WASIIRKA HAWLAHA GUUD OO XADHIGA KA JARAY BIRIIJKII 3 AAD EE AY DHISATO SHIRKADDA DAHAB SHIIL…

 


Burco (TNN) Xaflad balaadhan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa saaka xadhiga lagaga jaray Biriijkii 3aad ee ay dhisto shirkadda xawalaada DAHABSHIIL.

xafladdan oo lagu qabtay afaafka hore ee biriijka cusub aya waxa ka soo qaybgalay  masuu liyiin ka kala socda xukumadda,gobolka iyo degmada intaba,iyo weliba masuuliyin ka kala  soc da shirkadaha gobolka iyo dalkaba ka jira waxana ka mid ahaa masuliyintaasi ka soo  qayb galay xafladdan balladhan, wasiirka hawlaha guud iyo guryayanta, wasiiru dawlaha  macdan ta iyo biyaha,wasiirka dib u dejinta, sido kale waxa xafladda goobjoog ahaa Badhasab  xigee nka Gobolka Guled Dahir Samatarm, Maayar xigenka Degmada Burco Axmed cabdi fallaay  ah na kusimaha duqa magalada Burco,maareyaha guud ee shirkadda DAHABSHIIL ee Gobolada Bariga somaliland Md,Nuux siciid Ducaale, mid ka mid ah masuuliyinta Guud ee shirkadda  Dah abshiil Ismaciil Xaji Cabdi Ducaale iyo welib amasuuliyin ka kala socday axzaabta qaranka ee Udub,Kulmiye,Ucid,Waxaan iyaguna meesha ka maqnayn masuuliyinta sirkadaha  TELESOM, HIIRAD CONSTRUCTION iyo qaar kale oo badan.

xafladdan oo ahayd tii ugu dadka badnayd marka la barbardhigo xafladihii hore ee xahdiga lagaga jarayay 2da biriji hore ayaa waxa gebi ahaanba ay ka madhnayd siyaasad iyo wixii la mida, iyadoo masuuliyinta agaasimka xafladan lahayd ay horeba u sii sheegen in xafladdi  aa nay noqon mid axzaabta u noqota fursad ay ku kala faaidaystaan maadama shacbi weyne badan isugu yimaadeen.

waxa ugu horayn gabayo iyo maansooyin ka soo jeediyey halkaas Abwaanka weyn ee hure walanwal iyo weliba abwaan kale oo ka mid ah abwaanaa Da’da yar.

kadib gabayada dadka lagu samirsiinayay waxa bilaabamay khudbadihii waxana  dhammaan ba ka hadlay munaasibadda masuuliyiinti fadhidey kana so qaybgashay marka laga reebo  w asiirada kasocday wasaradaha dib udejinta,iyo macdanta iyo biyaha.

waxay dhamaan masuliyintii halkaas ka hadashay sheegeen kaalinta ay shirkadda  DAHABS HIIL kaga jirto ganacsiga dalka iyo weliba horumarinta Dalka, waxay sidoo kale ku  nuux  nuu xsadeen in hawl kasta oo shirkaddani ay dalka ka hayso ama ay qabato ay tahay hormar uu ku tallabsanayo dalku marba marka ka danbaysa.

maareeyaha guud ee gobolada bariga somaliland md:Nuux siciid Ducaale ayaa munaasibadda ka akhriyey waraq ay ku soo bandhigeen dhamaanba hawlihi iyo mashariicdii ay ka fulisay  s hirkaddu dalka.wuxu xusay maareeyuhu in hawlaha ay qabteen anay inatan uu ku koobnayn, sidoo kalena ay sii wadi doonaan waxkasta oo dalka iyo gobolkaba horumar u ah, shirkaddu na ay mar walba qiimayso kana hormariso waxa walba danta Guuud.

Guuled dahir samatar oo ah Badhasab xigenka Gobolka ahna u ku Simaha Gudomiyaha  Gobol ka ayaa aad ugu mahadnaqay SHirkadda Dahabshiil, wuxutusaale ugu soo qaatay samafalka iyo danta ay ka shaqayso shirkaddu sidii berigi dhowey e shaqaaqadu darroor ay ka  dhacd ay ay shirkaddu uga hawlgashay wuxuuna sheegay MD: Guled Dahir in berigaas shaqaaqadu darroor ay ka dhacday ay isaga iyo odayaal kale u tageen ganacsatada iyo ujarta  magaala da qaar ka mid ah, in badanna ay ku yidhaahdeen maxaa naga galay dagaaladas daroor ka socda isago arrimahas ka hadlaya wuxu G/kuxigenka Gobolku “Berigii dhoweyd ee dagaaladu Magaalada Darroor ay ka dheceen, waxan u tagnay tujaar iyo ganacsato laga yaabo in qaar ka mid ahi madasha fadhiyaan oo i maqlayaan, annaga iyo odayaal kale oo Gurmad ahbaa u tagnay, waxaan u sheegnay in aan u gurmanayno dadkaas dagalamaya, waxay nagu  yidhaa hdeen oo maxa naga galay dagaaladas annaga, wallahi billaahibaanan been sheegayne  wak aasoo Nuux wuu i maqlayaaye wuxu i yidhi Guuleedow i weydiiyo Guddomiye wax kastoo  ay nu nafahas iyo dhiigaas daadanaya ku kala badbaadinayno, Markaa shirkadda sidaaas xatta uga hawlgasha meelahaasoo kale ee dhiiga daadanaya inay joojiso ku dadaasha una  gurm ata …….”

wasiirka hawlaha guud oo xadhiga ka jaray birijkan cusub aya sheegay in ay kala  badant ahay waxa ay dalka ka faaido iyo waxay u qabato ayna badantahay waxa ay dalka u qabato , wuxu sheegay shikaddin in bilic iyo horumar la taaban karo ay dalka gaadhsiisay, wuxuuna ku booriyey shirkadaha kale inay ka wada qaybqaataan horumarinta dalka.

Ugu danbaynti waxa xadhiga laga jaray birijkii cusbaa iyado xadhigana uu ka jaray wasiirka hawlaha guud md: siciid sulub axmed, waxan isla markiiba dul cararay baabuur aad u tiro badan oo labada dhanba kasoo gelayay.

Kala soco shebekedda caalamiga ah ee Toga herer Media wararkii ugu danbeeyey ee  dalkaa ga, waxana idinku soo maqan barnaamij gaar ah oo aan ka diyaarin dono Shirkadda  DAHABS HIIL iyo samafalka ay ka geystya Gobolka Togdheer.

Source: Togaherer