Burco:
Taageerayaashii Ugu Badnaa ee ka soo Baxa KULMIYE oo ku soo biiray
Xisbiga UDUB
Burco (TNN) - Boqolaal Qof oo ka
tirsan taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee KUL MIYE ee
gobolka Togdheer, ayaa shalay ku biiray xisbiga tallada haya ee UDUB,
kuwa asi oo xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyey hudheelka Ciagal ee
magaaladda Burco.
Taageerayaashan ka soo baxay KULMIYE oo ahaa kuwii ugu badnaa ee
beryahan la arko oo ku biira xisbiga UDUB, ayaa isugu jiray shan
kooxood oo kala duwan oo kala ah ciyaartooyo u ciyaari jiray xisbiga
KULMIYE oo ka kooban SeDdex Group, Fanaaniin, qu rba joog iyo
dadweyne kale.
Guddoomiyaha xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer Ayaanle Cismaan
Ibraahim oo ugu h oreyn ka hadlay Munaasibadaas ay u sameeyeen
taageerayaasha ku soo biiray xisbig ooda, ayaa sheegay in
dhalinyaradan ku soo biirtay oo markii hore taageeri jiray
xisb iga KULMIYE in ay arkeen in Danta iyo Midnimada Somaliland ay
ku jirto Xisbiga talada haya ee UDUB, kaas oo uu sheegay in uu ku
caano maalay nabad iyo isku duumni uu ka dhexsameeyay bulshowaynta
Somaliland.
Waxa Mr. Ayaanle xusay in dhalinyaradan ku soo biiray xisbigooda in
ay ka mid noqon ayaan maamulka iyo masuuliyiinta xisbiga UDUB
ee gobolka Togdheer oo aan laga xigi-doonin, isla markaana si gaar
ah u taakulayn doonaan dhalinyarada kubadada cagta ee ku soo biiray
UDUB si ay cagahooda iskugu taagaan.
Gudoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer Sahra
Dubad oo iyana ka hadashay Munaasibadaasi ayaa sheegtay Boqolaalkan
Qof ee ka soo baxay xisbiga KULMIYE ee ku soo biiray xisbigooda in
ay ka mid ahaayeen Dhalinyaradii ay kaga timi xisbiga Kulmiye sidaa
awgeedna waxay sheegtay marhadii ay maanta ka soo guureen KULMIYE oo
ay u suu noqdeen UDUB in ay u balan qaadayso Kooxaha Ciyaart
ooyadada ah in ay u dirto Koobab ay ku ciyaaraan.
Farxaan Aadan Jirde oo isna ah Gudoonka Garabka dhalinyarada Raga ah
oo isna mad ashaasi ka hadlay ayaa isna sheegay in ay farxad
weyn u tahay Xisbigooda mar hadii ay maanta taageerayaashii ugu
badnaa ee Kulmiye ku soo biiraan UDUB ,sidaa awgee dna waxa uu
xusay in ay isla garabtaagayaan Saamiga ay ku leeyihiin Dhalinyarada
Xisbiga maanta wixii ka danbeeya.
Dhinaca kale Gudoomiyayaasha watay Sedexdan Kooxood ee ciyaartooyada
ah ee KU LMIYE ka soo hayaamay oo u hadlay dhalinyaradan ay
wateen ayaa sheegay in ay Ku lmiye uga yimaadeen Maamul xumo
iyo Cadaalad-daro ay sheegeen in uu habaya yar aatee waxba
kaga qaban waayay Seddex-sano oo ay magaciisa ku ciyaarayeen
baa hiyaha aasaasiga ah ee dhinaca Isboortiga ka haystay kooxahoodan,
sidaasna ay ku gu'aansadeen in ay ku biiraan xisbiga Talada haya
iyagoo Oodahoodii wata.
Ugu dambeyntii masuuliyiinta xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer ayaa
markii dambe ko oxahan kubada cagta ee ka soo digga rogtay
xisbiga KULMIYE guddoonsiiyay qalabka ciyaaraha oo iskugu jiray
kubado iyo dirayska lagu ciyaaro ee Sportiga.
Source: Jamhuuriya Online
|