Caytanka Badhasaabka Hargeysa waxa uu muujiyay Kaftankii Mj. Maxamad Kaahin ee ahaa...

 

Maxameed Cabdi Daauud
Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex

 

Badhasaabka Hargeysa waxa uu yidhi, aan reer Burco la kaftamee...... waxase is  way diin leh muu kaftamay Badhasaabku mise waa aflagaadooday oo caytan iyo ceebayna meesha wadhay? Malaha hadalkii Mj. Maxamad Kaahin sheegaa meesha ka cadaaday! sida aynu wada ognahay hadaba.-

- Kaftanka gobeed rag weligiiba waa isku saydhi jiray oo isku magaabin jiray, mar  had uuse bahalku juqajuqayn iyo caytan galo, waxa looga dhaadhacaa waa iska uun..... Waxana haboon inaan dhiiqadiisa la galin ee laga la' aado. Kaftankii Qarniga ( kii ugu qaalisanaa) aan idhaahdo ee ugu qiimaha badnaa ee Reer Burco iyo Hargeysa  dhex mara waxa lagaga bediyay Hargeysa, oo waxa ilaahay afkiisa ka soo tuuray ninka  bas haashiga ah ee aftahanka ah ee reer Burco ee Muj, Mahamad Kaahin, waxana uu ahaa kaftankii aanu Qolyahayga galbeediga ( badhasaabka Hargesyana waa naga mide) ahi cadhoda iyo cuqdada ka qaadnay ee xataa meesha xun qaarkayo ka gaadhay!

Runta-se marka la sheego waxa uu aniga dhegahayga uga shanqadhayay sida  muyuu siga oo kale, waayo waxa uu ahaa hadal miisaaman oo cudoon, oo marka tilmaamaha iyo sumadaha u gaarka qolyahayagii loola jeeday hoos loo fiirsho ee loo dhug yeesho, la odhanayo qodhaa iyo xeradaa waa erayo meeshoodii helay. Hadalka Mj. Maxamad Kaahin yidhi ee saska aanu ka qaadnay jawaabna aanu u waynay caytan mooyaane waxa uu ahaa kii uu nagu yidhi qolyahayag galbeediga ah '' Isaaqa dhedig ''! bal adba wax ka dheh de wakaase adigoon aflagaado keenin!.

Xiliga/ waayaha lagu jiro iyo meesha la joogo markaad eegto ninka Hargeysa oo ah  m agaalo madaxdii Somaliland, oo aan ognahay waxa soo maray iyo cadaabta aan  dham aanteen soo mudanay ee aan weli haaraheedii iyo hagardaamadeedi geed inaga qarin, habaasna ku rogman ee ay nabaradii weli heemayaan, ninka cida/ waxa uu doono ha ahaadee ku tookhaa ee cid kale ka xigtaystaa, maanu sifahii Mj. Maxamad Kaahin  shee gay ahayn, maanu kuwa dhedig ahayn? Anigaa ku leh waa kuwa dhedig, waana kuwa maalmaha nabadu jirto laga joogi waayo, marka rag is helana qaydka xaga danbe  rog ta!

Markii ugu horaysay maaha hadaladan daalaa-dhaca ah ee qolyahaygan Galbeed  (Isa aqa-dhedig) ka soo burqanaya, waxay ahayd dhawaan markii aynu maqlaynay, hadalo kuwan Badhasaabka afkiisa ka soo baxay hada aan waxba ka duwanayn, uu nin kale ku hanjabayay ee uu ku faanayay Hargeysa lahaanshaheeda, ee uu lahaa "Aniga oo wax ku dila Hargeysa mooyee cidi igu dili kartaa ma jirto"!.

Waxan leeyahay hadaba anigu nimankaa Hargeysa ayaa u Baahan Gud, Guurtida  mud ane Saleebaan Maxamuud Aadan oo ah ninka hada uu badhasaabku adiyadaynato, oo
Hargeysa ayaa u baahan, gud, Xisbiga Kulmiya, mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo, oo Hargeysa ayaa u baahan reer Burco, oo Hargaysa ayaa u baahan reer Boorama, oo Hargaysa ayaa u baahan reer Laascaanood oo Hargaysa ayaa u baahan cid kasta oo reer Somaliland ah. Eesh Qiyaasak!

Bal malee oo maxay noqon lahayd Hargeysa oo looga tagaa qolyahayaga Maxmada  Ka ahin sheegay ee wada Hacooga dhedig ah? Aan isku soo duubee, af caytamay  ninkiis uu ku yaalaa, waxan leeyahay Burco iyo Bari rag baa kaa jira! Xaal ayaan ka bixinay caydaa, waana mar kale iyo waxayagii xilka lahaaye raali halanaga ahaado hadana bal waa la yidhaaye!.

 

 



- Afeef, Eryaga '' dhedig'' ee ku jira ( Isaaqa dhedig) kii sharfanaa ee Dumarka maaha, Xaasha, dumarku marna yay sidaa u qaadan, ee waa ku uu ku sifoobay lab ka  gaabiy ay asaagii!



Somaliland ha jirto oo ha joogto.
 

 

 

Cali Cumar Xasan