Maansadan oo la magabaxday, Bulshooy ma baroorataa; Waxay soo baxday 11kii bisha Meey (May) 2015ka.

 

Maansadan oo ku qotonta hees hawleedda labatiboodinta ee ay haweenku isku maaweeliyaan marka ay hadhuudhka tibta iyo mooyaha u qaataan, waxay ku salaysan tahay saddexdhac iyo hooris.
Macnaha ay xambaarsan tahayna, waxad dhandhansan doontaa; marka aad dhuuxdid. Adiga oo weliba la kaashanaya taariikhda ay soo baxday iyo xaaladda taagan!
Maansadan oo aad u dheeraydna, waxan innooga soo garoocay; inta dhacdadan ku saabsana yd oo keli ah.

Waxayna leedahay:


 


Dabkii baxay ee balbaley
bakhtiinta ninkaan u diray
batroolka markuu ku shubay

*****

Bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****
Ninkaan beeraha u diray
Hadduu baradhada sumeeyo
Hadduu biqilkii rifaayo

*****

Bushooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Ninkaan beeraha u diray
Hadduu baaqbaaq u diido
Hadduu haramaha ku beero

*****

Bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Ninkii baylihii u tiil
Hadduu baarkuun fadhiisto
Hadduu boolatiig qubaayo

*****

Bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Ninkaan beeshii u dhiibey
Ninkaan biyo doon ku idhi
Hadduu ceelkii benado

*****

Bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Ninkaan Boga foofi idhi
Hadduu beerkuun u jiifo
Hadduu barjuhuun cunaayo

*****

Bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Ninkii saca Boor jiraayey
Hadduu burka qoyan ka leexsho
Hadduu biyahaba u diido

*****

Bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Ninkaan buuraha u diray
Batroolka ka baafi idhi
Hadduu baal kale u leexsho

*****

Bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Ninkaan bangiyada u dhiibey
Ninkaan idhi Bini ha qaadin
Hadduu boqol guri samaysto

*****

bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Hadduu sharcigaan bineeyo
Barlamaanku haddii u diido
Haddii buugaba la waayo

*****

Bulshooy ma baroortaa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Ninkii boobee wax qaatay
Bileyskii qaban lahaa
Hadduu boorsada u qaado

*****

Bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Haddaan beeldaajihii
Ninkii baantaba yiqiin
Haddaan bohoshii ku tuuro

*****

Bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Haddii barihii iskuulka
busaaraddu ay ku yuusto
Hadduu buugaba xaraasho

*****

Bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Haddii barihii iskuulku
Markuu beysteenba waayo
ciyaalka ku baadhanaayo

*****

Bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Ninkaan idhi baafi cadow
Ninkaan bunduqyada u dhiibey
Hadduu barkimada ku seexdo

*****

Bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Ninkii boogaha dhayaayey
Bukaansocod kaan u diray
Hadduu biidhiga cabbaayo

*****

Bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Markuu qarankii basaasay
Hadday beelbeel u taallo
Hadday boodhkaasi jiifto

*****

bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Ninkaan boqray een gargaarey
Ninkaan boos sare u dhiibey
Hadduu boqol sano fadhiisto

*****

Bulshooy ma baroortaa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Ninkaan boqray een ku idhi
Bilaad xukun haynaysaa
Hadduu boqortooyo moodo

*****

bulshooy ma baroorataa?
Beerkaagu ma ooyayaa?

*****

Wa bilaahi At-towfiiq

 

C/llaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com