariikhda ururkan iyo ujeedka loo aasaasay, wuxuuna warbixin dheer ka bixiyey Dhalinyarada oo uu sheegay in avarage ka ama tirada ugu badan ee dalka ay yihiin isagoo ku tilmaamay da'yartu inay 80% yihiin haddana aan waxba loo ogolayn, iyadoo bii yidhi wax walbana dhalinta loo adeegsado, taasoo uu sheegay in markii uu u kuurgalay halka sartu ka qudhusantahay uu ogaaday inay tahay is faham la'aan isku xidhnaan la'aan ka dhex jirta dhalinyarada, wuxuuna si qoto dheer uga hadlay kaalinta dhalinyarada ee waddan kasta, isagoo carrabaabay in dhalinyaradu ay iskaashi uun heer ku gaadhaan.

Wuxuu sidoo kale Guddomiyuhu sheegay inay sii wadi doonaan aqoon is weydaarsiga iyo Doodaha noocan oo kale ah iyagoo u qabandoona dhinacyada kala duwan ee dhalinyartu ka koobantahay sida ,Ardayda jaamacadaha Gobolka Togdheer iyo Seconderyada Dhalinyarata suugaanyahada ah, dhalinyarta ka saxafiyiinta ah iyo waliba dhalinyarta shaqaalaha ama ganacsatada ah sida kuwa ka shaqeeya shirkadaha iyo Goobaha kale ee Bulshada.

Si kastaba ha ahaatee Doodan iyo aqoon is weydaarsigan kulmiyay dhalinyarada badan ayaa ku aadanayd midaynta dhalinyarta Somaliland iyo qaabkee ugu fudud ee loo midayn karaa oo ahayd su'aasha iyado galabta miiska taalay ama laga falanqoonayay , waana markii u horeysay ee URURKA ISKU XIDHKA DHALINYARADA SOMALILAND EE DALKA IYO DEBEDDA uu qabto kulan noocan oo kale ah, isgoona sii wadi doona kulamada noocan ah sida uu xaqiijiyey Guddomiyaha Ururkani.

Ugu danbayntii Doodan ayaa kusoo dhammaatay jawi Deggen iyadoo inta badan dhalintii kulantay galabta ay ku faraxsanayeen barnaamijka iyo hawlaha socda.





Nafisa Ciise Yusuf

Timacade News Network TNN
Burco Somaliland